GGGGGG
Saturday, November 17th, 2018
header

Xasan Sheekh iyo Cosoble oo ku midoobay 3 arrin oo ka dhan ah dowladda

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on September 14, 2018 by   ·   No Comments

Waxaa weli magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kulamo kala duwan kawada Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ayaa ku howlan qorshooyin lagu kasbanaayo Xildhibaanada baarlamaanka Somalia iyo dhinacyada mucaaradka oo ay kamid yihiin Xisbiyada Siyaasada.

Xildhibaanada uu sida weyn u kaashto Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdulkhaadir Cosoble oo kamid ah mudanayaasha miisaanka ku dhex leh baarlamaanka.

Cosoble oo kulamo kala duwan ay wada qaaten Xasan Sheekh ayaa tilmaamay inuu aad usoo dhaweynayo talaabooyinka lagu doonayo isbedelada Siyaasadeed.

Cosoble ayaa inta uu kulamada la qaadanayay Xasan Sheekh u sheegay inuu kala mideysan yahay Seddex qodob oo kala ah:

1-In dalka uu yeesho Xisbi mucaarad oo ay ku mideysan yihiin dhammaan dhinacyada Siyaasada ee isbedel doonka sida Mucaaradka.

2-In la mideeyo aragtida dhinacyada isbedel doonka iyadoo laga duulaayo baahiyaha uu dalka u qabo isbedel dhab ah iyo in la helo Hogaamiye samata bixinkara dalka iyo dadka.

3-In laga gaashaanto xili hore in wakhti kororsi ay ku dhaqaaqan madaxda dalka oo iminka ay u harsan tahay labo sano iyo bilo.

Cosoble waxaa la xaqiijiyay in Xasan Sheekh Maxamuud uu ku taageeray Seddexda qodob oo koobeysa dhamaan isbedelka iyo Siyaasadaha hadafka leh.

Xildhibaan Abdulkhadir Cosoble, oo kamid ah mudanayaasha mucaaradka ayaa qeyb ka ah dhinacyada ololaha ugu jira sameynta ururo Siyaasadeed oo suuragalin kara in looga gudbo diyaar garowga doorashooyinka soo socda.

Sidoo kale, Cosoble, ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ku dhiiragaliyay inuu mideeyo Siyaasada dhinacyada kasoo horjeeda dowlada, si buu yiri loo helo jawi degan oo lagu gaari karo hadafka.

Si kastaba ha ahaatee, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in maalmaha nagu soo aadan uu booqasho ku gaaro caasimadaha seddex maamul Goboleed, isagoo ka faa’iideysanaaya xiisada maamulada kala dhexeysa Dowlada Dhexe.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

CIA:”Amarka lagu dilay Wariye Kashoggi waxaa bixiyay Amir Maxamed Bin Salmaan”.

November, 17, 2018
Hay’adda Mareykanka u qaabilsan Sirdoonka arrimaha dibadda ee ...

Daacish oo u digtay Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya

November, 17, 2018
Wargeyska Todobaadlaha ah ee ku hadla afka Daacishta ...

Mareykanka oo Soomaaliya Safaarad ka furanaayo

November, 17, 2018
Xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa ahaa mid liita ...

Dhagayso:Warka Fiidnimo ee Radio Vos Cw

November, 16, 2018
Halkaan ka Dhagayso Warka oo uu soo jedinayo ...

Dhagayso:Faahfaahin Khasaare ka dhashay dagaal dhexmaray Ciidanka Galmudug iyo Shabaab

November, 16, 2018
Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan ...

SAWIRO: Wasiir Cawad oo kulan la yeeshay Dhiggiisa Kenya

November, 16, 2018
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire ...

SAWIRO: Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay madaxda Jasiiradda Cyprus

November, 16, 2018
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ...

Waxgarad Nabadeyn u socday oo Shil ku galay Galmudug

November, 16, 2018
Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa waxa ...

Jabuuti oo qorsheynaysa in Eritrea ay ka dacweyso Maxkamada ICJ

November, 16, 2018
Maxamed Saciid Ducaale, oo ah safiirka Dowlada Jabuuti ...

Galmudug oo gacanta ku dhigtay baabuur qarax siday

November, 16, 2018
degmada Caabudwaaq ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada ...

Maqaallo