GGGGGG
Tuesday, May 21st, 2019
header

Guddiga xuduudaha oo ka hadlay arrimaha xadka

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on August 9, 2018 by   ·   No Comments

Guddiga Madaxa bannaan ee xudduudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay qorshaha ku aaddan iswaafajinta Dastuurka iyo sharciyada la xariira arrimaha xadka ee aynu la wadaagno Waddamada deriska ah iyo xal ka gaarista caqabadaha xudduuddaha maamul Goboleedyada dalka.

Guddoomiyaha guddiga xudduudaha iyo federaalka Soomaaliya Khalliif C/kariin Maxamed ayaa sheegay in ay kulamo la qaateen guddiyada howlahan u xil-saaran ee Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, iyagoo ka munaaqishooday sidii arrintan xal buuxa looga gaari lahaa.

Guddoomiye Khalliif ayaa sheegay in xudduuddii rasmiga ahayd ee u dhexeysay Soomaaliya iyo Kenya ay tahay Silig uu gumeystihii Ingiriiska ku kala xadeeyay Labada dal, balse ay Dowladda Kenya isku dayday inay Gidaar ka dhisto, taasoo ay Dowladda Soomaalya ka biya diidday, keentayna in Labada Madaxweyne ay ka wada hadlaan sidii loo joojin lahaa dhismaha Derbigaas.

Wuxuu sheegay Khalliif inay Soomaaliya iyo Kenya ka dhexeeyaan dano badan oo ay ka mid tahay, isu socodka dadka iyo Ganacsiga, maaddaama ay Ciidamada Kenya qayb ka yihiin howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM.

Xudduudaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayuu sheegay inay dhowr mar Ciidanka Liyuu Boolis ka geysteen shaqaaqo ay ku dhinteen dad shacab ah, taas oo ah mid u baahan in Labada dowladood ay ka wada xaajoodaan si dhibaatada xadka ka jirta loo yareeyo.

Wuxuu sheegay Guddoomiye Khalliif, in ay Madaxda dalka ugu sarreysa ay u gudbiyeen caqabadaha ka jira xuduudaha ay Soomaaliya la wadaagto dalalka deriska ah, qorshaha arrimahaa kaga degsanna uu meel wanaagsan marayo.

Ugu dambeyn Guddoomiye Khalliif ayaa waxa kale uu sheegay inay ku howlan yihiin dhammaystirka nidaamka sharci ee xudduudaha dalka, si loo yareeyo Khilaafaadka mararka qaar ka dhex dhaca maamul goboleedyada dalka ee ka dhasha soohdimaha ay wadaagaan.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Faah faahin:-Weerar lagu qaaday Saldhig Ciidamada Kenya ku leeyihiin Jubbada Hoose

May, 21, 2019
Wararka laga helayo Gobolka Jubbada Hoose ee Dowlad ...

dhageyso;’ ma;suuliyiiin ka tirsan DFS oo buuqaday marwo Baxsan oo ah fananad qaran oo xauunsan

May, 21, 2019
Wasiirka warfaafinta xukuumadda FS iyo maareeyaha guud ee ...

Kenya oo xirtay Xawaalado ay Soomaali leeyihiin

May, 21, 2019
Dowladda Kenya ayaa xilligaan wado isku-day ku aadan ...

Dhageyso:-Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland Gaalkacyo ku Kulmaya

May, 21, 2019
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo maalmahan ku sugnaa ...

Raiisal Wasaare Ku xigeenka Somaliya iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo u ambabaxay Turkiga

May, 21, 2019
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ...

Masuuliyiintii DFS ee Ku Xanibnaa Jomo Kenyatta oo Muqdisho Lagu Soo Celiyay

May, 21, 2019
Wasiir ku-xigeen ka tirsan Xukuumadda Federaalka Somaliya iyo ...

Guddoomiye Cusub oo loo Magacaabay degmo ka tirsan Gobolka Bakool

May, 21, 2019
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, dib u Heshiisiinta iyo ...

SAWIRO:-Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah

May, 21, 2019
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire ...

Mamulka Jubbaland oo War kasoo saaray darbiga ay Kenya ka dhiseyso xadka Soomaliya

May, 21, 2019
Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud ...

Dhageyso:-Madaxweynaha Puntland oo faah faahiyey safar uu ku tagayo Shiinaha

May, 21, 2019
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ...

Maqaallo