GGGGGG
Tuesday, September 25th, 2018
header

Sababtii loo weeraray guriga Aadan Cadde oo la shaaciyay

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on September 14, 2018 by   ·   No Comments

The Guardian oo ah Wargeys weyn ayaa qoray maqaal uu kaga hadlayo ciidamo Maraykan iyo Soomaali isugu jiray oo u dhacay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Wargeyska waxaa uu sheegay in ay dhici karto inay ku socdeen xog sirdoon oo khaldan.

Wuxuu sheegay in ciidankii guriga jabiyey uu la socday ugu yaraan hal qof oo ajnabi ah.

Mid ka mid ah saraakiisha sirdoonka ee Soomaaliya, oo si toos ah wax uga ogaa hawlgalkan ayaa isna sheegay in “”xog sirdoon oo khaldan ay jirtay intaan la qaadin iyo intii uu socday weerarka lagu qaaday guriga madaxweynihii hore”.

Il-wareed ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wargayska u sheegay  “ in bartilmaameedka uusan ahayn guriga madaxweynihii hore, Aadan cabdulle. Kani wuxuu ahaa hawlgal ay qaadeen ciidan gaar ah oo Soomaali ah, waxaana la socday la taliyeyaashooda Ameerikaanka ah. Xoogaggaas waxay daba socdeen xubin ka tirsan koox argagixiso oo u cararay dhinaca guriga madaxweynihii hore, laakin ciidankaas waxay si khaldan u weerareen guriga oo qoyska ay ku nool yihiin” ayuu il-wareedkaas sheegay.

Isla qofkaas wuxuu u sheegay wargayska in ra’iisul wasaare Khayre uu qoyska u sheegay in la baarayo arrinka, dhawaanna la sii deynayo 3 wiil oo dhallinyaro ah oo la kaxaystay.

Gaashaanle Karl Weist oo ah afhayeenka taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa u sheegay wargayska The Guardian in ciidanka Ameerikaanka uu doorkoodu yahay “la talin iyo caawin”, ayna bahwadaag kula yihiin ciidanka Soomaalida sidii loo kala dhantaali lahaa oo loo wiiqi lahaa hawlgallada  Al Shabaab ee “Wagaante” oo halkaa u dhow, oo uu ula jeeday deegaanka Waagaade, habeennimadii 4 Siteembar 2018.

“Hawlgalka waxaa lagu bartilmaameedsanayey shabakadda qaraxyada ee Al Shabaab. Ciidanka Maraykanka kaalintooda waa kaalmo kaliya” ayuu yiri.

Readers Comments (0)




Wararkii ugu dambeeyay

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Kulamo La Qaadanaya Madax Ka Socota Caalamka

September, 24, 2018
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ...

Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya Oo Maanta Si Kulul Uga Dooday Dilkii Axmed Dwalo

September, 24, 2018
Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta dood kulul waxa ...

Guddigii Aqalka Sare Usoo Diray Gal-mudug Oo Maanta wareejiyey Xogtii Ay Aruuriyeen

September, 24, 2018
Guddoonka Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ...

Shir Looga Hadlayey la Dagaallanka Arrimaha Xagjirnimada Oo Muqdisho Lagu Qabtay

September, 24, 2018
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ...

Dhageyso:- Xildhibaano Doonaya In La’ sii Daayo dadkii Ka Dambeeyey Dilkii Axmed dawlo

September, 24, 2018
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa ...

Akhriso:- Madaxweyne Gaas Oo Guddoomiye Cusub U Magacaabay Gobolka Nugaal

September, 24, 2018
Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ...

GUDOOMIYIHII GOBALKA NUUGAAL OO XILKII LAGA XAYUUBIYAY

September, 24, 2018
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ...

Shaqo Joojin Lagu Sameeyey Xog-hayihii Joogtada Ahaa Ee Wasaaradda Batroolka XFS Maxay Tahay Sababtu?

September, 24, 2018
Wasiirka Wasaaaradda Batroolka xukuumadda Fidraalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid ...

AKHRISO: Wasiir Maareeye Oo Magacaabay Xoghayaha Joogtada Ah Ee Wasaaradda Ganacsiga

September, 24, 2018
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir ...

Dhageyso:- KGS Oo Sara U Qaaday Adkeynta Amniga Deeganadeeda Inta Ay Ka Dhaceyso Doorashada Madaxtinimo Ee Maamulkaasi

September, 24, 2018
Xilli Bisha November Ee Soo Aadan Lagu Wado ...

Maqaallo

GUDOOMIYIHII GOBALKA NUUGAAL OO XILKII LAGA XAYUUBIYAY

September, 24, 2018
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ...

Dhageyso:- Dhacdo Ugub Ah Oo Ka Dhacday Gaalkacyo

September, 24, 2018
Waa Arrin Aan Fududeyn xal U Helideeda In ...

Xaalado Bini aadanimo oo ka taagan Deegaanka Wasil ee Gobalka Mudug

September, 24, 2018
Maamulka iyo Shacabka Deegaanka Wasil ee Gobolka Mudug ...

KENYA OO CIIDAN KA HORTAGA AL-SHABAB GEYNEYSA IJAARA

September, 24, 2018
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Ciidan ka hortaga ...

Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaaday Qoryoolay

September, 24, 2018
  Dagaal u dhexeeya  Ciidamada xoogga oo garab ka helaya ...

Taliyaha Hoggaanka Caafimaadka NISA oo xabsiga la dhigay

September, 23, 2018
  Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xabsiga la ...

WARAR SHEEGAYA CIIDAMADA SOMALILAND INEEY WEERAREEN DEEGAAN KA TIRSAN G SANAAG

September, 23, 2018
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ...

Ra’iisul Wasaare Khayre oo qaabilay Safiirka Djibouti ee Soomaaliya+Sawirro

September, 23, 2018
Muqdisho - Ra’iisul wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan ...

Mareykanka oo sheegay in duqeyn uu ku dilay 18 ka tirsan argagixisada Alshabaab

September, 23, 2018
Muqdisho –War ka soo baxay Taliska ciidamada Militariga ...

MALADHIHI KARAA WAXUU YAXYE EERSADAY QORAALKAAN(Airportka Dahabka ah ee Barawe.)

September, 22, 2018
Hala yaabin in Airport Dahab ah laga dhisayo ...

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com