GGGGGG
Saturday, May 25th, 2019
header

SAWIRO: Madaxweyne Deni oo Maanta furay Shirka qorshaha Shanta Sano ee Xukuumaddiisa

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on March 12, 2019 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta Magaalada Garoowe waxa uu ka daahfuray shir looga arrinsanayo dejinta qorshaha shanta sano ee xukuumadda cusub ee Puntland.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), golaha Wasiirada iyo Madaxda hayadaha ka howlgalla deegaanada Puntland iyo mas’uuliyiin kale.

Shirka oo socon doona Mudo Saddex maalmood ah ayaa waxaa looga hadlayaa dejinta qorshe howleedka xukuumadda cusub ee uu dhowaan soo dhisay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni iyo isbedelka ay la imaan karto iyo qorsho howleedkooda.

Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni oo shirka furay ayaa sheegay in shirkaas uu kusoo aaday xilligii loo baahnaa,isla markaana la dejinayo qorsha howleedka Golaha Wasiirada Puntland oo galaya Sanadkii ugu horeeyey.

Waxa uu sheegay in ahmiyada weyn ee laga rabo Xukuumadda uu yahay inay ku dhaqmaan Habraaca iyo xeerka u degsan,waxana uu rajo wanagsan ka muujiyey in shirkaasi ay kasoo baxaan qorsho lagu diyaariyo waxqabadka Xukuumadda ee Sanadka 2019-ka.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa isna waxa uu shirka ka sheegay in shirkaas uu waqti ku qabsoomay,isla markaana Xukuumadda Cusub ee Puntland ay ku Shaqeyn doonto wax ka duwan Golihii Wasiirada hore ee Puntland tana ay bilaaw u tahay.

Maalinta Khamiista ah ee soo socota ayaa la filayaa in Shirkaasi lasoo geba gabeeyo,isla markaana laga soo saaro warsaxaafadeed ku saabsan qorsho howleedka Sanadkan 2019 ee Golaha Wasiirada Puntland.

Readers Comments (0)




Wararkii ugu dambeeyay

Odayaasha Dhaqanka Sanaag Oo Ku Baaqay In Shuruud La’aan Ah Loo Joojiyo Dagaal Beeleed Kasoo Cusboonaday Gobolka

May, 25, 2019
Odayaasha Dhaqanka Gobolka Sanaag Ayaa Si Kulul Uga ...

Mareykanka oo si deg deg ah hub uga iibinaya Sucuudiga

May, 25, 2019
Donald Trump Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in uu  ...

Askari dilay Mooto Bajaajle oo la xukumay

May, 25, 2019
Maxkamadda Ciidamada ayaa xukun dil ah ku riday ...

Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Xaaladda Galmudug

May, 25, 2019
Xisbiga Qaran ee Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ...

Saraakiil sar sare oo ka tirsan Al Shabaab oo gacanta lagu dhigay

May, 25, 2019
Maamulka degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegay ...

XOG: Awoodda taliyaasha saldhigyada booliska gobalka Banaadir oo hoos loo dhigay

May, 25, 2019
Allsaaxo.com ayaa baaritaan ay sameysay ku ogaatay in ...

DF oo ka jawaabtay diidmada maamul goboleedyada ee sharciga batroolka dalka

May, 25, 2019
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirshiid Maxamed ...

Dowladda Britain oo taageero dhaqaale siineysa Soomaaliya

May, 24, 2019
Dowladda UK ayaa sheegtay in lacag dhan 8 ...

Daawo:-Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska oo shaacisay is casilaadeeda

May, 24, 2019
Waxaa Maanta oo jimce ah ku dhawaaqday inay ...

SAWIRO:-Xalinta maleesshiyo beeleed ku dagaalamay gobolka Mudug oo bilaawday

May, 24, 2019
zaalintii talaadada aheyd ee todobaadkaan ayaa waxaa dagaal ...

Maqaallo

Odayaasha Dhaqanka Sanaag Oo Ku Baaqay In Shuruud La’aan Ah Loo Joojiyo Dagaal Beeleed Kasoo Cusboonaday Gobolka

May, 25, 2019
Odayaasha Dhaqanka Gobolka Sanaag Ayaa Si Kulul Uga ...

Mareykanka oo si deg deg ah hub uga iibinaya Sucuudiga

May, 25, 2019
Donald Trump Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in uu  ...

Askari dilay Mooto Bajaajle oo la xukumay

May, 25, 2019
Maxkamadda Ciidamada ayaa xukun dil ah ku riday ...

Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Xaaladda Galmudug

May, 25, 2019
Xisbiga Qaran ee Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ...

Saraakiil sar sare oo ka tirsan Al Shabaab oo gacanta lagu dhigay

May, 25, 2019
Maamulka degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegay ...

XOG: Awoodda taliyaasha saldhigyada booliska gobalka Banaadir oo hoos loo dhigay

May, 25, 2019
Allsaaxo.com ayaa baaritaan ay sameysay ku ogaatay in ...

Dowladda Britain oo taageero dhaqaale siineysa Soomaaliya

May, 24, 2019
Dowladda UK ayaa sheegtay in lacag dhan 8 ...

Daawo:-Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska oo shaacisay is casilaadeeda

May, 24, 2019
Waxaa Maanta oo jimce ah ku dhawaaqday inay ...

SAWIRO:-Xalinta maleesshiyo beeleed ku dagaalamay gobolka Mudug oo bilaawday

May, 24, 2019
zaalintii talaadada aheyd ee todobaadkaan ayaa waxaa dagaal ...

SAWIRO:-Madaxweynaha Jubbaland oo kulamo ka wada G/Jubbada Hoose

May, 24, 2019
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ...

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com