GGGGGG
Sunday, April 21st, 2019
header

SAWIRRO: Ra’iisul Wasaare Khayre oo Daah-furay Golaha Dhaqaallaha Qaranka

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on August 11, 2018 by   ·   No Comments

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta daah-furay golaha dhaqaalaha qaranka oo madaxweynaha dalku Dekareeto ku magacaabay July 12, 2018, kaas oo dawladda kala talinaya arrimaha dhaqaalaha dalka iyada oo lagu salaynayo cilmi baaris dheer iyo cadaymo, sidoo kalana dawladda siinaya talo iyo hagid ku aadan diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale oo tayo leh oo ka caawinaysa isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha dhaqaalaha qaranka kula dardaarmay in ay si qoto dheer uga fekeraan una dejiyaan siyaasado iyo istiratiijiyado looga faa’iidaysan karo khayraadka ballaaran ee Alle ku manneystay Soomaaliya.

“Waxa aan ku faraxsanahay in daah-furkaan golaha dhaqaalaha qaranka uu ku soo beegmay xilli aan guulo fara badan kasoo hoynay dhanka maamul wanaagga maaliyadda qaranka oo wadanku rajo wayn ka qabo in uu soo buuxiyo dhammaan shuruudihii lagaga saamixi lahaa daymaha. Waxan kalsooni weyn ku qabaa in golahaan uu kusoo biirin doono geedi socodkaas fir-fircooni si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale iyo in ay Soomaaliya soo ceshato kaalintii ganacsi ee ay ku laheyd dunida” ayuu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre.

“In kasta oo ay tahay dhammaan mas’uuliyad na wada saaran hadana golaha dhaqaalaha qaranka ee aan maanta daah-fureyno ayaa hormuud ka noqon doona sare u qaadista dakhliga soo gala qof walba oo Soomaali ah loona abuuro shaqooyin cusub si xal waara loogu helo dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aantu haysato. Sare u qaadista celceliska dakhliga soo gala qofkiiba waxa lagu gaari karaa in la kordhiyo saacadaha shaqada, la tayeeyo shaqaalaha ayada oo la tabo-barayo lana siinayo agabka u saamaxaya in ay gutaan waajibaadkooda si loo helo cudud shaqaale sare u qaadi kara dakhliga lehna xirfadihii iyo aqoontii loo baahna”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in ay Muhiim tahay in maal-gelin lagu sameeyo kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan kuwa isku xira dhul-beereedka iyo caasimadda, ayna dhimayso qiimaha dalagga, sarana u qaadeyso wax soo saarka dalka, sidaa darteed dawladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay xoraynta deegaannada wax soo saarka beeraha iyo xoolaha caanka ku ahaa si loogu soo xiro dhaqaalaha rasmiga ah ee Soomaaliya.

“Golaha dhaqaalaha qaranka waa in uu dhaxda u xirtaa sidii loo xaqiijin lahaa in wax soo saarka beeraha iyo xoolaha ay gaaran heer lagu faani karo. dhaqaalaha Soomaaliya waxaa laf-dhabar u ahaa welina u ah wax soo saarka beeraha iyo xoolaha. Wax soo saarka beeraha iyo xoolaha ma gaarsiisna heerkii loo baahna waayo wali waxaa liita dhoofinta wax soo saarka beeraha”.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khayre ayaa sheegay in Soomaaliya lagu sifeeyay gaajo, qarax, afduub iyo burcad-badeednimo ayna uuhiim tahay in waqti iyo kheyraad badan la geliyo si magaca Soomaaliya looga dhigi lahaa mid muujinaya dhaqaala soo koraya, nabad ah, xasilloon, iyo dal loo dalxiis tago, waxa uuna ku baaqay in dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay la shaqeeyaan hey’adaha dowliga ah ee ku howlan horumarinta dhaqaalaha.

Golaha dhaqaalaha qaranka oo uu hogaaminayo madaxweynha dalka, Ra’iisul Wasaaruhuna uu bedel u yahay Madaxweynaha, waxaa xubna ka ah guddi-hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wasiirada, madaxda dawlad goboleedyada, gudoomiyaha bangiga dhexe, shan xubnood oo madax bannaan kuwaas oo leh khibrado iyo xirfado dhaqaale, Maamul Maaliyadeed, Dowladeed, daah-furnaanta iyo hufnaanta ama aqoon kale oo la xiriirta leh waxaana sidoo kale la shaqeynaya afar dhaqaale yahan oo aan Soomaali aheyn.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Wararkii u dambeeyey Dab ka kacay Bakhaar lagu keydiyo hubka Ciidamada Galmudug

April, 21, 2019
Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya dab khasaaro ...

SAWIRO:- In ka badan 100 ruux oo ku dhintay qaraxyo ka dhacay dalka Sri Lanka

April, 21, 2019
Qaraxyadaas oo gaaraya ilaa Lix ayaa ahaa kuwo ...

Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Sheegay In Dowladda Aysan Adeegsan Wax Awood Ah

April, 21, 2019
Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ...

DEG DEG:-Dab ka kacay Bakhaar hubka lagu keydiyo oo ku yaalla gobolka Mudug

April, 21, 2019
Wararka lag helayo deegaanka Docol ee Gobolka Mudug ...

Askar ku geeriyootay qaraxyo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

April, 21, 2019
Waxaa faah faahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan ...

Dowladda oo shaacisay Jadwalka Imtixaanka Maadooyinka dugsiga Sare

April, 21, 2019
Wasaaradda waxbarashadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay Jadwalka maadooyinka ...

Mareykanka oo duqeyn cusub ka fuliyey deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Hoose

April, 21, 2019
Taliska Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in Maraykanku uu ...

Aqalka Sare oo soo farageliyey khilaafka Wasaaradda Waxbarshada Somalia iyo Puntland

April, 21, 2019
Xubno ka tirsan aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ...

Dowladda oo sheegtay in si deg deg ah loo dhameysytirayo Dastuurka dalka

April, 20, 2019
Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ...

Wararkii ugu dambeeyay Kulamo Nairobi uga socda Madaxda maamul goboleedyadda

April, 20, 2019
Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya waxaa ka ...

Maqaallo