Dhageyso:- Madaxweyne Ku Xigeenkii Ximan Iyo Xeeb Oo Weerar Dhinaca Afka Ah Ku Qaaday Xaaf
Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com
Published on December 6, 2018 by said · No Comments
Labo Maalin Ka Hor Magaalada Dhuusa-Mareeb Ee Xarunta Gobolka Gal-gaduud Ayaa Waxaa Looga Yeeray Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Booliska Ee Ku Sugnaa Dhamaan Dagmooyinka Gobalada mudug iyo Galgaduud Inkastoo Aan Rasmiyan La Ogeyn Ujeeadada Dhabta Ah Ee Ka Dambeysa U Yeeritaanka Ciidamadan.
Wararka Qaar Ayaa Sheegayey In Saraakiisha Dhuusa-Mareeb Looga Yeeray Lagala Tashanayo Arrimo La Xariira Xaaladda Amni Ee Deegaanada Gal-mudug Iyo Sidii Laga Yeeli Lahaa Deeganada Ay Al-shabaab Kaga Sugan Yihiin Gal-mudug.
Balse Arrinkaas Ah U Yeeritaanka Ciidamada Ayaa Si Kulul Waxaa Uga Hadlay Isla-Markaana Uga Hor Yimid Qaar Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Kasoo Jeeda Deegaanada Maamulka Gal-mudug.
Madaxweyne Ku Xigeenkii Maamulkii Ximan Iyo Xeeb Abdi Max’ed Axm’ed-Nuur Oo La Hadlay Allsaaxo Ayaa Sheegay In Wax laga Xumaado Tahay Ciidamada Xilligan Looga Yeeray Magaalada Dhuusa-Mareeb Ee Xarunta Gobolka Gal-Gaduud.
Waxa Uu Tilmaamay In Ciidamadu Ay Yihiin Kuwo Ka Diiwan Gashan Taliska Booliska Soomaaliyeed Isla-Markaana Qaata Mushaaraad Ay Bixiso Dawladda Balse Xaafka Fadhigiisu Yahay Dhuusa-Mareeb Uu Hadafkiisu Yahay iska Hor-Keenidda Ummadda Ku Dhaqan Qaar Ka Mid Ah Deeganada Gal-mudug.
Hadalka Madaxweyne Ku Xigeenki Maamulkii Hore Ee Ximan Iyo Xeeb Ayaa Waxa Uu Imaanayaa Iyadoo Todobaadkaan Gudihiisa Magaalada Dhuusa-Mareeb Looga Yeeray Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Booliska Ee Ku Sugnaa Dagmoooyinka Cadaado,Caabudwaaq,Galkacyo.dhuusamareeb ,Guraceel,Hobyo iyo Balanbale
Hoos Ka Dhageyso Codka:-
Abdi Moh'ed Ahmed-Nuur (Abdi Kuus)
Related
February, 15, 2019
Wiil dhallinyaro Soomali ah ayaa lasoo warinayaa in ...
February, 15, 2019
Ka hor inta aan la qaban doorashada dalka ...
February, 15, 2019
Wararka ay allsaaxo ka heleyso gobolka Shabeellaha Hoose ...
February, 15, 2019
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulankiisii ...
February, 15, 2019
Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay Todobaadka ...
February, 15, 2019
Wadanka Maraykanka ayaa ciidamadiisa gaarka ah ku sii ...
February, 15, 2019
Beeraley u dhalatay wadanka Jordan ayaa lasoo warinayaa ...
February, 15, 2019
Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe waxa ay weerar ...
February, 15, 2019
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa ...
February, 15, 2019
Xubin ka tirsan xildhibaannada Slovenian ayaa xilka ka ...