GGGGGG
Monday, March 25th, 2019
header

SAWIRO: Wasiirka Arrimaha dibadda oo kormeeray Safaaradda Soomaaliya ee Kampala

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on March 14, 2019 by   ·   No Comments

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda federaalka Soomaaliya mudane Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa soo kormeeray xaaladda safaaradda ay ku sugan tahay isagoo halkaas soo kormaaray kadibna kulan la qaatay howlwadeenada safaaradda iyo qaar ka mid ah waxgaradka, aqoonyahayka iyo ardayda wax ka barata dalkan Uganda.

Wasiir Cawad ayaa inta uu kormeerka ku jiray uu tagay soo arkay dhismo cusub iyo tayatir ka socday safaaradda oo lagu dhisayay xafiisyada Waxbarashada, ganacsiga iyo warfaafinta oo dhawaan dib u habanayn lagu sameeyay.

Siihayaha xilka safiirnimo ee Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Mudane Cabdiwali Cali Faarax ayaa wasiirka uga warbixiyay isbadalka lagu sameeyay safaaradda ee dhanka dhismaha iyo dardargalinta u adeegida shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Uganda, isagoo intaa ku daray in safaaradda ay dhabarka u dhigatay qarashaadkaas dib u habaynta ah.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa intii uu booqashada ku jiray xariga ka jaray sadaxda xafiis ee dhawaan tayactirka lagu sameeyay ee kala ah Waxbarashada,Ganacsiga iyo Warfaafinta isagoo tilmaamay wasiirku in xafiisyadaas loogu adeego doono shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda

Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda federaalka oo sidoo kale kulan kula qaatay gudaha safaaradda qaar ka socday bulashada inteeda kala duwan oo ay ka mid ahaayeen waxgarad, aqoonyahan, iyo arday ayaa iyaguna dhankooda amaaneen howlaha safaaradda iyagoo sheegay in safaaradda ay shaqo fiican bulshada u hayso diblumaasiyiinta ka shaqeeyana ay yihiin kuwa hufan oo shacabkooda si wanaagsan ugu adeega

Cabdicasiis Maxamuud Cawad (Sanweyne) oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee dagan Kambaala ayaa wasiirka u sheegay in bulshada Soomaaliyeed ee Uganda ku nool aysan jirin cabasho ay ka qabaan safaaradda si dhawna ula shaqeeyaan safaaradooda oo uu jiro xariir wanaagsan oo safaaradda iyo Jaaliyadda ka dhaxeeya

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa uga mahadnaqay Madaxda Safaaradda sida diiran ay howshooda u wadaan isagoona faray diblumaasiyiinta in ay sii laba jibaaraan howlaha safaaradda iyo ka shaqeynta wanaajinta xariirka labada dal.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Doorasho Maanta ka dhaceysa Magalada Gaalkacyo

March, 25, 2019
  Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa ka ...

Akhriso:-Sababta loo xiray Wadooyinka qaar ee Muqdisho

March, 25, 2019
Waxaa Maanta xiran wadooyinka qaar ee Magalada Muqdisho,waxaana ...

Wararkii Ugu Dambeeyay Dhul-Gariir Caawa Ka Dhacay Kenya

March, 25, 2019
Dhul ruxankii xalay saacaddu markay ahayd 7.22 daqiiqo ...

Yuusuf Madaale”Amniga Muqdisho meeshii ugu xumeyd ayuu joogaa Isbarbar yaac ayaana ka jira”

March, 25, 2019
Iyada oo maalmihii dambe uu sii xumaanayay amniga ...

Wasiir kale oo ka mid ah Somaliland oo Musuq loo heysto

March, 25, 2019
Xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa sheegtay in ...

Howlgal ka dhacay Muqdisho & dad badan oo lagu qabqabtay

March, 25, 2019
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya waxaa ay ...

Faah Faahin Dagaal ka dhacay Gobalka Doollo.

March, 24, 2019
Inta la xaqiijiyey 2 ruux ayaa ku dhimatay ...

DEG DEG: Dhulgariir ruxay Kenya

March, 24, 2019
Sidda ay xaqiijiyeen Warbaahinta Kenya Dhulka ayaa ruxmay ...

Ciidamo kale oo ku dhawaaqay in ay kasoo baxayaan Furimaha dagaalka

March, 24, 2019
Cutubyo ka mid ah Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ...

Sawirro:-Ciidanka Danab Oo Al-Shabaab Kala Wareegay Deegaano Hor Leh

March, 24, 2019
Ciidamada Kumaandooska ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa wada ...

Maqaallo