GGGGGG
Tuesday, September 25th, 2018
header

Bankiga adduunka oo sheegay inuu kordhayo dhaqaalaha Soomaaliya

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on September 14, 2018 by   ·   No Comments

Bankiga adduunka ayaa saadaaliyay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkan kordhi doono Saddex ilaa Afar boqolkiiba, wuxuuna daabacay qiimeyntiisii Saddexaad ee ay ku sameeyeen dhaqaalaha Soomaaliya, taasi oo muujineysa qodobada ugu waa weyn ee tilmaamaya inuu dhacay horumar dhaqaale iyo in kale.

Warbixintan ayaa timid iyada oo sanadkii hore Soomaaliya ay ku habsatay abaar si weyn waxyeelo ugu geysatay xoolaha nool, gaar ahaan dhulka reer miyiga, waxaana bankiga adduunka uu sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkii hore kordhay 2.3%, halka midkii kaas ka horeeyay 2016-kii uu dhaqaalaha ahaa 4.4%.

Bankiga adduunka ayaa sheegay intaasi ay muujineyso sida ay abaartu u keentay dib u dhac dhinaca dhaqaalaha ah, waxaana dhaqaalaha Soomaaliya uu taariikh ahaan ku tiirsana dhoofka xoolaha.

Wakiilka bankiga adduunka ee Soomaaliya ayaa yiri “Waa warbixin aan dooneyno inay soo baxdo Lixdii bilood ee kasta, warbixin kasta waxa ay leedahay mowduuc hoos loogu eego, warbixintan waxay si gaar ah u eegeysaa lacagaha la isku weedaarsado telefoonada, fariinta dhaqalaha ee warbixintan ay dirreyso ayaa waxa ay tahay abaartii sanadkii hore dhacday inay hoos u dhac ku keentay dhaqaalaha”.

Warbixinta bankiga adduunka ayaa waxa ay si weyn u ammaantay kobaca iyo doorka dhaqaalaha ee hananka lacagaha la isugu weedaarsado telefoonada hadii ay ahaan laheyd xawilaadaha iyo wax kala iibsigaba.

Waxaa bankiga adduunka uu sheegay in bishii uu sareeyo 155 Million is weedaarsi lacageed ama wax kala iibsasho la isugu gudbiyo telefoonada, taasi oo ku fadhida aduun dhan 2.7 Bilyan oo dollar bishii, wuxuu kaloo bankigu tilmaamay in lacagaha telefoonada ay ka xoog bateen lacagaha waraaqda ah ama cadaanka ah ee ka jira Soomaaliya.

“Caqabado badan ayaa ka jira Soomaliya oo dhanka amniga iyo siyasadda la xiriira, waxa keliya ee si wanaagsan u shaqeeya waa dhaqaalaha ku saleysan shirkadaha gaarka ah, ganacsiga gaarka loo leeyahay wuxuu wax weyn ka qabtay dhaqaalaha Soomaaliya, kala wareejinta lacagaha ee dhinaca telefoonada Soomaaliya waa mid ka mid ah talaabooyinka ugu horumarsan dunida, waxayna taasi fursad u tahay kobaca dhaqaalaha”. Ayuu markale yiri wakiilka bankiga adduunka ee Soomaaliya.

Bankiga adduunka ayaa wuxuu sheegay waxyaabaha nugeylka u keenaya in ay ka mid yihiin cilad ka imaaneysa in qofka wax iibsanaya aanu jirin hab difaacaya hadii uu muran dhaco ama in kan wax diraya uusan aqoon dadka uu wax u dirayo iyo in bankiga Soomaaliya uusan wax la socod ah ku laheyn hanaankan, waxaana bankiga uu soo jeediyay intaasi ay u baahan tahay sharci dejin,

Readers Comments (0)




Wararkii ugu dambeeyay

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Kulamo La Qaadanaya Madax Ka Socota Caalamka

September, 24, 2018
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ...

Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya Oo Maanta Si Kulul Uga Dooday Dilkii Axmed Dwalo

September, 24, 2018
Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta dood kulul waxa ...

Guddigii Aqalka Sare Usoo Diray Gal-mudug Oo Maanta wareejiyey Xogtii Ay Aruuriyeen

September, 24, 2018
Guddoonka Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ...

Shir Looga Hadlayey la Dagaallanka Arrimaha Xagjirnimada Oo Muqdisho Lagu Qabtay

September, 24, 2018
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ...

Dhageyso:- Xildhibaano Doonaya In La’ sii Daayo dadkii Ka Dambeeyey Dilkii Axmed dawlo

September, 24, 2018
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa ...

Akhriso:- Madaxweyne Gaas Oo Guddoomiye Cusub U Magacaabay Gobolka Nugaal

September, 24, 2018
Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ...

GUDOOMIYIHII GOBALKA NUUGAAL OO XILKII LAGA XAYUUBIYAY

September, 24, 2018
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ...

Shaqo Joojin Lagu Sameeyey Xog-hayihii Joogtada Ahaa Ee Wasaaradda Batroolka XFS Maxay Tahay Sababtu?

September, 24, 2018
Wasiirka Wasaaaradda Batroolka xukuumadda Fidraalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid ...

AKHRISO: Wasiir Maareeye Oo Magacaabay Xoghayaha Joogtada Ah Ee Wasaaradda Ganacsiga

September, 24, 2018
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir ...

Dhageyso:- KGS Oo Sara U Qaaday Adkeynta Amniga Deeganadeeda Inta Ay Ka Dhaceyso Doorashada Madaxtinimo Ee Maamulkaasi

September, 24, 2018
Xilli Bisha November Ee Soo Aadan Lagu Wado ...

Maqaallo

GUDOOMIYIHII GOBALKA NUUGAAL OO XILKII LAGA XAYUUBIYAY

September, 24, 2018
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ...

Dhageyso:- Dhacdo Ugub Ah Oo Ka Dhacday Gaalkacyo

September, 24, 2018
Waa Arrin Aan Fududeyn xal U Helideeda In ...

Xaalado Bini aadanimo oo ka taagan Deegaanka Wasil ee Gobalka Mudug

September, 24, 2018
Maamulka iyo Shacabka Deegaanka Wasil ee Gobolka Mudug ...

KENYA OO CIIDAN KA HORTAGA AL-SHABAB GEYNEYSA IJAARA

September, 24, 2018
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Ciidan ka hortaga ...

Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaaday Qoryoolay

September, 24, 2018
  Dagaal u dhexeeya  Ciidamada xoogga oo garab ka helaya ...

Taliyaha Hoggaanka Caafimaadka NISA oo xabsiga la dhigay

September, 23, 2018
  Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xabsiga la ...

WARAR SHEEGAYA CIIDAMADA SOMALILAND INEEY WEERAREEN DEEGAAN KA TIRSAN G SANAAG

September, 23, 2018
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ...

Ra’iisul Wasaare Khayre oo qaabilay Safiirka Djibouti ee Soomaaliya+Sawirro

September, 23, 2018
Muqdisho - Ra’iisul wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan ...

Mareykanka oo sheegay in duqeyn uu ku dilay 18 ka tirsan argagixisada Alshabaab

September, 23, 2018
Muqdisho –War ka soo baxay Taliska ciidamada Militariga ...

MALADHIHI KARAA WAXUU YAXYE EERSADAY QORAALKAAN(Airportka Dahabka ah ee Barawe.)

September, 22, 2018
Hala yaabin in Airport Dahab ah laga dhisayo ...

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com