GGGGGG
Saturday, February 16th, 2019
header

QM oo dalbatay in runta laga sheego wariyaha Sacuudiga ee la la’yahay

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on October 13, 2018 by   ·   No Comments

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa waxa uu dalbaday in “runta laga sheego” weriyaha u dhashay dalka Sucuudi Carabiya, Jamal Khashoggi, ee la la’yahay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa BBC-da u sheegay inuu ka cabsi qabo inay joogto noqoto in sidaas oo kale dad kale loo waayo misana ay caadi iska noqotaba.

Mr Khashoggi, oo ka soo horjeeday dowladda Sucuudiga, ayaa la waayay 2-dii Oktoobar kaddib markii uu booqday qunsuliyadda dalkaasi uu ku leeyahay magaalada Istanbul.

Sucuudi Carabiya ayaa waxa ay sheegtay in eedaha ah inay amartay dilka ninkaasi ay yihiin kuwo “been ah”.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Sucuudiga, Amiir Cabdulcasiis bin Sacuud bin Naaif bin Cabdulcasiis, ayaa war ay ka soo xigatay wakaallada wararka ee Sucuudiga Jimcihii, waxaa lagu sheegay inuu yiri, boqortooyadu waxa ay sidoo kale danaynaysaa inay qeexdo “xaqiiqada dhabta ah”, hasayeeshee waxa uu intaasi ku daray in eedaha ah inay amartay dilka Mr Khashoggi ay yihiin kuwo aan “sal lahayn”.

Ila wareed ka tirsan ciidammada ammaanka ee Turkiga ayaa BBC-da u sheegay in saraakiishu ay hayaan caddeyn ah cod maqal iyo muuqaal ah oo qeexaysa in Mr Khashoggi, oo wax ku qori jiray wargeyska the Washington Post, lagu dhex dilay qunsuliyadda dhexdeeda.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, kaas oo loo malaynayay inuu xiriir wanaagsan la sameeyay dalka Sacuudi Carabiya ayaa isna codsaday in xaqiiqda dhabta ah la sheego.

Waxa uu u sheegay warbaahinta CBS News in “ciqaab adag” ay xigi doonto haddii Sacuudi Carabiya lagu helo inay mas’uul ka aheyd arrintaasi.

Hasayeeshee waxa uu meesha ka saaray inuu hakin doono qandaraaska milateri ee ballaaran ee uu Mareykanku kula jiro boqortooyada taas oo uu ku sababeeyay in haddii la joojiyo qandaraaskaasi ay dad badan ku dhici doonto shaqo la’aan.

Mr Trump ayaa Jimcihii waxa uu weriyayaasha u sheegay inay suuragal tahay inuu Waco Boqor Salmaanka Sucuudi Carabiya si uu ugala hadlo “xaaladda ba’an ee ka taagan Turkiga”.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Booliska Minnesota oo baaraya Toogasho loo geystay wiil Soomaali ah.

February, 15, 2019
Wiil dhallinyaro Soomali ah ayaa lasoo warinayaa in ...

Labada Musharax ee ugu cad-cad doorashada Nigeria oo baaq isku mid ah diray.

February, 15, 2019
Ka hor inta aan la qaban doorashada dalka ...

Al Shabaab oo Weerar Madaafiic ah Ku Qaadday Saldhigga ugu weyn Ciidanka Mareykanka ee Soomaaliya.

February, 15, 2019
Wararka ay allsaaxo  ka heleyso gobolka Shabeellaha Hoose ...

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulan la qaatay Guddiga Hanti soo celinta Qaranka

February, 15, 2019
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulankiisii ...

QM oo Milaayiin Dollar ku bixineysa nabadda Soomaaliya.

February, 15, 2019
Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay Todobaadka ...

Maraykanka oo diyaarinaya talaabo millatari oo ka dhan ah Venezuela.

February, 15, 2019
Wadanka Maraykanka ayaa ciidamadiisa gaarka ah ku sii ...

Qaraxyo miino oo ay ku dhinteen beeralay iyo shaqaale ammaanka qaabilsan oo ka dhacay Jordan.

February, 15, 2019
Beeraley u dhalatay wadanka Jordan ayaa lasoo warinayaa ...

Al-shabaab oo madaafiic ku weeraray Baar Sanguuni

February, 15, 2019
Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe waxa ay weerar ...

Khasaaraha Ka Dhashay Dab Xalay Ka Kacay Magaalada Gaalkacyo

February, 15, 2019
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa ...

Xildhibaan isu casilay rooti uu xaday

February, 15, 2019
Xubin ka tirsan xildhibaannada Slovenian ayaa xilka ka ...

Maqaallo