GGGGGG
Wednesday, January 16th, 2019
header

Wasiirka amniga oo furay shir looga hadlayo dardar gelinta hawlaha Hayadda socdaalka.

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on October 22, 2018 by   ·   No Comments

Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daahfuray shirka Saddex bilood laha ee Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, kaasi oo looga hadlayo dardar gelinta howlaha shaqo ee Hay’adda, waxaana sidoo kale mudada uu socdo lagu soo bandhigayaa caqabadaha iyo horumarinta adeegyada ay u baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Shirkan oo ah kii 7-aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa soconaya mudo labo maalin ah waxaana inta uu socdo diirada lagu saarayaa tayeynta iyo sare u qaadista shaqada adag ee hortaalo Hay’adda.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ahaa agaasimaha Guud ee Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Gaashanle Sare Cornel Maxamed Adam Jimcaale Koofi, wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale), guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow), xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mr. koofi oo ka hadlay shirkan oo ah kii 7-aad oo Hay’adda ay u qabato mas’uuliyiinta Laamaha ee gobolada dalka ayaa sheegay in howlo muhiim ah ay qabteen Saddexdii bil ee la soo dhaafay, isagoona xusay in Hay”adda ay qeyb weyn ka qaadatay horumarinta dakhliga dalka oo ay uruurisay dhaqaalo fara badan.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir C/raxmaan Cumar Cisman (Injneer Yariisow) ayaa shegaay in Maamulka Gobalka Banaadir ay ka go’an tahay Xoojinta Wadashaqeynta adag ee Ka dhaxeyso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dalka.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa shegaay in loo bahan yahay dhowrista sharciga dalka u yaalo si loo ilaaliyo Qaranidimada Umadda Soomaaliyeed.

Wasiirka wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) oo ka hadlay shirka ayaa kula dardaarmay shaqalahaa iyo mas’uuliyiinta Hay’adda Socdaalka iney ka dheeradan wax walibo oo musuq-maasuq ah oo caqabad ku keeneyso shaqada Qaranka loo haayo, isagoona Hay’adaha amniga faray iney Hay’adda socdaalka kala shaqeeyaan xoojinta iyo wax ka qabashada caqabadaha ay soo gudbiyeen.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya ayaa waxaa horyaalo qorshayaal ay ka mid yahiin dhammestirka dib u howlgalinta bar Koontoroolada Xuduudaha Dalka, dar dargalinta dhismaha Xarunta dhaxe ee Hay’adda, dhammestirka dib uu eegista sharciyada Socdaalka, Baasaboorka iyo sameynta sharciga dhismaha Hay’adda.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Kenya Joseph Boinett oo Faahfaahiyay Weerarkii Galabtay Nairobi ka dhacay

January, 15, 2019
Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Kenya Joseph Boinett ...

Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray Magaalada Dhoobley

January, 15, 2019
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ...

Madaxweyne Xaaf Oo Ka Badbaaday Weerar Qaraxyo Ku Bilowday Oo Ka Socda Nairobi

January, 15, 2019
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa wax ...

Akhriso:-Xisbiga Cadaaladda Iyo Horumarka”Waa In Lala Socdaa Hab Dhaqanka Guracan Ee Dowladda Farmaajo & Kheyre”

January, 15, 2019
Xisbiga Cadaalada iyo Horumarka oo ka mid ah ...

Sawirro:-Wafdi Gaaray Magalada Baydhabo

January, 15, 2019
Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta ...

Sawirro:-Rag Hubeysan Oo Weli Ka Dhex Dagaalamayo Hotelka Dusit Ee Magaalada Nairobi Iyo Ciiddan Oo Loo Daad-Gureeyey

January, 15, 2019
Ciiddan ka tirsan kuwa GSU ee dalka Kenya ...

Shabaab oo sheegtay Mas’uuliyada weerarka Nairobi CaalamkaWararka Shabaab oo sheegtay Mas’uuliyada weerarka Nairobi

January, 15, 2019
Ugu yaraan laba qarax oo waaweyn ayaa lagu ...

Weerar Qaraxyo ku bilawday oo ka dhacay Magaalada Nairobi

January, 15, 2019
Wararka Allsaaxo ay ka heleyo magaalada Nairobi ee ...

SAWIRO: Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Magaalada Boosaaso

January, 15, 2019
Wararka Allsaaxo ay ka heleyso Magaalada Boosaaso ee ...

SAWIRO: Madaxweyne Deni oo qaabilay Wafdi ka socda Shiinaha

January, 15, 2019
Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ...

Maqaallo