GGGGGG
Friday, April 19th, 2019
header

Deni oo digniin u diray dadka tacaddiyadda u gaysta haweenka

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on March 9, 2019 by   ·   No Comments

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay xuska maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka (International Women’s Day) oo maanta ka qabsoontay magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka jeediyey xuska maalintan caalamiga ah ee Haweenka Adduunka khudbad muhiim ah, taasi oo uu kaga hadlay doorka muhiim ka ah ee haweenka aduunka, kuwa Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland ku leeyihiin bulshadooda iyo ka qayb qaadashada horumarinta dowladdooda.

“Marka u horaysaa waxaan u hambalyaynayaa dhammaan haweenka Adduunka, kuwa Soomaaliyeed iyo gaar ahaan kuwa reer Puntland, waa farxad runtii aan dareenkeenna idiin ku soo gudbinayno inaan idinkala soo qayb-galo maalinta caalamiga ah, haweenka waa laf-dhabartii bulshada, la’aantood dadka halkan joogaa ma aysan joogeen.”

“Waxaa kaloo muhiim ah Soomaali haddaan nahay maalinta xusitaankeedu Soomaaliya kama dhalan, waa dhibaatooyin haweenka meelkastay joogaanba soo mareen, waana dhaqamo marka laga sheekaynaayo Soomaalidu aysan arag, gabadha Soomaaliyeed marka taariikhda dib loo fiiriyo marna bulshada ay ku dhexjirtey kama aysan hoosayn”

“Dhaqankeenii marka la fiiriyo dabcan door aysan lahayn oo raggu ay leeyihiin waa jirtey, lakiin qudhiisana kaalin wayn bay kulahaayeen reer ka taladiisa iyo kobociisaba, balse markaad fiiriso haweenku waxay soo mareen, qaarbaa la aasijirey, qaarbaa nolosha loo ogolayn, tariikh aad u mugdi ah bay soo mareen oo weliba u badan wadamada reer Galbeedka, Soomaaliya Illahay waa ka koriyey dhaqankooda soo jireenka ah iyo diintooda suuban marka laysku daro ayay taas kaga gudbeen” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa tibaaxay in talaabo sharci ah laga qaadidoono cidwalba oo isku-dayda inay tacaddi u gaystaan haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, waxaana uu ku booriyey Madaxweynuhu haweenka inay ku dhiiradaan ka qayb noqoshada siyaasadda dalka.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

SAWIRO:-Wasiir Cawad oo kulamo ka wada dalka Masar

April, 19, 2019
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ...

Somalia Oo Kaalimaha Hoose Kaga Jirta Dalalka Tacadiyadda Ugu Badan Loogu Geysto Suxufiyiinta

April, 19, 2019
Ururka Suxufiyiinta aan Xuduudka Lahayn ee (Reporters Without ...

Dowladda Somalia oo dhiseysa Hay’ad ka hortagta waxyaabaha dhacay ee la keeno

April, 19, 2019
Kadib kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ...

SAWIRO:- Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday seddex heshiis

April, 19, 2019
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire ...

Madaxweynaha dalka iiraan oo weerar afka ah ku qaaday Israa’iil

April, 19, 2019
Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa dalalka Bariga Dhexe ...

Golaha Wasiiradda Puntland oo u digay dowladda Dhexe

April, 19, 2019
Golaha Wasiiradda maamulka Puntland ayaa u digay dowladda ...

Wasiir Goodax oo Cambaareyn kala kulmay Hadal uu sheegay

April, 19, 2019
Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ...

Shirkii uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo oo markale baaqday

April, 19, 2019
Warar lagu kalsoonaankaro ayaa xaqiijiyay in qaar ka ...

SAWIRO:-Arday Soomaali ah oo loo diiday Jaamacadaha Turkiga & Dowladda Somalia oo xal ka gaartay

April, 18, 2019
Wasiiru Dawladdaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ...

Mas’uul Shaqada Looga Cayriyey Taageeridda Israel Oo Codsaday In La Sugo Ammaankiisa

April, 18, 2019
Agaasimihii  Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibedda ee bishii hore ...

Maqaallo