GGGGGG
Wednesday, March 27th, 2019
header

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku riday Sarkaal horay qof shacab u dilay

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on January 12, 2019 by   ·   No Comments

Laba xidigle Xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ayaa loo  heysta in uu dil bareer ah u geystay Marxuum Dayax Iimaan Xasan  21-ka bishii sagaalaad 2018, dilkaasi oo ka dhacay aga-gaarka Seybiyaano  degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada amniga ayaa soo qabtay Eedeysanaha, waxaana lagu  wareejiyay Hey’adaha Baarista.

Marxuum Dayax Iimaan Xasan ayaa ahaa wiil dhallinyara ah, waxa uu sidoo kale ahaa wade gaari raaxo isagoo sidoo kale soo dhameeyay heerka wax barashada koowaad  ee jaamacadda Plasma.

Iyadoo jimco ay tahay xilliyadii salaadda kadib ayuu sababsaday qorey Dhasiika ah uu gacantiisa ku riday sida uu sheegtay Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud).

Eeda Kumbud ayaa lagu soo wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Xilligaasi   waxa ayna  codsadeen Xafiiska in garsoorka ay ku hayaan xabsiga dhexe gar-suge ahaan.

Muddo baaristooda kadib  ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud), waxa  ayna Maxkamadda aqbashay in la muddeeyo 10-ka Bishii 12-aad ee sanadkii tegay.

Sedax Cishe kadib ayay bilaabatay Maxkamadeynta Kumbud, waxaana dhageysiga dacwadda  u dhammaa  dhinacyada dacwadda la isku ballamiyay in markale dib la isugu soo noqdo.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla xilligaasi xooraansi dheeraad ah ugu jiray dhacdada sidii loogu dhameystiri lahaa dambi muujinada eedeysanaha, waxa ayna sidoo kale fadhigii  labaad la yimaadeen   oo aheyd laba todobaad kadib  cadeyma dheeri ah sida Sawirka Marxuumka, Warqadda Dhakhtarka  ku cadeeyay  dhimashada Marxuumka iyo markaatiyaal shan ah oo ay qaarkood wada saarnaayeen gaariga eedeysanaha la maxkamadeeyay ee Kumbud.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Side ayaa fadhiga ka sheegay in eedeysanaha uu u adeegsaday  qori Dhashiika ah  meel ciriiri  badan ka jiro balse qoriga loogu tala galay furumaha dagaalka.

Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ayaa sheegay in u jeedkiisu ahaa sidii uu u furi lahaa waddada oo aheyd Beerta jaadka halka loo yaqaano xilligaasi oo ay saxmad ka jirtay balse lagu war geliyay in ay sabatay xabadii uu riday dhimashada Marxuum Dayax Iimaan Xasan.

Qareenada ayaa ku dooday in loo naxariisto sarkaalka loona fududeeyo  xukunka maadama uu goobta fal ka dhacay ay aheyd goob Saxmad ah.

Ugu dambeyn maanta ayaa go’aan laga gaaray, waxaana lagu xukumay eedeysane  Ex, Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) dil toogasha ah oo ah  qisaastii Marxuum Dayax Iimaan Xasan, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute

Maxkamadda Ciidamada ayaa horay digniin uga dirtay in aan lagu xad gudbin muwaadiniinta isaga kala goosha magaalada, waxa ayna sheegtay in ciddii geysata dil ku tala gal ah aan looga waaban doonin sharciga.

Sarkaal xukunsanaha ah  ayaa heysta fursad  kale  uu uga qaadan karo rafcaan Xukunka Maxkmadda Darajada koowaad.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Ururuka xamaas oo ka jawabtay duqayn Israel la beegsatay Gaza

March, 26, 2019
Dowlada Masar ayaa la sheegay inay waan-waan ka ...

War-Murtiyeed Wadajir ah Beesha Caalamka oo Soomaaliya ku taagertay Dib-u-hayebynta Hay’adaha Ammaanka

March, 26, 2019
Qaramada Mudoobay, Midowga Afrika,  Midowga Yurub, Ingiriiska, iyo ...

SAWIRO:- Wasiir Cawad oo ka qeyb galay Shir ka dhacay dalka Morooko

March, 26, 2019
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire ...

Al-Shabaab oo Goob fagaaro ah ku toogtay 5 Ruux

March, 26, 2019
Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa fagaaro ku yaalla deegaanka ...

Xalinta Xiisad u dhaxeysa Puntland iyo Soomaaliland oo bilaabatay

March, 26, 2019
Magalada Ceerigaabo ee Xarunta gobolka Sanaag waxaa kulan ...

SAWIRO:- Kulan Dhuusamareeb uga socdo Wasiirka Arrimaha Gudaha & Madaxda Galmudug

March, 26, 2019
Wefdi uu hogaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka ...

Afar Carruur ah & Hooyadood oo ku geeriyooday waxyaabaha qarxa

March, 26, 2019
Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaan lagu ...

Madaxweyne Farmaajo oo qiray in Ciidamada dowladda dhowr bil mushaar qaadan

March, 26, 2019
Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa taagneyd cabasho ka ...

Maamulka Sh/Hoose oo ka hadlay Cabashada Ciidamada dowladda ee Gobolkaas

March, 26, 2019
Laba Maalin ka hor Ciidamo ka tirsan kuwa ...

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb

March, 26, 2019
Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ...

Maqaallo