GGGGGG
Monday, March 25th, 2019
header

Xasuuq Kubadeed : Man City Oo Nus Darsin Goolal Ah Ugu Awood Sheegatay Chelsea , Hogaanka Horyaalkana Goolal Ayay Ku Soo Ceshteen.

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on February 10, 2019 by   ·   No Comments

Man City ayaa nasiinada ugu dirtay kooxda Chelsea afar gool oo nadiif ah ka dib kulan qaladaad dhanka daafaca ah uu hareeyay kooxda Sarri .

City ayaan waqti badan sugin waxa ayna Chelsea biloowgii kaga naxsadeen gool uu ka shaqeeyay De Bruyne waxaase gool u turjumay Rahem ka dib baas uu ka helay Bernardo Silva waxa uuna goolkaas yimid daqiiqaddii 4-aad .

City ayaa ku badneyd kubadda inkastoo Chelsea isku dayayeen in kubadda la qeybsadeen waxaana daqiiqadii 7-aad mar kale ku sigteen gool xaqiiq ah waxaana qasaariyay Aguero .

Balse guud ahaan City waxaa ka go`anaa in natiijada sii xoojistaan waxaana daqiiqaddii 13-aad ay heleen gool labaad oo gantaal ahaa waxaana banaanka ka toogtay Aguero .

Chelsea waxaa ku adkeyd in kubadda si sax ah ay isugu dhiibaan ayna gaarsiiyaan afka hore goosha City waxaana kaliya ka dhaq dhaqaayay Hazard balse City waxa ay u muuqdeen kuwo aan qasaarin doonin fursad waliba oo ay helaan .

City gool sedexaad ayay ka dhaliyeen Chelsea daqiiqaddii 19-aad ka dib qalad ka dhacay Ross Barkley waxaana saxiixay mar labaad Sergio Aguero , ka dib ciyaartooyda Chelsea waa ay bur bureen .

City oo kubadda haysatay ayaa mar waliba oo ay u dhawaadaan goosha Chelsea waxa ay ahaayeen kuwo halis ah halka kooxda ka dhisan galbeedka London ku adkeyd in kubadda u soo jiidaan afka hore waxaana mar kale lagu helay gool 4-aad daqiiqaddii 25-aad waxaana banaanka ka toogtay Ilkay Gundogan .

Ka dib goolkaas afaraad City waxaa la arkayay in ay horay u soo dhaqaaqayaan halka City dib u galeen daafac balse waqti badan kuma jirrin , waxaana daqiqiqaddii 38-aad gool xaqiiq ah oo cajiib noqon ahaa uu goolhayaha City koorno uga saaray Gonzalo kaasi oo kubad laad ah ku qajafeeyay goosha City.

Waxa ay kooxda.com xuseysaa in City ay ku wacnaayeen dhisidda weerarka iyaga oo qadka dhexe ka bilaabayay mana jirrin ciyaartooy Chelsea ah oo kubadda ku cariirinayay ciyaartooyda City , waxaana nasiinada lagu aaday afartaas gool ee nadiifka ah .

Soo laabashadii , labada koox qaab degan ayay ciyaarta ku bilaabeen halka City daqiiqadii 50-aad gool madaxa ahaa ay kaga dhacday birta goosha Chelsea waxaana sidaas sameeyay Aguero

City dhaqaaq wacan ayay wadeen waxa ayna baadi goobeen gool5-aad oo traheem ayaa baxsada ahaa waxa ayna Chelsea daqiqiadii 52-ad soo giliyeen Mateo Kovacic Ross Barkley

Raheem oo jahwareeriyay daafaca Chelsea ayuu Azpilicueta qalad ku galay laacibkaas waxaana loo dhigay rigoore uu gool u turjumay Aguero daqiiqaddii 56-aad

Ka dib goolkaas , waxa ay Chelsea mararka qaar isku dayayeen in u dhawaadaan shabaqa City balse qaab saxan ma aheyn , waxa ayna City daqiiqaddii 65-aad ay badaleen Aguero iyaga oo soo giliyay Gabriel Jesus , halka Riyad Mahrez ,a soo giliyay daqiiqadii 68-aad waxaan xilligaas loo saaray Kevin De Bruyne

Dhamaadkii Chelsea waxa ay isku dayayeen in ugu yaraan goolka sharafa keenaan balse City oo ciyaareysay kubad kalsooni leh maadaama natiijada xaqiijiteen ayaa fashilineysay isku day waliba
City xasuuqeeda ma joogsan waxa ayna daqiqiiqaddii 80-aad dhaliyeen gool 6-aad oo si cajiib ah looga shaqeeyay waxaana ugu dambeyn shabaqa ku hubsaday Raheem Sterling .

Si waliba oo ay ahaato, waxaa Chelsea loogu dhameeyay nus darsin goolal ah , waxa ayna City haatan hogaanka horyaalka Ingiriiska ku hayaan goolal xili ay isku dhibco yihiin Liverpool oo ay wada leeyihiin min 65 dhibic .

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Doorasho Maanta ka dhaceysa Magalada Gaalkacyo

March, 25, 2019
  Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa ka ...

Akhriso:-Sababta loo xiray Wadooyinka qaar ee Muqdisho

March, 25, 2019
Waxaa Maanta xiran wadooyinka qaar ee Magalada Muqdisho,waxaana ...

Wararkii Ugu Dambeeyay Dhul-Gariir Caawa Ka Dhacay Kenya

March, 25, 2019
Dhul ruxankii xalay saacaddu markay ahayd 7.22 daqiiqo ...

Yuusuf Madaale”Amniga Muqdisho meeshii ugu xumeyd ayuu joogaa Isbarbar yaac ayaana ka jira”

March, 25, 2019
Iyada oo maalmihii dambe uu sii xumaanayay amniga ...

Wasiir kale oo ka mid ah Somaliland oo Musuq loo heysto

March, 25, 2019
Xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa sheegtay in ...

Howlgal ka dhacay Muqdisho & dad badan oo lagu qabqabtay

March, 25, 2019
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya waxaa ay ...

Faah Faahin Dagaal ka dhacay Gobalka Doollo.

March, 24, 2019
Inta la xaqiijiyey 2 ruux ayaa ku dhimatay ...

DEG DEG: Dhulgariir ruxay Kenya

March, 24, 2019
Sidda ay xaqiijiyeen Warbaahinta Kenya Dhulka ayaa ruxmay ...

Ciidamo kale oo ku dhawaaqay in ay kasoo baxayaan Furimaha dagaalka

March, 24, 2019
Cutubyo ka mid ah Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ...

Sawirro:-Ciidanka Danab Oo Al-Shabaab Kala Wareegay Deegaano Hor Leh

March, 24, 2019
Ciidamada Kumaandooska ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa wada ...

Maqaallo