Turkiga Oo Haya Caddeymaha Dilka Khashoggi
Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com
Published on October 12, 2018 by said · No Comments
Wargeyska Washington Post ayaa qoray in saraakiisha Mareykanka ay ku wargelisay dowladda Turkiga in Ankara ay hayso cod iyo muuqaal caddeynaya in suxufiga Sacuudiga ee Jamal Khashoggi lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.
Codka iyo muuqaalka ayaa muujinaya in Khashoggi lagu xiray qunsuliyadda labadii October kadib markii uu galay, la jir dilay kadibna la dilay oo jirkiisa la jarjaray, sida ay saraakiil Mareykan iyo Turkish ah u sheegeen wargeyska.
Saraakiishan oo aan la magacaabin ayaa sheegay in codka la hayo uu muujinayo caddeymo aad looga naxo oo ku saabsan xaaladda Khashoggi, sida Washington Post ay tiri.
Warbixinta waxa ay sheegtay inaysan caddeyn haddii saraakiisha Mareykanka ay arkeen ama maqleen muqaalka iyo codka, hase yeeshee saraakiisha Turkiga ayaa kuwa Mareykanka la wadaagay inay hayaan.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khamiistii sheegay in baarayaal Mareykan ah ay joogaan Turkiga, ayaga oo isku dayaya inay go’aan ka gaaraan waxa ku dhacay Khashoggi.
“Qunsuliyadda ayuu galay, kamana soo bixin” ayuu Trump u sheegay barnaamijka Fox and Friends ee taleefishinka Fox News. “Uma muuqato in ninkaas uu hadda nool yahay” ayuu raaciyey.
Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Khashoggi oo aad u dhaliili jiray dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman ay toddobaadkii tegay dileen koox ka kooban 15 nin oo Istanbul yimid, eedeymahaas oo Sacuudiga ay beeniyeen.
Related
February, 15, 2019
Wiil dhallinyaro Soomali ah ayaa lasoo warinayaa in ...
February, 15, 2019
Ka hor inta aan la qaban doorashada dalka ...
February, 15, 2019
Wararka ay allsaaxo ka heleyso gobolka Shabeellaha Hoose ...
February, 15, 2019
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulankiisii ...
February, 15, 2019
Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay Todobaadka ...
February, 15, 2019
Wadanka Maraykanka ayaa ciidamadiisa gaarka ah ku sii ...
February, 15, 2019
Beeraley u dhalatay wadanka Jordan ayaa lasoo warinayaa ...
February, 15, 2019
Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe waxa ay weerar ...
February, 15, 2019
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa ...
February, 15, 2019
Xubin ka tirsan xildhibaannada Slovenian ayaa xilka ka ...