GGGGGG
Wednesday, November 14th, 2018
header

AMISOM “Shabaab ma ixtiraamaan Diinta Islaamka”

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on August 10, 2018 by   ·   No Comments

Hawlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya ayaa Khamiistii cambaareeyay weerar ay koox hubeysan ku dishay askari ka tirsanaa ciidanka Booliska Soomaaliya oo ka dhex dhacay Masjid ku yaalla agagaarka Barxada Biyaaso Liibaro ee degmada Xamar Jajab, Afartii bishan August.

Francisco Caetano Madeira, oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa weerarkaas ku eedeeyay inay ka dambeeyaan Ururka Al Shabaab, wuxuuna tilmaamay in ay u soo jeysteen laynta caruurta, dhalinyarada iyo dadka waxgalka u ah bulshada.

“Waxay marayaan Al Shabaab heerkii ugu hooseeyay, waa kuwo niyad jabsan waxayna raadinayaan inay sameeyaan fariimo ay ka mid yihiin ficilladaas oo kale, waxaan ka naxay falka dilka ah, weerarku wuxuu xaqiijinayaa in Al Shabaab aysan ixtiraameynin Diinta Islaamka, xitaa waxay dadka ku dilayaan goobaha cibaadada”. Ayuu Madeira ku sheegay hadal uu soo saaray.

Mr. Madeira ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay howlgalka Midowga Afrika ee ah in uu la shaqeeyo ciidamada amniga Soomaaliya iyo la hawlgalayaasha kale, si loo dhammeeyo dilalka aan kala sooc lahayn iyo weerarada khasaaraha wata ee Masaajidda, Hoteelada iyo meelaha kale ee ay isugu timaado bulshada.

Ugu dambeyntii Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Francisco Caetano Madeira ayaa Shabaab ku eedeeyay inay kordhiyeen askareynta caruurta yar yar, wuxuuna tilmaamay inay ka hortagayaan falal uu ku sheegay kuwa guracan oo ay geystaan Al Shabaab

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

(Dhageyso)War Deg Deg ah :Wasiiru Dowlaha Amniga Jubaland oo Iska Casiley Xilkaasi

November, 13, 2018
Maxamed Cabdi Kaliil oo ahaa Labadii Sanno ee ...

Raiisal Wasaare Ku xigeenka dalka oo maanta daah furay Shirka Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka

November, 13, 2018
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) ...

Sawirro:-Wafdi Ka Socda QM Oo Gaaray Baydhabo Lana Kulmay Kusimaha Madaxweynaha KGS

November, 13, 2018
Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta ...

UK oo wali ka walaacsan dilkii Wariye Jamaal Khashoggi

November, 13, 2018
Wasiirka Arrimaha Dibadda UK Jeremy Hunt ayaa sheegay ...

Ciidanka Kenya oo toogtay haweenay Soomaali ah

November, 13, 2018
Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada ...

Khasaare ka dhashay Qarax ka dhacay Spain

November, 13, 2018
Saddex qof ayaa ku geeriyootay, saddex kalena waa ...

SAWIRO: Banaanbax ka socda Gaalkacyo

November, 13, 2018
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ...

Wararkii ugu dambeeyay Shabaab ku dagaalamay Jilib

November, 13, 2018
Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan ...

Howlgal Dad Lagu Qabtay Oo Laga Sameeyay Muqdisho

November, 13, 2018
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xalay ...

Amar lagu rogay Saldhigyadda Booliska Muqdisho

November, 13, 2018
Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo ...

Maqaallo