GGGGGG
Sunday, December 16th, 2018
header

Ruuska iyo Syria oo loo jeediyay eedeymo culus

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on December 8, 2018 by   ·   No Comments

Dowladaha Mareykanka iyo Ingriiska ayaa ku eedeeyey Dowladda Siiriya iyo Xulufadeeda ee Ruushka in ay been abuurteen wararka sheegaya in kooxaha falaagada dalkaasi Siiriya ay sunta Kiimikada ah ay u adeegsadeen dad shacab ah,taasi oo ay wax kama jiraan ku tilmaameen.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradaha Arrimaha dibedda ee Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa lagu sheegay in sheegashada Ruushka  iyo Dowladda Siiriya ee ku aaddan in Mucaaradku ay Sun Kiimiko ah u adeegsadeen qeybo kamid ah magaalada Idlib ay tahay mid ay ku doonayaan in ay ku majaxaabiyaan dadaalada xabad joojinta ee halkaasi ka socota.

Ilaa 100 qof oo shacab ah ayaa la sheegay in ay waxyeelo ka soo gaartay suntaasi oo falaagadu ay u isticmaaleen magaalada Xalab oo ay dowladdu gacanta ku hayso,waxaana warbaahintu ay soo bandhigeen dad dhaawacyo qaba oo lagu daweynayo goobaha caafimaadka,arrintaasi oo Mareykanka iyo Ingiriiskuba ay mowqif ka wada istaageen.

Dowladda Ruushka  oo ka jawaabaysa eedeymahaasi ayaa weerar xagga cirka ah la beegsatay meelaha ay ku sugan yihiin falaagadda dowladda ka soo horjeeda,iyadoo Mucaaradku ay iska fogeeyeen eedeymahaasi,ayna sheegeen in lagu baneysanayo weeraro iyaga lagu qaado.

Robert Palladino, oo ah afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin weerarada ka dhacay gudaha dalka Siiriya, islamarkaana  ay soo jeedinayaan in la xushmeeyo baarayaasha caalamiga ah ee madaxa bannaan.

Baarayaal dhanka xuquuqda aadanaha oo fadhigoodi yahay dalka Ingiriiska ayaa ku sugan Siiriya, waxa ayna xaqiijiyeen in ay arkeen ilaa 100 qof oo isbitaalada lagula tacaalayo kuwaasi oo neefqabatimoobay sababo la xiriira duqeymo ka dhacay Xalab.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Dhageyso: Maxaa ka jira in wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya uu is-casilay?

December, 16, 2018
Warar la isla dhex-marayey baraha bulshada ayaa sheegayey ...

Maxkamada G/Banaadir oo go’aan ka gaartay kiiska musuqa ee wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda

December, 16, 2018
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa go’aan ka gaartay kiiskii ...

Xog: Qorshe Roobow uu ku tanaasuli lahaa oo si cajiib ah u fashilmay maanta

December, 16, 2018
Qorshe la doonayey inuu maanta Mukhtaar Roobow ku ...

25-maleeshiyo oo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Shabeellaha hoose

December, 16, 2018
Howlgal ay iska kaashadeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibadooda ...

Sawirro:-Khilaafkii Guddoonka Golaha Shacabka Oo Xal Laga Gaaray

December, 16, 2018
Saacadihii la soo dhaafay waxa socday kulamo xal ...

DEG DEG:-Mukhtaar Roobow Oo Dhawaan Warbaahinta Kulahadlaya Muqdisho

December, 16, 2018
Wararka Nagasoogaaya Magaalada Muqdisho Ee caasimada dalka ayaa ...

December, 16, 2018
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Gaari ...

Wasiir ka tirsanaa Xukumaadda Soomaaliya oo is casilay

December, 16, 2018
Wasiirka Howlaha guud ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane ...

Muwaadiniinta Uganda Oo Loo Fududeynayo Fiisaha Dal-Ku-Galka Somalia

December, 16, 2018
Share Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Jeneral  Jejje ...

Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Labadiisa Kuxigeen oo kulan uga socdo magaalada Muqdihso.

December, 16, 2018
Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya ...

Maqaallo