GGGGGG
Thursday, January 17th, 2019
header

Gudoomiyaha Jaamacadda Umadda oo maanta hortagay Golaha Shacabka

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on November 19, 2018 by   ·   No Comments

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin ka dhageystay maamulka sare ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed (JUS).

Warbixinta ayaa la xiriirtay dib u yagleelida Jaamacadda, hormarada ay ku talaabsatay, hanaanka maamulka iyo waxbarashada Jaamacadda, caqabadaha heysta iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin ardayda Jaamacadda dhigata.

Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed mudane Maxamed Axmed Jimcaale ayaa sheegay in hormar weyn ay ku talaabsadeen mudada kooban oo ay shaqeynayaan.

Guddoomiyaha ayaa xildhibaanada ka codsaday in Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed loo kordhiyo Miisaaniyadda loogu tala galay sanadkan oo hada gaareysa 3 Milyan.

“Golaha Shacabka waxaa ka codsaneynaa iney ka shaqeeyaan sidii naloogu kordhin lahaa miisaaniyadda oo naloo gaarsiiyo 5 Milyan maadaama howlo muhiim ah ay na horyaallaan, Golaha Shacabka waxaa u cadeynayaa in dhismayaashii ay lahayd Jaamacadda qaarkood aan gacanta ku heyn oo shaqsiyaad gaar ah ay heystaan”. ayuu yiri guddoomiyaha Jaamacadda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ardayda Jaamacadda aysan lahayn Isbitaalo ay ku baraatikeeyaan maadooyinka caafimaadka, waxa uu tilmaamay muhiimada ay leedahay in la helo goobo baraatiko ay ardayda ku sameeyaan.

Xildhibaanada qaar ee kulanka ka hadlay ayaa soo dhaweeyay hormarada Jaamacadda iyo warbixinta la soo bandhigay, sidoo kale waxa ay guul weyn ku tilmaameen dib u yagleelida Jaamacadda.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka shir guddoominaayay ayaa faray guddiga arrimaha bulshada iyo guddiga maaliyadda iney ka shaqeeyaan sidii miisaaniyadda loogu kordhin lahaa Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa xusay in Golaha Shacabka uu diyaar u yahay taageerada Jaamacadda, kana shaqeyn doonaan helida waxyaabaha ay u baahan yihiin ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta mar kale la horgeeyay mashruuc sharci ku saabsan xuquuqda liil-tirka (dheyma nololeedka) siyaasiyiinta dowladda federaalka Soomaaliya oo maray aqrintiisa 2-aad, waxaa sidoo kale loo qeybiyay hindise sharciyeedka wax ka bedelka hanti dhowrka guud ee Qaranka oo aqrintiisa 3-aad mari doono.

Ugu dambeyn Xildhibaanada ayaa loo qeybiyay hindisaha wax ka bedelka xeer hoosaadka Golaha Shacabka iyo qeybinta warbixin maaliyeedka miisaaniyadda 2018.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Sawirro:-Dowlada Qatar Oo Soomaaliya Ugu Deeqday 68 Gawaarida Gaashaaman Ah

January, 17, 2019
Dowladda Soomlaiya ayaa Maanta dowladda Qatar kala wareegtay ...

Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Isku Raacay Iskaashi Dhinaca Amniga

January, 17, 2019
Wafddi uu hoggaaminayo wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya mudane ...

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Dil Ah Riday

January, 17, 2019
Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim  ayaa loo ...

Al-Shabaab Oo Soo Bandhigay Sababtii Ay U Weerareen Hotel Ku Yaalla Nairobi

January, 17, 2019
War ka soo baxay Xarakadda Alshabaab ayaa waxaa ...

In Ka Badan 30 Qof Oo Lagu Dilay Dalka Maali

January, 17, 2019
Dabley hubeysan oo watay mootooyin ayaa la sheegay ...

Sawirro:-Wasiir Cawad Oo Booqday Xarunta QM Ee Muqdisho15 Maalmood Kadib Weerarkii Hoobiyeyaasha

January, 17, 2019
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire ...

Golaha ammaanka oo war kasoo saaray weerarkii Nairobi

January, 17, 2019
Xubnaha golaha ammaanka QM ayaa si xooggan u ...

Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Nairobi oo kordhay

January, 17, 2019
Dowladda Kenya ayaa xaqiijiysay in ay kordheen dadka ...

Theresa May oo heshiiskeedii Brexit la diiday iyo Mooshin kalsoonida oo laga keenay

January, 16, 2019
R Raysalwasaaraha UK, Theresa May ayaa xalay guuldaro siyaasadeed ...

Daawo Sida Madaxweyne Farmaajo Loogu Soo Dhaweeyay Baydhabo

January, 16, 2019
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu ...

Maqaallo

Sawirro:-Dowlada Qatar Oo Soomaaliya Ugu Deeqday 68 Gawaarida Gaashaaman Ah

January, 17, 2019
Dowladda Soomlaiya ayaa Maanta dowladda Qatar kala wareegtay ...

Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Isku Raacay Iskaashi Dhinaca Amniga

January, 17, 2019
Wafddi uu hoggaaminayo wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya mudane ...

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Dil Ah Riday

January, 17, 2019
Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim  ayaa loo ...

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Dagaal Beeleedyada Ka Jira Gobolada Dalka

January, 17, 2019
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ...