GGGGGG
Thursday, January 17th, 2019
header

Wasiir Beyle Oo Ka Jawaabay Eedeyn Uga Timid G/ Shacabka

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on November 20, 2018 by   ·   No Comments

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka Jawaabay Warbixin ay soo saareen Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka, taasi oo eedeyn loogu jeediyay Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka ayaa sheegay in Hay’adda Maaliyadda ee Golaha Shacabka ay xaq u leedahay inay Warbixin soo saaraan oo ay ku kor joogteynayaan Wasaaradda Maaliyadda laakiin wuxuu soo jeediyay inay ku wanaagsaneyd in Labada dhinac marka hore ay isla hubiyaan waxa Bulshada loo gudbinayo.

“Hay’adda Maaliyadda ee Golaha Shacabka waa Hay’adda ugu sareysa Dalka Kor jeegteyna way nagu leeyihiin xaq ayay u leeyihiin inay Report soo saaraan laakiin waxaa wacnaan laheyd arrimaha qaarkood anagaa Hawsha ku jirnee inaan isla hubsano waxa Bulshada aan u gudbineyno, diyaar ayaan u ahay inaan hortago Golaha oo aan si fiican u balbalaariyo  si tifaftirana uga jawaabo Is afgaran waaga jira”.ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Beyle ayaa tilmaamay in Dakhliga Dalka uu kordhay iyadoo ay cadeyn u tahay sida ay Soomaaliya kaga soo baxday Heshiisyadii ay la gashay IMF oo ku aadanaa Kororka Dhaqaalaha.

“IMF waxyaabaha ay nagula heshiiyeen waxaa ka mid ah in Dakhliga la Kordhiyo dhamaan Bilihii naloo qabtay halkii la rabay waan dhaafnay, annaga iyo Dowlada Hoose si fiican ayaan u wada shaqeynaa wax kastana way cad yihiin, Guddiga sharafta leh wax ay arkeen inay jiraan ayaa laga yaabaa wixii khaldan waan saxeynaa laakiin guulo badan ayaan ka gaarnay Kordhinta Dakhliga”.

Wasiirka Maaliyadda Beyle ayaa sidoo kale sheegay inuu diyaar u yahay inuu hortago Guddiga Maaliyadda iyo Golaha Shacabka si uu kaga jawaabo dhamaan Su’aalaha ay qabaan, isagoo xusay in haatan isbadal wayn uu ka jiro Maamulka Maaliyadda Soomaaliya isla markaana taasi ay keentay in caalamku uu aamino dalkeena.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Sawirro:-Dowlada Qatar Oo Soomaaliya Ugu Deeqday 68 Gawaarida Gaashaaman Ah

January, 17, 2019
Dowladda Soomlaiya ayaa Maanta dowladda Qatar kala wareegtay ...

Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Isku Raacay Iskaashi Dhinaca Amniga

January, 17, 2019
Wafddi uu hoggaaminayo wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya mudane ...

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Dil Ah Riday

January, 17, 2019
Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim  ayaa loo ...

Al-Shabaab Oo Soo Bandhigay Sababtii Ay U Weerareen Hotel Ku Yaalla Nairobi

January, 17, 2019
War ka soo baxay Xarakadda Alshabaab ayaa waxaa ...

In Ka Badan 30 Qof Oo Lagu Dilay Dalka Maali

January, 17, 2019
Dabley hubeysan oo watay mootooyin ayaa la sheegay ...

Sawirro:-Wasiir Cawad Oo Booqday Xarunta QM Ee Muqdisho15 Maalmood Kadib Weerarkii Hoobiyeyaasha

January, 17, 2019
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire ...

Golaha ammaanka oo war kasoo saaray weerarkii Nairobi

January, 17, 2019
Xubnaha golaha ammaanka QM ayaa si xooggan u ...

Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Nairobi oo kordhay

January, 17, 2019
Dowladda Kenya ayaa xaqiijiysay in ay kordheen dadka ...

Theresa May oo heshiiskeedii Brexit la diiday iyo Mooshin kalsoonida oo laga keenay

January, 16, 2019
R Raysalwasaaraha UK, Theresa May ayaa xalay guuldaro siyaasadeed ...

Daawo Sida Madaxweyne Farmaajo Loogu Soo Dhaweeyay Baydhabo

January, 16, 2019
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu ...

Maqaallo

Sawirro:-Dowlada Qatar Oo Soomaaliya Ugu Deeqday 68 Gawaarida Gaashaaman Ah

January, 17, 2019
Dowladda Soomlaiya ayaa Maanta dowladda Qatar kala wareegtay ...

Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Isku Raacay Iskaashi Dhinaca Amniga

January, 17, 2019
Wafddi uu hoggaaminayo wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya mudane ...

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Dil Ah Riday

January, 17, 2019
Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim  ayaa loo ...

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Dagaal Beeleedyada Ka Jira Gobolada Dalka

January, 17, 2019
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ...