GGGGGG
Friday, April 19th, 2019
header

Wasaaradda Boostada oo shaacisay dhibaato ka heysata ku biirista Xubinnimada UPU

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on March 11, 2019 by   ·   No Comments

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Boostada Mudane C/laahi Bile Nuur ayaa ugu horreyn warbixin kooban ka bixiyay waxyaabihii ka qabsoomay qorshaha lagu kicinayo Boostada Soomaaliya oo haatan maraya heer gabogabo ah. Wasiiru-dawlaha ayaa xusay in, inkastoo la billaabay in boostada ay soo gaarto dalka 2013-dii, haddana caqabadda ugu weyn ee Boostada u dhaqaaqi weyday inay ahayd inaysan dalka dibeddiisa wax u diri karin, isla markaan aysan si buuxda uga qeyb gali karin hawlaha UPU maadaama aan la bixin qaaraankii xubinnimada tan iyo 1983-dii.

Agaasimaha Guud ee UPU, Danjire Bishaar C/raxmaan Xuseen, ayaa sheegay in tan iyo 2012-dii dhowr mar oo hore la isku dayay in Soomaaliya ay soo ceshato xubinnimadeedii UPU, balse lagu guuleysan waayay. Agaasimuhu wuxuu intaasi ku daray in soo-celinta xubinnimada ay Boostada Soomaaliya uga xayiran yihiin waxyaabo badan, marka la soo celiyana ay soo noqon doonto haybaddii ay ku lahayd hay’adda, isla markaana ay ka faa’iideysan doonto adeegyada UPU oo isugu jira taageero farsamo, aqoon-kororsi, iyo xiriirro ay la sameyso boostooyinka kale.

Wasiir Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in sanadka 2019 uu noqon doono sanadkii xoogga la isugu geynayay kicinta Boostada, kadib markii 2017 lagu guuleystay ansixinta sharciga isgaarsiinta qaranka, 2018 –na la dhisay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo haatan ah hay’ad shaqeysa.

“Sanadkii 1983-dii ayaa ugu dambeysay in Wasaaraddu bixiso qaaraankii UPU iyo ITU. Maadaama aan sanadkii 2017 soo celinay xubinnimadii isgaarsiinta (ITU), waxaan sanadkana soo celineynaa tii Boostada si wasaaraddu u soo ceshato kaalinteedii gudaha iyo dibeddaba,” ayuu yiri wasiirka oo intaasi raaciyay in la isku afgartay in kulanka UPU ee bisha Abriil ka dhici doono dalka Switzerland lagu saxiixi doono waxyaabihii lagu heshiiyay.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa u mahadceliyay Danjire Bishaar tixgelinta gaarka ah ee uu siinayo Boostada Soomaaliya. “Sharaf weyn ayay noo ahayd inaan la kulano nin walaalkeen ah oo madax ka ah Hay’ad caalami ah oo Qaramada Midoobay hoos tagta. Waxaan rajeyneynaa in wada-shaqeynteena cusub ay miro-dhal noqon doonto.”

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

SAWIRO:-Wasiir Cawad oo kulamo ka wada dalka Masar

April, 19, 2019
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ...

Somalia Oo Kaalimaha Hoose Kaga Jirta Dalalka Tacadiyadda Ugu Badan Loogu Geysto Suxufiyiinta

April, 19, 2019
Ururka Suxufiyiinta aan Xuduudka Lahayn ee (Reporters Without ...

Dowladda Somalia oo dhiseysa Hay’ad ka hortagta waxyaabaha dhacay ee la keeno

April, 19, 2019
Kadib kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ...

SAWIRO:- Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday seddex heshiis

April, 19, 2019
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire ...

Madaxweynaha dalka iiraan oo weerar afka ah ku qaaday Israa’iil

April, 19, 2019
Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa dalalka Bariga Dhexe ...

Golaha Wasiiradda Puntland oo u digay dowladda Dhexe

April, 19, 2019
Golaha Wasiiradda maamulka Puntland ayaa u digay dowladda ...

Wasiir Goodax oo Cambaareyn kala kulmay Hadal uu sheegay

April, 19, 2019
Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ...

Shirkii uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo oo markale baaqday

April, 19, 2019
Warar lagu kalsoonaankaro ayaa xaqiijiyay in qaar ka ...

SAWIRO:-Arday Soomaali ah oo loo diiday Jaamacadaha Turkiga & Dowladda Somalia oo xal ka gaartay

April, 18, 2019
Wasiiru Dawladdaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ...

Mas’uul Shaqada Looga Cayriyey Taageeridda Israel Oo Codsaday In La Sugo Ammaankiisa

April, 18, 2019
Agaasimihii  Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibedda ee bishii hore ...

Maqaallo