GGGGGG
Saturday, May 25th, 2019
header

Kenya Oo Beenisay In Uu Wasiir Soomaali Ah Ku Lug Lahaa Qandaraaskii Wakiilka Guud Ee Iibinta Ee Shirkadda Kenya Airways Ee Somalia

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on March 14, 2019 by   ·   No Comments

Wasaaradda Gaadiidka ee dalkaasi ayaa shaacisay inuusan Wasiirka Duulista Hawada ee Somalia, Maxamed C/llaahi Salaad “Oomaar” wax door ah ku lahayn Qandaraaska loogu tartamayey Wakiilka Guud ee Iibinta ee Xafiiska Shirkadda Diyaaradaha Kenya Aiweys u jooga dalka Somalia.

Shirkadda Kenya Airways waxay bishii November ee sannadkii hore soo bandhigtay Qandaraas ay kaga codsatay ciddii danaynaysa inay u tartami karaan jagada Wakiilka Guud ee Iibinta ee Shirkadda ee gudaha Xuduudka Somalia.

Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka ee Kenya ayaa sheegay inay Kenya Airways iyo Saraakiisha iyo Wasaaradiisa ahaayeen kuwii go’aanka ka gaaray xulashadda qofka Madaxda ka noqon doona Xafiiska Iibinta Kenya Airways ee suuqa cusub ee Somalia.

Codsiga  Ogeysiiska ee Qandaraaskaasi  ayaa ku beegnayd isla bishii ay Shirkadda Kenya Airways bilowday Duullimaadka Tooska ee Garoonka Caalamiga ee Jomo Kenyatta ee Nairobi iyo Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde ee Muqdisho.

Agaasimaha Fulinta ee Kenya Airways, Sebastayn Mikoz ayaa sheegay in Khadka cusub ee Muqdisho qeyb ka yahay qorshaha ay ku doonayaan inay ku kordhiyaan Duullimaadyadda Kenya Airways, wuxuuna hoosta ka xariiqay in muhiimadda la siinayo Macaamiisha Shirkadda ee  isugu jira Maalgashadayaasha, Ganacsatadda iyo Dalxiisayaasha ee ka shaqeysta ama maalgashada Somalia.

Diyaaradaha Shirkadda Kenya Airways waxay maalin kasta Duullimaad aan Joogsi lahayn isaga kala gooshtaa Garoomkadda Calaamiga ee magaallooyinka Nairobi iyo Muqdisho

Si kastaba ha ahaatee, Duullimaadkaasi waxa uu ballaariyey Ganacsigii Kenya ee Somalia oo haatan gaaray 974.5 million oo Dollar, iyadoo Badeecaddaha Kenya u soo dhoofiyaan Somalia uu kordhay 33.5% tan iyo bilowgii sannadkan 2019-ka.

Readers Comments (0)




Wararkii ugu dambeeyay

Odayaasha Dhaqanka Sanaag Oo Ku Baaqay In Shuruud La’aan Ah Loo Joojiyo Dagaal Beeleed Kasoo Cusboonaday Gobolka

May, 25, 2019
Odayaasha Dhaqanka Gobolka Sanaag Ayaa Si Kulul Uga ...

Mareykanka oo si deg deg ah hub uga iibinaya Sucuudiga

May, 25, 2019
Donald Trump Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in uu  ...

Askari dilay Mooto Bajaajle oo la xukumay

May, 25, 2019
Maxkamadda Ciidamada ayaa xukun dil ah ku riday ...

Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Xaaladda Galmudug

May, 25, 2019
Xisbiga Qaran ee Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ...

Saraakiil sar sare oo ka tirsan Al Shabaab oo gacanta lagu dhigay

May, 25, 2019
Maamulka degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegay ...

XOG: Awoodda taliyaasha saldhigyada booliska gobalka Banaadir oo hoos loo dhigay

May, 25, 2019
Allsaaxo.com ayaa baaritaan ay sameysay ku ogaatay in ...

DF oo ka jawaabtay diidmada maamul goboleedyada ee sharciga batroolka dalka

May, 25, 2019
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirshiid Maxamed ...

Dowladda Britain oo taageero dhaqaale siineysa Soomaaliya

May, 24, 2019
Dowladda UK ayaa sheegtay in lacag dhan 8 ...

Daawo:-Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska oo shaacisay is casilaadeeda

May, 24, 2019
Waxaa Maanta oo jimce ah ku dhawaaqday inay ...

SAWIRO:-Xalinta maleesshiyo beeleed ku dagaalamay gobolka Mudug oo bilaawday

May, 24, 2019
zaalintii talaadada aheyd ee todobaadkaan ayaa waxaa dagaal ...

Maqaallo

Odayaasha Dhaqanka Sanaag Oo Ku Baaqay In Shuruud La’aan Ah Loo Joojiyo Dagaal Beeleed Kasoo Cusboonaday Gobolka

May, 25, 2019
Odayaasha Dhaqanka Gobolka Sanaag Ayaa Si Kulul Uga ...

Mareykanka oo si deg deg ah hub uga iibinaya Sucuudiga

May, 25, 2019
Donald Trump Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in uu  ...

Askari dilay Mooto Bajaajle oo la xukumay

May, 25, 2019
Maxkamadda Ciidamada ayaa xukun dil ah ku riday ...

Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Xaaladda Galmudug

May, 25, 2019
Xisbiga Qaran ee Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ...

Saraakiil sar sare oo ka tirsan Al Shabaab oo gacanta lagu dhigay

May, 25, 2019
Maamulka degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegay ...

XOG: Awoodda taliyaasha saldhigyada booliska gobalka Banaadir oo hoos loo dhigay

May, 25, 2019
Allsaaxo.com ayaa baaritaan ay sameysay ku ogaatay in ...

Dowladda Britain oo taageero dhaqaale siineysa Soomaaliya

May, 24, 2019
Dowladda UK ayaa sheegtay in lacag dhan 8 ...

Daawo:-Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska oo shaacisay is casilaadeeda

May, 24, 2019
Waxaa Maanta oo jimce ah ku dhawaaqday inay ...

SAWIRO:-Xalinta maleesshiyo beeleed ku dagaalamay gobolka Mudug oo bilaawday

May, 24, 2019
zaalintii talaadada aheyd ee todobaadkaan ayaa waxaa dagaal ...

SAWIRO:-Madaxweynaha Jubbaland oo kulamo ka wada G/Jubbada Hoose

May, 24, 2019
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ...

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com