Shirka wadatashiga diyaarinta hanaanka dib u heshiisiinta oo la soo gaba gabeeyay (SAWIRRO)
Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com
Published on August 19, 2018 by said · No Comments
Wajigii Labaad ee shirka wadatashiga diyaarinta hanaanka dib u heshiisiinta Qaran oo ay waday wasaaradda arimaha gudaha ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay magaalada muqdisho.
Shirkan oo ay ka qayb galayeen maanta bulshada rayidka ayaa loogu tala galay in ay fikirkooda ku daraan hanaanka diyaarinta dib u hishisiinta qaran oo diyaarineysa wasaaradda arimaha gudaha.
Prof. Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ku hadlayay afka bulshada rayidka ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay marka laga hadlaayo dib u heshiisiin iyo nabadeyn in ay jirto meel la hiig sanaayo, taasi ayuu tilmaamay in ay u baahan tahay karti wax lagu xalin karo.
Kusimaha wasiirka ahna wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowladda federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cabdulaahi Faarax Wehliye oo soo xiray shirka ayaa waxa uu shegay aragtiyada kala duwan ee ka soo baxa shirkan in ay wax badan ka kaabi doonto hanaanka diyaarinta dib u heshiisiinta.
Sidoo kale waxa uu shegay wasiiru dowlaha in shirar nuucaan oo kale ah ay u qaban doonaan bulshada ku nool gobalka Banaadir iyo gobalada dalka intaasi kadibna ay soo gaba gabayn doonto wasaaradda arimaha gudaha hanaankan diyaarinta Dib u Heshiisiinta qaran ah bisha December ee sanaadkan.
Shirkan oo socday mudo labo maalmood ah ayaa waxa soo agaasintay wasaardda arimaha gudaha, waxaana ka qayb galay xubno kala matalayay bulshada rayidka iyo hay adaha kala duwan ee dowladda si ay aragtidooda ugu daraan hanaanka diyaarinta dib u heshisiinta qaranka.

Related
February, 16, 2019
Al Shabaab ayaa sheegtay weerarkii Madaafiicda ee ay ...
February, 16, 2019
Xukuumada cusub ee maamulka puntland oo uu dhawaan ...
February, 16, 2019
Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa ah kuwa ...
February, 16, 2019
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda ...
February, 16, 2019
Askari ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ...
February, 16, 2019
Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Dhaxe Soomaaliya ayaa maanta magaalada ...
February, 16, 2019
Ugu yaraan 56 Qof ayaa Saddexdii Bil ee ...
February, 15, 2019
Wiil dhallinyaro Soomali ah ayaa lasoo warinayaa in ...
February, 15, 2019
Ka hor inta aan la qaban doorashada dalka ...
February, 15, 2019
Wararka ay allsaaxo ka heleyso gobolka Shabeellaha Hoose ...