GGGGGG
Friday, April 19th, 2019
header

Yuhuudda Oo Masjid La Dhisay Qarnigii 13-Aad Ka Dhigtay Goob Lagu Caweeyo

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on April 15, 2019 by   ·   No Comments

Maamulayaasha Yuhuudda ayaa la sheegay inay Masjid Taariikh weyn leh oo ku yaalla dhulalka la-haysto ee Falastiin ka dhigteen dhismo lagu caweeyo, sidaas waxaa sheegay Sarkaal ka tirsan Muslimiinta Deegaanka.

Shirkad Yuhuudi oo gacan-saar la leh Dowladda Hoose ee Degmadda Safadee Waqooyiga Falastiin ayaa la sheegay in Masjidka Al-axmar oo la dhisay Qarnigii 13-aad ka dhigtay Baar iyo Hool weyn oo lagu dhigo Xafladaha Arooska.Xoghayaha Hay’adda Islaamiga ee Samafalka Falastiin, Sheikh Kheyr Tabari ayaa sheegay inuu ka argagaxay markii uu arkay burburka loo geystay gudaha Masjidka qadiimiga ee Al-axmar.

Sheikh Kheyr Tabari oo la hadlay Wargeyska Al-quddus Al-carabiya ee xaruntiisa dhexe ku taallo magaalladda London ayaa sheegay inuu sannado ka hor uu gal-dacwadeed u gudbiyey Maxkamadda Nazareth ee Yuhuudda, kana codsaday in Hay’adda Kheyriga lagu soo wareejiyo Masjidka, balse aysan Maxkamadda weli xukmin go’aankaasi.Waxa kale oo uu tilmaamay in Kiiska Dacwadiisa ku lifaaqay Dukumentiyadda Lahaanshaha iyo liiska qiimaha adeegyadda ee ku baxay.Magaca Masjidka waxay Yuhuudda ku bedeleen Khaan Al-axmar, si ay u lumiyaan Sharafta Masjidka.

Masjidka waxa uu khibrad u leeyahay burburinta iyo wax-ka-bedelkiisa oo soo taxnayd tan iyo markii dhulka Yuhuudda loo abuuray sannadkii 1948-kii.

Masjidkaas waxay Yuhuuda markii hore ka dhigteen Dugsi (A Jewish School), iyadoo sannadkii 2006-dii laga dhigtay Xafiis Doorasho ee Xisbiga Kadiima ee Yuhuudda, ka hor inta aan loo isticmaalin Bakhaar lagu xareeyo dharka.

Mustafa Cabaas oo ah Taariikh-yahan iyo qof u dhashay Degmadda Safad waxa uu sheegay in Masjidka Al-axmar uu magaciisa ka kooban yahay ama lagu dul xardhay dhagxaanta casaanka ee lagu dhisay Masjiska.

“Muslimiinta booqanaysa goobtaasi waxay weerar kala kulmaan Gumeystayaasha Yuhuudda” ayuu yiri Taariikh-yahan Mustafa Cabaas.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Masjidku leeyahay Taariikh naadir ah iyo qiimo dhismayaasha ugu qadiimsan Caalamka.

Dhinaca kale, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Falastiin, Yuusuf Adays waxa  uu tilmaamay inay Yuhuudda xaruumo badan oo lagu cibaadaysto u rogeen gole lagu caaweeyo, kuwo ay burburiyeen iyo qaar ay ka dhigteen Kaniisado.

Masjidka Al-axmar ee ku yaalla Degmadda Safad ee Waqooyiga Falastiin waxaa asaasay MamelkuSuldaan Al-daahir Baybaris qarnigii 13-aad, iyadoo dhagaxa Astaanta ee Albaabka laga galo Masjidkaasi la dhisay sannadkii 1276 ee dhalashadii Nebi Ciise Calayhi Salaam kadib.

Si kastaba ha ahaatee, Gumeysiga Yuhuudda waxay xoog ku haystaan 2 ka mid ah Masaajidda ugu barakaysan Caalamka, iyagoo haysta Masjidka 2-aad ee ugu barakaysan Caalamka Islaamka  ee Al-AQSA oo ku yaalla magaalladda barakaysan ee Quddus-ta La-haysto iyo Masjidka Al-axmar oo ay Yuhuudda ka dhigteen Gole ay dadkaasi shayaadiinta ah ku caweeyaan.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

SAWIRO:-Wasiir Cawad oo kulamo ka wada dalka Masar

April, 19, 2019
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ...

Somalia Oo Kaalimaha Hoose Kaga Jirta Dalalka Tacadiyadda Ugu Badan Loogu Geysto Suxufiyiinta

April, 19, 2019
Ururka Suxufiyiinta aan Xuduudka Lahayn ee (Reporters Without ...

Dowladda Somalia oo dhiseysa Hay’ad ka hortagta waxyaabaha dhacay ee la keeno

April, 19, 2019
Kadib kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ...

SAWIRO:- Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday seddex heshiis

April, 19, 2019
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire ...

Madaxweynaha dalka iiraan oo weerar afka ah ku qaaday Israa’iil

April, 19, 2019
Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa dalalka Bariga Dhexe ...

Golaha Wasiiradda Puntland oo u digay dowladda Dhexe

April, 19, 2019
Golaha Wasiiradda maamulka Puntland ayaa u digay dowladda ...

Wasiir Goodax oo Cambaareyn kala kulmay Hadal uu sheegay

April, 19, 2019
Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ...

Shirkii uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo oo markale baaqday

April, 19, 2019
Warar lagu kalsoonaankaro ayaa xaqiijiyay in qaar ka ...

SAWIRO:-Arday Soomaali ah oo loo diiday Jaamacadaha Turkiga & Dowladda Somalia oo xal ka gaartay

April, 18, 2019
Wasiiru Dawladdaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ...

Mas’uul Shaqada Looga Cayriyey Taageeridda Israel Oo Codsaday In La Sugo Ammaankiisa

April, 18, 2019
Agaasimihii  Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibedda ee bishii hore ...

Maqaallo