GGGGGG
Wednesday, March 20th, 2019
header

Akhriso:-Musharixiinta Madaxweynaha Puntland Oo Digniin Soo Saaray

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on October 23, 2018 by   ·   No Comments

Puntland Focus Group ayaa warsaxafeed ka soo saartay doorashada Puntland iyagoo Madaxwayne Gaas uga digay in dastuurka la furo oo xiligan kala guurka ah isla markaana dalka khalkhal la galiyo .

Annaga oo ka duuleyna, isla markaasna xoojineyna go’aankii Baarlamaanka (Golaha Wakiiladda) Puntland uu go’aamiyey 14kii Agoosto, 2018, kaas oo ah in doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu ay dhacdo 8da Janaayo 2019ka, iyadoo loo marayo qaabkii hore, maadaama ay suurta geli weydey in ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah 2019ka, waxaan soo jeedineynaa;

Maadaama wakhtiga aan joogno doorashada Puntland ay ka hartay laba bilood, muddo-xileedkii xukuumadduna dhamaaday, si looga gudbo caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee maanta taagan waxaa muhiim ah in wadajir iyo taxadar looga gudbo caqabadaha siyaasadeed, abni iyo dhaqaale ee hada jira. Sida oo kale, Xukuumadda talada haysa waxaa saaran masuuliyad dastuuri ah, waxaana loo bahan yahay in dalku xiligaan kala guurka ah uga gudbo caqabadaha jira deganaan iyo kalsooni lagu qabo nidaamka doorashada. Sidaas daraadeed Puntland Focus Group waxay dalbanaysaa:

In Madaxweynaha iyo Musharixiinta kale ay ka galaan wadatashi loo dhan yahay arimaha khuseeya Gudiga Xallinta Khilaafaadka Barlamaanka, si loo helo xubno lagu kalsoon yahay oo bulshada dhexdeeda ku leh ixtiraam iyo xurmo gartoodana lagu qanci karo.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dawladda Puntland ay rabto in ay furto Dastuurka Dawladda Puntland si dano gaar ah loogu samaysto. Waxaan si adag u soo jeedineynaa in aysan dhicin wakhtigan isku day lagu faragelinayo dastuurka Puntland oo ku yimi afti dadweyne, lana abuurin jaahwareer sharci iyo qalalaaso siyaasadeed oo khatar gelin kara jiritaanka Puntland. Waxaan si adag ugu digeynaa Dawladda Puntland, islamarkaasna ay ka waantowdo arintaas ay waddo.

In doorashada Puntland ku dhacdo jawi degan oo aan shaki gelin karin natiijada iyo nidaamka doorashada midna.

Musharixiinta u sharaxan Madaxweynanimadda Puntland waxaa ay xaq dastuuri ah u leeyihiin in ay shacabka reer Puntland kula hadlaan goobkasta oo munaasib ah, si ay ugu sheegaan fikrikooda siyaasadeed. Waxaana cambaarayneynaa falkii lagula kacay Faarax Cali Shire oo loogu diidey in uun ka khudbadeeyo barxadda magaalada Qardho iyo in la jeex jeexo musharaxa xayeysiintiisa.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Musharixiinta Madaxweynaha puntland

Xubnaha Puntland Focus Group:

Cabdi Faarax Saciid (Juxaa)

Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janagale)

Cali Xaaji Warsame

Faarax Cali Shire

Jeneral Cabdulahi Axmed Jaamac (Ilkajiir)

Jamiila Saciid Muuse

Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil

Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)

Khalif Ciise Mudan

Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne)

Saciid Cabdullahi Deni

Dr Maxamed Salaad Cali Qoryooley

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Jubbaland oo ka hortimid Go’aan kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya

March, 20, 2019
Dhawaan Wasaaradda Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya waxa ay ku ...

Dowladda oo eedeysay Ciidamada kasoo baxay furimaha dagaalka

March, 20, 2019
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya Maxamed ...

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo loogu baaqay in uu is casilo

March, 20, 2019
Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah ...

SAWIRO:-Madaxweynaha Puntland oo dhagax-dhigay Xarunta kaydka xogta Deegaanka

March, 20, 2019
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ...

Dowladda oo sheegtay in la soo qabtay madaxii maxkamadda Shabaab ee Bariire

March, 20, 2019
Sida lagu sheegay war lagu daabacay Wakaalada Wararka ...

Mid ka mid ah raggii ugu caansanaa Burcad Badeeda Soomaalida oo la dilay

March, 20, 2019
Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa waxaa ay ...

Macalin Dugsi Qur’aan oo lagu dilay Magalada Muqdisho

March, 20, 2019
Kooxo hubeysan ayaa Xaafada Buundooyinka ee degmada Waaberi ...

Mareykanka oo faah faahiyey duqeyn uu ka fuliyey Shabeellaha Hoose

March, 20, 2019
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamada ...

Dowlada Somalia oo sheegtay inay waqtigeeda ku dhaceyso doorashada Galmudug

March, 20, 2019
Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed ...

Xil Wareejin ka dhacday Madaxtooyadda Puntland

March, 20, 2019
Agaaasimaha cusub ee Madaxtooyada Puntland Mudane Maxamed Cabdiladiif ...

Maqaallo