GGGGGG
Saturday, February 16th, 2019
header

Khayre oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Suudaan (SAWIRRO)

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on August 8, 2018 by   ·   No Comments

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa magaalada Khartuum ku yeeshay kulan muhiim ah oo ay uga wada hadleen adkaynta xariirka soo jireenka ah ee labada dal, amniga, kobaca dhaqaalaha, horumarka, maal-gashiga iyo iskaashiga horumarka gobalka guud ahaan.

“Kulan mira dhal ah ayaan la yeeshay madaxweynaha Suudaan, waxa aan aad uga mahad celinayaa soo dhawaynta wanaagsan, waxa aan ka wada hadalnay xoojinta xariirka qotada dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan, amniga, horumarka, kobaca dhaqaalaha, maal-gashiga, sida aan isaga kaashan karno arrimaha gobalka iyo sida Soomaaliya ay uga qaadan karto dawr dhaxal gal ah oo ku salaysan khibradeenna iyo Khayraadkeenna”, Ayuu sheegay Ra’iisul wasaaraha xukuummada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Suudaan uga mahad celiyay taageerada dhanka waxbarashada, isaga oo hoosta ka xariiqay in xilli aduunyada inteeda kale ay u arkaysay Soomaaliya rajo aysan lahayn, Suudaan ay garaawsatay in la caawiyo si loo siiyo fursad ay kusoo kabato, waxa uuna sheegay in ardaydii Suudaan wax ku baratay ay ka qayb qaateen dib u dhiska dalka Soomaaliya.

“Qiyaastii Todoba kun oo arday Soomaaliyeed ah ayaa wax ku barta dalkaan, kummannaan kalana horay ayey uga qalin jebiyeen, waxa ayna gacan ka gaysteen dib u dhiska dalka”, Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa dhanka kale ka hadlay heshiiskii nabadadeed ee dhawaan ay kala saxiixdeen dhinacyadii isku hayay gacan ku haynta hoggaanka Suudaanta Koonfureed, isaga oo madaxweyne Al-bashiir ku ammaanay dawrka wanaagsan ee uu ku lahaa, sheegayna in heshiiskaasi uu muujinayay in Afrika ay xallisan karto mashaakilaadka dhexdeeda ah.

“Aniga iyo wafdigeyga waxa aan aad ugu faraxsannahay in aan kasoo qayb galnay heshiinkii nabadeed ee lagu soo afjaray colaadii Suudaanta Koonfureed. Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir waxa uu qaatay dawr hogaamineed, waxa uu si gaar ah u qabtay hawl wanaagsan, isaga iyo shacabka Suudaan waxa aan uga mahad celinaynaa dawrka dhiirri gelinta leh ee ay ka qaateen nabadaynta Suudaanta Koonfudeed. Heshiiska ay saxiixeen dhinacyada isku hayay siyaasadda Suudaanta Koonfureed ee ay goob joogga ka ahaayeen madaxda gobalka oo dhan waxa uu muujinayaa in xallinta mashaakilaadka Afrika uu u yaallo Afrika”, ayuu yiri Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Booliska Minnesota oo baaraya Toogasho loo geystay wiil Soomaali ah.

February, 15, 2019
Wiil dhallinyaro Soomali ah ayaa lasoo warinayaa in ...

Labada Musharax ee ugu cad-cad doorashada Nigeria oo baaq isku mid ah diray.

February, 15, 2019
Ka hor inta aan la qaban doorashada dalka ...

Al Shabaab oo Weerar Madaafiic ah Ku Qaadday Saldhigga ugu weyn Ciidanka Mareykanka ee Soomaaliya.

February, 15, 2019
Wararka ay allsaaxo  ka heleyso gobolka Shabeellaha Hoose ...

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulan la qaatay Guddiga Hanti soo celinta Qaranka

February, 15, 2019
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulankiisii ...

QM oo Milaayiin Dollar ku bixineysa nabadda Soomaaliya.

February, 15, 2019
Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay Todobaadka ...

Maraykanka oo diyaarinaya talaabo millatari oo ka dhan ah Venezuela.

February, 15, 2019
Wadanka Maraykanka ayaa ciidamadiisa gaarka ah ku sii ...

Qaraxyo miino oo ay ku dhinteen beeralay iyo shaqaale ammaanka qaabilsan oo ka dhacay Jordan.

February, 15, 2019
Beeraley u dhalatay wadanka Jordan ayaa lasoo warinayaa ...

Al-shabaab oo madaafiic ku weeraray Baar Sanguuni

February, 15, 2019
Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe waxa ay weerar ...

Khasaaraha Ka Dhashay Dab Xalay Ka Kacay Magaalada Gaalkacyo

February, 15, 2019
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa ...

Xildhibaan isu casilay rooti uu xaday

February, 15, 2019
Xubin ka tirsan xildhibaannada Slovenian ayaa xilka ka ...

Maqaallo