Wasiirka waxbarashada XFS oo la kulmay xubno ka socda jaamacadda Afrika ee dalka Suudaan.
Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com
Published on December 8, 2018 by said · No Comments
Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madax ka socota jaamacadda Afrika ee xarunteeda ay tahay dalka Suudaan.
Arrimaha kulanka lagu lafa guray ayaa waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka labada dhinac, horumarinta waxbarashada dalka, waxana wafdigan hogaamineyay guddoomiye ku xigeenka jaamacadda Afrika Dr. Muuse.
“Maanta waxaan xafiiskeyga magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Jaamacadda Afrika ee xarunteeda ay tahay dalka Suudaan, wafdigan waxaa hogaaminayay gudoomiye ku xigeeynka jaamacadda Dr Muuse, arrimaha aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka naga dhexeeya iyo sidii loo horumarin lahaa waxbarashada”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre.
Xubnahan ka socda jaamacadda Afrika ee dalka Suudaan ayaa sheegay in ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barta Suudaan, ay ka go’an tahay waxbarashada.
Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in wafdiga ka socda dalka Suudaan ay u ballan qaadeen inay sii wadi doonaan deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan ardeyda Soomaaliyeed.
Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaradda ay ka go’an tahay horumarinta waxbarashada dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta macalimiiinta.

Related
February, 15, 2019
Wiil dhallinyaro Soomali ah ayaa lasoo warinayaa in ...
February, 15, 2019
Ka hor inta aan la qaban doorashada dalka ...
February, 15, 2019
Wararka ay allsaaxo ka heleyso gobolka Shabeellaha Hoose ...
February, 15, 2019
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulankiisii ...
February, 15, 2019
Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay Todobaadka ...
February, 15, 2019
Wadanka Maraykanka ayaa ciidamadiisa gaarka ah ku sii ...
February, 15, 2019
Beeraley u dhalatay wadanka Jordan ayaa lasoo warinayaa ...
February, 15, 2019
Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe waxa ay weerar ...
February, 15, 2019
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa ...
February, 15, 2019
Xubin ka tirsan xildhibaannada Slovenian ayaa xilka ka ...