GGGGGG
Monday, March 25th, 2019
header

Booliska Baydhabo oo mamnuucay Mootooyinka Bajaajta iyo gaadiidka NOAHADA

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on October 16, 2018 by   ·   No Comments

Taliska Ciidamada Booliska Magaalada Baydhabo ayaa soo saaray amar looga mamnuucaayo Magaaladaasi inay socdaan gaadiidka Bajaajta iyo Gaadiidka NOAHADA, inta ay socdaan hawlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo oo ka socda Magaalada Baydhabo.

Mahad C/raxmaan Aadan Taliyaha Booliska Gobolka Baay ayaa sheegay in Magaalada Baydhabo ay ka socdaan hawlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo, islamarkaana ciidamada ay baarayaan gaadiidka kala duwan.

Wuxuu tilmaamay inta ay socdaan hawlgaladaasi ammaanka lagu xaqiijinaayo in Magaalada mamnuuc ay ka tahay inay socdaan Mootooyinka Bajaajta iyo gaadiidka NOHADA, wuxuuna amray ciidamada inay arrintaasi fuliyaan.

“Inta amniga socda, waxaan doonayaa gaadiidyada labada nooc ah ee Bajaajta iyo NOHADA in Magaalada Baydhabo aysan ku socon karin, ciidamadana waxaan fareynaa inay fuliyaan arrintaasi.” Ayuu yiri Taliyaha Booliska Gobolka Baay.

Mahad C/raxmaan ayaa sheegay in Shabaab ay soo maleegayaan qaraxyo kale oo ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah, balse arrintaasi ay ka hor tagayaan ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada Booliska Magaalada Baydhabo ayaa saaka Magaaladaasi waxa ay ka wadaan hawlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo, sidoo kalena lagu baaraayo guryaha Magaalada.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Doorasho Maanta ka dhaceysa Magalada Gaalkacyo

March, 25, 2019
  Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa ka ...

Akhriso:-Sababta loo xiray Wadooyinka qaar ee Muqdisho

March, 25, 2019
Waxaa Maanta xiran wadooyinka qaar ee Magalada Muqdisho,waxaana ...

Wararkii Ugu Dambeeyay Dhul-Gariir Caawa Ka Dhacay Kenya

March, 25, 2019
Dhul ruxankii xalay saacaddu markay ahayd 7.22 daqiiqo ...

Yuusuf Madaale”Amniga Muqdisho meeshii ugu xumeyd ayuu joogaa Isbarbar yaac ayaana ka jira”

March, 25, 2019
Iyada oo maalmihii dambe uu sii xumaanayay amniga ...

Wasiir kale oo ka mid ah Somaliland oo Musuq loo heysto

March, 25, 2019
Xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa sheegtay in ...

Howlgal ka dhacay Muqdisho & dad badan oo lagu qabqabtay

March, 25, 2019
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya waxaa ay ...

Faah Faahin Dagaal ka dhacay Gobalka Doollo.

March, 24, 2019
Inta la xaqiijiyey 2 ruux ayaa ku dhimatay ...

DEG DEG: Dhulgariir ruxay Kenya

March, 24, 2019
Sidda ay xaqiijiyeen Warbaahinta Kenya Dhulka ayaa ruxmay ...

Ciidamo kale oo ku dhawaaqay in ay kasoo baxayaan Furimaha dagaalka

March, 24, 2019
Cutubyo ka mid ah Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ...

Sawirro:-Ciidanka Danab Oo Al-Shabaab Kala Wareegay Deegaano Hor Leh

March, 24, 2019
Ciidamada Kumaandooska ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa wada ...

Maqaallo