GGGGGG
Saturday, May 25th, 2019
header

dhageyso;’Madaxweyne Farmaajo “Dadaalkoodu waxa uu ku hirgalay waa qabyaaladda ay ka fogaayeen ”

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on May 16, 2019 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho oo lagu maamuusayo dhallinyaradii 13-ka ahaa ee aasaasay ururkii gobannimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL.

Madaxweynaha ayaa intaas kaddib waxa uu kala qayb galay boqollaal dhallinyaro ah oo ka kala yimid guud ahaan deegaannada dalka munaasabad lagu qabtay Taliska Gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taas oo ay ugu dabaal degayeen 76-aad guurada ka soo wareegtay aasaaska Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madasha ka jeediyey kalmad uu ku dhiirri-gelinayo dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoona dib u xasuusiyey doorkii taariikhiga ahaa ee ay ku lahaayeen xornimo doonkii, qaran-dhiskii iyo horumarintii dalka.

“Dadaalkii ay bixiyeen dhallinyaradeennii SYL ayaa horseeday in dalkeennu uu safka hore ka galo dalalkii xornimada ka qaatay gumeystihii. Dadaalkoodu waxa uu ku hirgalay waa sida ay qabyaaladda uga fogaayeen, una aaminsanaayeen midnimada, waddaniyadda iyo wadajirka dadkeenna.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey naxariis iyo in uu jannadiisa ku abaal mariyo 13-kii dhallinyarada ahaa ee SYL oo baal dahab ah kaga jira sooyaalka shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Hobollada Kooxaha Qaranka ayaa munaasabadda ka sameeyey bandhig suugaaneed ay ku muujinayeen dadaallada dhallinyaradeennu ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda, rajada lagu qabo iyo caqabadaha ku xeeran ee dhanka fursadaha shaqada, qabyaaladda iyo fikirka gurracan ee argagixisanimada.

Munaasabaddan waxaa ka soo qayb galay Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye-Gaas Daahir Aadan Cilmi, Booliska Sarreeye-Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamad Jaamac, Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubno ka tirsan Urrurada Bulshada Rayidka .

halkaan ka dhageyso codka Madaxweyne farmaajo 

      fariinta madaxwaynaha

Readers Comments (0)




Wararkii ugu dambeeyay

Odayaasha Dhaqanka Sanaag Oo Ku Baaqay In Shuruud La’aan Ah Loo Joojiyo Dagaal Beeleed Kasoo Cusboonaday Gobolka

May, 25, 2019
Odayaasha Dhaqanka Gobolka Sanaag Ayaa Si Kulul Uga ...

Mareykanka oo si deg deg ah hub uga iibinaya Sucuudiga

May, 25, 2019
Donald Trump Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in uu  ...

Askari dilay Mooto Bajaajle oo la xukumay

May, 25, 2019
Maxkamadda Ciidamada ayaa xukun dil ah ku riday ...

Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Xaaladda Galmudug

May, 25, 2019
Xisbiga Qaran ee Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ...

Saraakiil sar sare oo ka tirsan Al Shabaab oo gacanta lagu dhigay

May, 25, 2019
Maamulka degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegay ...

XOG: Awoodda taliyaasha saldhigyada booliska gobalka Banaadir oo hoos loo dhigay

May, 25, 2019
Allsaaxo.com ayaa baaritaan ay sameysay ku ogaatay in ...

DF oo ka jawaabtay diidmada maamul goboleedyada ee sharciga batroolka dalka

May, 25, 2019
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirshiid Maxamed ...

Dowladda Britain oo taageero dhaqaale siineysa Soomaaliya

May, 24, 2019
Dowladda UK ayaa sheegtay in lacag dhan 8 ...

Daawo:-Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska oo shaacisay is casilaadeeda

May, 24, 2019
Waxaa Maanta oo jimce ah ku dhawaaqday inay ...

SAWIRO:-Xalinta maleesshiyo beeleed ku dagaalamay gobolka Mudug oo bilaawday

May, 24, 2019
zaalintii talaadada aheyd ee todobaadkaan ayaa waxaa dagaal ...

Maqaallo

Odayaasha Dhaqanka Sanaag Oo Ku Baaqay In Shuruud La’aan Ah Loo Joojiyo Dagaal Beeleed Kasoo Cusboonaday Gobolka

May, 25, 2019
Odayaasha Dhaqanka Gobolka Sanaag Ayaa Si Kulul Uga ...

Mareykanka oo si deg deg ah hub uga iibinaya Sucuudiga

May, 25, 2019
Donald Trump Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in uu  ...

Askari dilay Mooto Bajaajle oo la xukumay

May, 25, 2019
Maxkamadda Ciidamada ayaa xukun dil ah ku riday ...

Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Xaaladda Galmudug

May, 25, 2019
Xisbiga Qaran ee Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ...

Saraakiil sar sare oo ka tirsan Al Shabaab oo gacanta lagu dhigay

May, 25, 2019
Maamulka degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegay ...

XOG: Awoodda taliyaasha saldhigyada booliska gobalka Banaadir oo hoos loo dhigay

May, 25, 2019
Allsaaxo.com ayaa baaritaan ay sameysay ku ogaatay in ...

Dowladda Britain oo taageero dhaqaale siineysa Soomaaliya

May, 24, 2019
Dowladda UK ayaa sheegtay in lacag dhan 8 ...

Daawo:-Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska oo shaacisay is casilaadeeda

May, 24, 2019
Waxaa Maanta oo jimce ah ku dhawaaqday inay ...

SAWIRO:-Xalinta maleesshiyo beeleed ku dagaalamay gobolka Mudug oo bilaawday

May, 24, 2019
zaalintii talaadada aheyd ee todobaadkaan ayaa waxaa dagaal ...

SAWIRO:-Madaxweynaha Jubbaland oo kulamo ka wada G/Jubbada Hoose

May, 24, 2019
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ...

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com