GGGGGG
Sunday, December 16th, 2018
header

Waare “DF iyo AMISOM ma ahan mar walba inay difaac ku jiraan”+SAWIRRO

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on August 7, 2018 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr. Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Magaalada Jowhar ku qaabilay Taliyaha Ciidamadda Midowga Africa ee AMISOM Sarreeye Guud Jim Beesigye Oweyesigire oo maanta gaaray Magaalada Jowhar isaga iyo saraakiil Sar Sare oo ka tirsan AMISOM.

Waare kulanka waxaa ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo saraakiil ka tirsan AMISOM, iyadoo  ay ka wada hadleen ammaanka guud ee dalka gaar ahaan Amniga Hirshabelle iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa howlgalada lagu dagaalamayo Al Shabaab, islamarkaana loo furi lahaa wadooyinka kala xiran.

Taliyaha Ciidanka AMISOM Sarreeye Guud Jim Beesigye Oweyesigire ayaa Madaxweyne Waare iyo ku xigeenkiisa war-bixin ka siiyey shaqooyinka ciidammada AMISOM ay ka wadaan  guud ahaan Soomaaliya iyo doorka ay ku leeyihiin xasilinta dalka, dhismaha iyo taakuleynta ciidammada Qaranka, iyo qorshaha ay ku doonayaan in Hirshabelle ay uga fuliyaan howlgalada looga sarayo dalka Al Shabaab.

Kulankan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray muhiimada ay leedahay in Amniga guud ee dalka ay la wareegaan Ciidamada Qaranka loona diyaariyo qorsha sahlaya in laga gudbo xiliga kala guurka, waxaana Madaxweyne Waare uu carabka ku adkeeyay in si adag loo wajaho qorshaha lagula dagaalamayo Al Shabaab oo aynan Dowladda iyo AMISOM noqonin kuwa difaac un ku jira.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa uga mahadceliyey AMISOM sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin iyo dadaaladooda ku wajan in lagu guuleysto xasilinta dalka iyo la dagaallanka Al Shabaab, isagoo dhinaca kale tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay in mar walba laga faa’iideysto waqtiga.

“Aad ayaan u bogaadinayaa ciidammadeena iyo kuwa Midowga Afrika ee howlgallada socda ka qeyb qaadanayaa. Howlgaladan  waa kuwa loogu tala galey in muddo aad u yar dalka oo dhan looga sifeeyo cadowga gaar ahaan waxaa dhowaan bilaabanaya Howlgallo lagu baacsanayo Al Shabaab si loo furo wadooyinka kala xiran ee Hirshabelle” Ayuu yiri Madaxweyne Waare

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Dhageyso: Maxaa ka jira in wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya uu is-casilay?

December, 16, 2018
Warar la isla dhex-marayey baraha bulshada ayaa sheegayey ...

Maxkamada G/Banaadir oo go’aan ka gaartay kiiska musuqa ee wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda

December, 16, 2018
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa go’aan ka gaartay kiiskii ...

Xog: Qorshe Roobow uu ku tanaasuli lahaa oo si cajiib ah u fashilmay maanta

December, 16, 2018
Qorshe la doonayey inuu maanta Mukhtaar Roobow ku ...

25-maleeshiyo oo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Shabeellaha hoose

December, 16, 2018
Howlgal ay iska kaashadeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibadooda ...

Sawirro:-Khilaafkii Guddoonka Golaha Shacabka Oo Xal Laga Gaaray

December, 16, 2018
Saacadihii la soo dhaafay waxa socday kulamo xal ...

DEG DEG:-Mukhtaar Roobow Oo Dhawaan Warbaahinta Kulahadlaya Muqdisho

December, 16, 2018
Wararka Nagasoogaaya Magaalada Muqdisho Ee caasimada dalka ayaa ...

December, 16, 2018
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Gaari ...

Wasiir ka tirsanaa Xukumaadda Soomaaliya oo is casilay

December, 16, 2018
Wasiirka Howlaha guud ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane ...

Muwaadiniinta Uganda Oo Loo Fududeynayo Fiisaha Dal-Ku-Galka Somalia

December, 16, 2018
Share Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Jeneral  Jejje ...

Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Labadiisa Kuxigeen oo kulan uga socdo magaalada Muqdihso.

December, 16, 2018
Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya ...

Maqaallo