GGGGGG
Friday, May 24th, 2019
header

Sawiro:-SHIR U DHAXEEYA GUDOOMIYAHA AQALKA SARE IYO LABADA GOLE EE JUBBALAND OO KISMAAYO KA FURMAY.

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on December 7, 2018 by   ·   No Comments

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta ee Gobolka Jubada Hoose waxa ay sheegayaan in maanta uu Magaaladaasi ka furmay shir gaar ah oo u dhaxeeya Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare iyo Labada Gole ee Maamulka Jubbaland.

Xubno laga soo xulay Wasiirada ugu muhiimsan ee Maamulka Jubbaland Sida Arrimaha Gudaha, Amniga, Dastuurka iyo Wasiiro kale ayaa kulanka xaadiray, sidoo kale waxaa goob joog ka ah qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland oo leh qorshaha shirkaan ayaa Gudoomiye Cabdi Xaashi iyo xubnaha la socda usoo bandhigaya waxyaabaha dhaliyay Khilaafka ka dhex jira Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.

Sidoo kale waxaa looga wada hadlayaa in Maamulka Jubbaland laga dhaadhiciyo in ay u hogaansanaadaan Natiijada ay soo saaraan Guddiga Xalinta Khilaafka Aqalka sare u qaabilsan.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaanni oo Warbaahinta la hadlay 27-kii bishii tagtay ee November waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay ka caga jiideyso in la dhameeyo khilaafka iyada oo marka hore loo hogaansamayo fulinta waxyaabihii ay dalbadeen.

Socdaalka Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi ee uu ku tagay Magaalada Kismaayo ayaa ah in la guda galayo qaybta labaad ee Xalinta Khiaafka.

Waxaa kasii horeeyay Xubno ka koobnaa Min 8-Xubnood iyo Min 3-Xog heyn oo la shaqeyneyso loo diray Magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Garoowe iyo Dhuusamareeb si ay u soo dhageysteen Cabashooyinka Madaxda Jubbaland, Puntland Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare ayaa la filayaa in uu warbaahinta la hadlo kadib Shirka ugu furmay Magaalada Kismaayo si uu u faah-faahiyo Waxyaabaha laga wada hadlay iyo kuwa ay isla meel dhigeen Mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Dowladda Britain oo taageero dhaqaale siineysa Soomaaliya

May, 24, 2019
Dowladda UK ayaa sheegtay in lacag dhan 8 ...

Daawo:-Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska oo shaacisay is casilaadeeda

May, 24, 2019
Waxaa Maanta oo jimce ah ku dhawaaqday inay ...

SAWIRO:-Xalinta maleesshiyo beeleed ku dagaalamay gobolka Mudug oo bilaawday

May, 24, 2019
zaalintii talaadada aheyd ee todobaadkaan ayaa waxaa dagaal ...

SAWIRO:-Madaxweynaha Jubbaland oo kulamo ka wada G/Jubbada Hoose

May, 24, 2019
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ...

SAWIRO:-Agaasimaha Madaxtooyada oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

May, 24, 2019
Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyadda Villa Soomaaliya Dr. Nuur ...

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Magalada Pretoria

May, 24, 2019
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ...

Ciidamada Galmudug oo saakay xiray wadooyinka soo gala degmada Guriceel

May, 24, 2019
Ciidamada Ammaanka Dowlad goboleedka Galmudug ayaa saakay waxa ...

Abaabul dagaal oo ka socda Gobolka Jubbada Hoose

May, 24, 2019
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ...

Dagaal dhexmaray Ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Jubbaland & Al-Shabaab

May, 24, 2019
Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ...

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Guddoomiye K/Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee G/Banaadir

May, 24, 2019
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ...

Maqaallo