GGGGGG
Wednesday, November 14th, 2018
header

Warmurtiyeed laga soo saaray Shirkii Bahr Dar ku dhexmaray madaxda dalalka Somaaliya Itoobiya iyo Ereteriya

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on November 10, 2018 by   ·   No Comments

Madaxda Soomaaliya,Itoobiya iyo Ereteriya; Raysalwasaare Abiy Axmed, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Isaias Awerki ayaa 9-10 November, 2018 wadatashiyo xiriir ah ku yeeshay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya.

Saddexda dhinac waxay isla garteen in kulankoodan labaad uu astaan u yahay isbeddelka ku aaddan nabadda iyo isdhexgalka Geeska Afrika.

Madaxdu waxay dib u eegeen guulihii heshiiskii Asmara ee ku saabsanaa saaxiibtinnimada iyo iskaashiga saddexda dal.

Madaxdu waxay isla garteen natiijooyinka la taaban karo ee illaa hadda la gaaray, waxayna isku raaceen inay dadaalkooda iyo garab istaaggooda isugu geeyaan xallinta caqabadaha ay si goonni ah iyo si wadajir ahba u wajahayaan.

Sidaasi awgeed, madaxdu waxay adkeeyeen muhiimaadda ay leedahay in la dhawro madax bannaanida siyaasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya, iyo taageeradooda xooggan ee ku aaddan dadka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxay sidoo kale madaxdu bogaadisay horumarka ku aaddan nabadda iyo xasilloonida ee dowladda Soomaaliya.

Madaxda dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya waxay soo dhaweeyeen cunaqabaynta laga qaadayo Ereteriya iyaga oo xusay inay ku qanacsan yihiin in falkan caddaaladda ahi ka qayb qaadanayo sare u qaadidda nabadda,  horumarka iyo iskaashiga gobolka. Waxay sidoo kale dib u sheegeen inay ka go’an tahay nabad iyo iskaashi gobolka ah oo loo dhan yahay.

Madaxweynayaasha Ereteriya iyo Soomaaliya ayaa Raysal Wasaare Abiy, shacabka iyo dowladda Itoobiya uga mahadceliyey soo dhawaynta diirran iyo martisoorka magaalada taariikhiga ah ee Bahr Dar loogu fidiyey iyaga iyo wufuuddooda, soo dhawayntaas oo ka tarjumaysa xiriirka dhaw isla markaana taariikhiga ah ee u dhexeeya saddexda waddan.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

(Dhageyso)War Deg Deg ah :Wasiiru Dowlaha Amniga Jubaland oo Iska Casiley Xilkaasi

November, 13, 2018
Maxamed Cabdi Kaliil oo ahaa Labadii Sanno ee ...

Raiisal Wasaare Ku xigeenka dalka oo maanta daah furay Shirka Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka

November, 13, 2018
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) ...

Sawirro:-Wafdi Ka Socda QM Oo Gaaray Baydhabo Lana Kulmay Kusimaha Madaxweynaha KGS

November, 13, 2018
Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta ...

UK oo wali ka walaacsan dilkii Wariye Jamaal Khashoggi

November, 13, 2018
Wasiirka Arrimaha Dibadda UK Jeremy Hunt ayaa sheegay ...

Ciidanka Kenya oo toogtay haweenay Soomaali ah

November, 13, 2018
Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada ...

Khasaare ka dhashay Qarax ka dhacay Spain

November, 13, 2018
Saddex qof ayaa ku geeriyootay, saddex kalena waa ...

SAWIRO: Banaanbax ka socda Gaalkacyo

November, 13, 2018
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ...

Wararkii ugu dambeeyay Shabaab ku dagaalamay Jilib

November, 13, 2018
Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan ...

Howlgal Dad Lagu Qabtay Oo Laga Sameeyay Muqdisho

November, 13, 2018
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xalay ...

Amar lagu rogay Saldhigyadda Booliska Muqdisho

November, 13, 2018
Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo ...

Maqaallo