GGGGGG
Saturday, May 25th, 2019
header

Kheyre, Fahad Yasiin & Madaxweynaha Jubbaland oo kulan xasaasi ah yeeshay

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on March 14, 2019 by   ·   No Comments

Xalay waxaa kulan xasaasi ah Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose uu ku dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha SoomaaliyaXasan Cali Kheyre ,kusimaha taliyaha NISA ahna taliye kuxigeenka NISA Fahad Yaasiin oo Talaadadii tegay Kismaayo  iyo Madaxweynaha Jubbaland.

Ka hor kulanka labada dhinac ayaa dhawaan waxaa Nairobi isku arkay, Madaxweynaha Jubbaland iyo Fahad Yaasiin, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo dhameyn lahaa khilaafka dowladda iyo Maamulka Jubbaland,isla markaana lagu wada hadlo Magalada Kisamayo ee Gobolka Jubbada Hoose

Kulanka oo Saxaafada ay banaanka ka joogtay ayaa ayaa looga hadlay dhowr arrimood oo ay ka mid ahaayeen doorashada jubbaland ka dhaceysa iyo sidii Maamulka Jubbaland u Xubno ugu yeelan lahaa dowladda Federaalka,isla markaana Golaha Wasiirada Soomaaliya Isku-Shaandheyn lagu sameyn doono.

Ilo xog-ogaal ah kana qeybgalay shirkaas ayaa allsaaxo waxa ay u sheegeen in wadahadalada labada dhinac ay inta badan isku fahmeen qodobadii ay ka wada hadleen,waxaana jira isku-shaandheyn lagu sameyn doono Golaha Wasiirada Soomaaliya, isla markaana Maamulka Jubbaland uu xubno ku yeelan doono.

Sidoo kale qodobada ay ka hadleen ayaa waxaa ka mid ah in dowladda Soomaaliya aysan faragelin ku sameyn doorashada Jubbaland oo la filayo inay dhacdo Bisha Agoosto ee Sanadkaan 2019 si la mid ah doorashadii ka dhacday Magaalada Baydhabo.

Kulamada u dhaxeeya Ra’iisul Wasaare kheyre kusimaha taliyaha NISA iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa weli Kismaayo ka socda,waxaana warbaahinta qaarkood iyo Baraha Bulshada lagu faafinayay in dowladda Madaxweynaha Jubbaland ka codsatay in uu ka  tanaasulo u tartamida Madaxweynaha Jubbaland, hayeeshee warkaasi cadeyntiisa aysan weli soo bixin.

Readers Comments (0)




Wararkii ugu dambeeyay

Odayaasha Dhaqanka Sanaag Oo Ku Baaqay In Shuruud La’aan Ah Loo Joojiyo Dagaal Beeleed Kasoo Cusboonaday Gobolka

May, 25, 2019
Odayaasha Dhaqanka Gobolka Sanaag Ayaa Si Kulul Uga ...

Mareykanka oo si deg deg ah hub uga iibinaya Sucuudiga

May, 25, 2019
Donald Trump Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in uu  ...

Askari dilay Mooto Bajaajle oo la xukumay

May, 25, 2019
Maxkamadda Ciidamada ayaa xukun dil ah ku riday ...

Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Xaaladda Galmudug

May, 25, 2019
Xisbiga Qaran ee Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ...

Saraakiil sar sare oo ka tirsan Al Shabaab oo gacanta lagu dhigay

May, 25, 2019
Maamulka degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegay ...

XOG: Awoodda taliyaasha saldhigyada booliska gobalka Banaadir oo hoos loo dhigay

May, 25, 2019
Allsaaxo.com ayaa baaritaan ay sameysay ku ogaatay in ...

DF oo ka jawaabtay diidmada maamul goboleedyada ee sharciga batroolka dalka

May, 25, 2019
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirshiid Maxamed ...

Dowladda Britain oo taageero dhaqaale siineysa Soomaaliya

May, 24, 2019
Dowladda UK ayaa sheegtay in lacag dhan 8 ...

Daawo:-Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska oo shaacisay is casilaadeeda

May, 24, 2019
Waxaa Maanta oo jimce ah ku dhawaaqday inay ...

SAWIRO:-Xalinta maleesshiyo beeleed ku dagaalamay gobolka Mudug oo bilaawday

May, 24, 2019
zaalintii talaadada aheyd ee todobaadkaan ayaa waxaa dagaal ...

Maqaallo

Odayaasha Dhaqanka Sanaag Oo Ku Baaqay In Shuruud La’aan Ah Loo Joojiyo Dagaal Beeleed Kasoo Cusboonaday Gobolka

May, 25, 2019
Odayaasha Dhaqanka Gobolka Sanaag Ayaa Si Kulul Uga ...

Mareykanka oo si deg deg ah hub uga iibinaya Sucuudiga

May, 25, 2019
Donald Trump Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in uu  ...

Askari dilay Mooto Bajaajle oo la xukumay

May, 25, 2019
Maxkamadda Ciidamada ayaa xukun dil ah ku riday ...

Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Xaaladda Galmudug

May, 25, 2019
Xisbiga Qaran ee Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ...

Saraakiil sar sare oo ka tirsan Al Shabaab oo gacanta lagu dhigay

May, 25, 2019
Maamulka degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegay ...

XOG: Awoodda taliyaasha saldhigyada booliska gobalka Banaadir oo hoos loo dhigay

May, 25, 2019
Allsaaxo.com ayaa baaritaan ay sameysay ku ogaatay in ...

Dowladda Britain oo taageero dhaqaale siineysa Soomaaliya

May, 24, 2019
Dowladda UK ayaa sheegtay in lacag dhan 8 ...

Daawo:-Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska oo shaacisay is casilaadeeda

May, 24, 2019
Waxaa Maanta oo jimce ah ku dhawaaqday inay ...

SAWIRO:-Xalinta maleesshiyo beeleed ku dagaalamay gobolka Mudug oo bilaawday

May, 24, 2019
zaalintii talaadada aheyd ee todobaadkaan ayaa waxaa dagaal ...

SAWIRO:-Madaxweynaha Jubbaland oo kulamo ka wada G/Jubbada Hoose

May, 24, 2019
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ...

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com