GGGGGG
Wednesday, March 20th, 2019
header

Qodobo Ka Soo Baxay Shir Madaxeedkii Midowga Afrika Ee Adis Ababa

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on November 19, 2018 by   ·   No Comments
 
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay inuu u soo gaba-gaboobay shir Madaxeedkii Midowga Afrika oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay kaga qeyb galeen magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in shirka oo socday mudo labo cisho ah ay ku wehlinayeen Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo safaraada Soomaaliya ee Ethiopia,wuxuuna cadeeyay inta uu shirka socday diirada lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin dib u habeynta Midowga Afrika iyo sidii ururka Midowga Afrika ugu filnaan lahaa arrimaha quseeya ee dhaqaalaha,amniga iyo arrimaha Bulshada.

 “Waxyaabaha lagaga hadlay shirka waxay ahayd guud ahaan dib u-habeynta Midowga Afrika iyo sidii Ururka Midowga Afrika u noqon lahaa mid adag oo ku filan arrimaha quseeya Afrika sida dib u habeynta dhaqaalaha,amniga,arrimaha Bulshada,deegaanka iyo isbedelka Cimilada aduunka,ganacsiga iyo isdhex-galka Afrika iyo waajibaadka saaran wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika,”ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Sidoo kale, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka ayaa sheegay inuu kullan gaar ah la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed iyo madax kale oo ka socotay Midowga Afrika,kuwaasi oo ay ka wada hadleen isdhex-galka gobolka iyo iskaashiga wadamada Soomaaliya,Itoobiya iyo Eriteriya ee dhinacyada dhaqaalaha iyo isdhex-galka shacuubta saddexda dalka.

Shirka oo gelinkii danbe ee shalay la soo gabagabeeyay ayaa Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka wuxuu sheegay inuu guul ku soo dhammaaday,islamarkaana Soomaaliya qeybtii iyo kaalintii ku lahayd Midowga Afrika,caalamka iyo xiriirkii wanaagsanaa ee dibada dib u soo noqotay horayna u socon doonto.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

SAWIRO:-Madaxweynaha Puntland oo dhagax-dhigay Xarunta kaydka xogta Deegaanka

March, 20, 2019
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ...

Dowladda oo sheegtay in la soo qabtay madaxii maxkamadda Shabaab ee Bariire

March, 20, 2019
Sida lagu sheegay war lagu daabacay Wakaalada Wararka ...

Mid ka mid ah raggii ugu caansanaa Burcad Badeeda Soomaalida oo la dilay

March, 20, 2019
Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa waxaa ay ...

Macalin Dugsi Qur’aan oo lagu dilay Magalada Muqdisho

March, 20, 2019
Kooxo hubeysan ayaa Xaafada Buundooyinka ee degmada Waaberi ...

Mareykanka oo faah faahiyey duqeyn uu ka fuliyey Shabeellaha Hoose

March, 20, 2019
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamada ...

Dowlada Somalia oo sheegtay inay waqtigeeda ku dhaceyso doorashada Galmudug

March, 20, 2019
Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed ...

Xil Wareejin ka dhacday Madaxtooyadda Puntland

March, 20, 2019
Agaaasimaha cusub ee Madaxtooyada Puntland Mudane Maxamed Cabdiladiif ...

Barakac ka socda Xeraale

March, 20, 2019
Inta badan dadkii kunoolaa degaanka Xeraale ee gobolka ...

Somaliland oo sheegtay Eriteria in ka Caawinayso ka bixitaanka Soomaaliya

March, 20, 2019
Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo ...

Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

March, 20, 2019
Qarax Gaari ayaa goordhaw ka dhacay Afaafta hore ...

Maqaallo