GGGGGG
Monday, August 20th, 2018
header

Ciidanka Liyuu Booliska Oo Tacadiyo Ka Gaystay Dhulka Soomaalida

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on August 11, 2018 by   ·   No Comments

Tan iyo markii uu xilka ka degay Cabdi Maxamuud Cumar oo ahaa Madaxweynihii hore ee deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa laga soo sheegayay deegaankaasi in ay jiraan qalalaase la xiriira isbeddelka socda, iyadoo ciidankii Liyuu booliska ee deegaanku ay dhibaatooyin kala duwan ka gaysanayaan deegaannada qaar.

Wararka ay allsaaxo helayso ayaa sheegaya in ciidankii Liyuu boolisku ay bilaabeen inay faarujiyaan dhammaan saldhigyadii ay horay ugu sugnaayeen, iyagoo bilaabay inay duurka galaan, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in ay isku uruursadeen deegaanka Shillaabo oo ka tirsan gobolka Qorraxey oo ah deegaankii shidaalka laga helay.

Ciidanka Liyuu booliska ayaa gaadiid tiro badan oo kala duwan ka dhacay saldhigayadii iyo deegaanadii ay ku sugnaayeen, waxaana ka mid ah goobaha ay dhaca iyo dhibaatada ka gaysteen deegaannada xuduudka ku teedsan ee Balli-gubadle, Farawayne iyo Wajaale.

Ciidanka Liyuu booliska ayaa waxay toogasho ku dhaawaceen (August 9) guddooomiye ku xigeenkii degmada Wajaale ee dhinaca Itoobiya Maxamed-Khadar.

Dhaawaca guddoomiye ku xigeenka ayaa yimid muran ka dhashay kadib markii guddoomiye ku-xigeenku uu ciidanka Liyuu booliska u sheegay in ay iska soo wareejiyaan furayaasha gaadiidka dawladda gaar ahaan Dab-demiska iyo Cagaf-cagafyada. Wixii intaas ka dambeeyay ciidnaka Liyuu booliska ayaa ka baxay saldhigyadii ay ku lahaayeen degmada Wajaale iyagoo duurka galay, waxaana ay horey kasii qaateen qaar ka mid ah gaadiidkii dadweynaha oo uu ka mid yahay Dab-demiska degmada.

Sidoo kale, Magaalada xuduudka ku taalla ee Balli-gubadle ayaa laga soo sheegay in ay iskaga baxeen ciidanka Liyuu Boolisku saldhigyadii ay halkaasi ku lahaayeen iyagoo halkaasi kasii qaatay gaadiidkii degmadu ay lahayd.

Degmada Dhagax-buur ayaa iyaduna ka mid ah meelaha ay dhibaatada ka gaysteen ciidanka Liyuu Booliska, waxaana lagu soo warramayaa in halkaasi uu dagaal ku dhex maray ciidanka liyuu booliska iyo dadka shaabka ah.

Dhinaca kale, Xukuumadda Somaliland ayaa ciidamo tiro badan oo ku weeda Millatariga ah gaysay xuduudka ay la wadaagto dalka Itoobiya, waxaana dadka deegaannada xuduudka ku sugan ay soo sheegayaan in ay arkeen ciidanka Millatariga Somaliland oo ku hubaysan hubka noocyadiisa kala duwan.

Somaliland ayaa horay u sheegtay in ay adkaysay xuduudka ay la wadaagto Itoobiya.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Dhagayso-Bar.Xiisaha Lahaa ee Xulka Waraysiyada Radio Vos Caabudwaaq

August, 19, 2018
  Halkaan Hoose ka dhagayso Barnaamijka oo uu soo ...

Waraysi=Maamulka Dagmada Marka oo war ka soo Saaray Abaanduulihii hore ee Ciidanka xoogga dalka oo gaaray Marka

August, 19, 2018
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ee Caasimadda ...

Waraysi-Xubnaha ispoortiga Galmudug oo is Haysto Ogow Sababta….

August, 19, 2018
Tartanka isboortiga Dagmooyinka Galmudug ayaa dhawaan La Qabanaayaa ...

WARAYSI-Laamaha Amaanka Caabudwaaq oo War soo Saaray

August, 19, 2018
Ciidmaada amaanka ee ku sugan Caabudwaaq ayaaa Maalmihii ...

Maamul KMG ah oo Loo Magacaabay Qeybta Canshuuraha Dekedda Moqdisho

August, 19, 2018
Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ...

Khayre Oo Shir Guddomiyey Shir La isku Raacay in wax laga badalo qaabka Wada Shaqeened Garsoorka iyo Booliska

August, 19, 2018
Ra’iisul Wasaaraha Xukumamadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali ...

Madaxweyne Gaas oo amray in Puntland la galiyo xaalad dagaa

August, 19, 2018
Gudiga difaaca Puntland ayaa maanta shirjara’id waxa ay ...

SAWIRRO: Madaxweyne Xaaf oo gaaray Gaalkacyo

August, 19, 2018
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ...

Shirka wadatashiga diyaarinta hanaanka dib u heshiisiinta oo la soo gaba gabeeyay (SAWIRRO)

August, 19, 2018
Wajigii Labaad ee shirka wadatashiga diyaarinta hanaanka dib ...

Jubbaland oo ka jawaabtay Hadalkii Faarax Macalin

August, 19, 2018
Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa jawaab kulul ka ...

Maqaallo