GGGGGG
Tuesday, October 23rd, 2018
header

Tallaabadani waxay dhiirigalineysaa Beeraleyda Soomaaliyeed (Warbixin)

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on August 6, 2018 by   ·   No Comments

In ka badan kun iyo todobo boqol oo beeraleey oo ku kala sugan degmooyinka Balcad, Afgooye iyo Aw-dheegle ayaa ka faa’deystay mashruuc lagu hormarinayo habka abuurka dalagga beeraha.Beeraleyda galeyda iyo khudaarta oo habka abuurka beeraha waraabka iyo daweyntooda ka bartay tababar hey’adda aqoonyahanada beeraha Soomaaliyeed qabatay ayaa sheegaya in cilmiga ay heleen u horseeday korarka waxsoosaarka beerahooda. Hey’adda ayaa xilliga beeraleyda u qeybisay abuur iyo daweyn, kaas oo kordhiyay miraha kasoo go’aya beeraha galeyda iyo khudaarta.

Idiris Abuukar yuusuf oo ka mid ah dadka ka faa’deystay mashruucan ayaa sheegay in markii hore dhulka beertiisa ay ka soo bixi jirtay 1 loor oo galley ah balse hadda uu ka helo 4 loor oo galley ah. wuxuuna sheegay in tababarkii uu qaatay uu ka bartay habka abuurka beeraha, qaabka loo waraab iyo wakhtida, dawooyinka dhulka iyo kuwa loo isticmaalo marki beerta latabco. Idiris ayaa sidoo kale yiri sheegay in markii hore ay caqabad ka haysatay inay helaan galley ay beertaan balse hadda ay ugu deeqay hay’adda aqoonyadana beeraha Soomaaliyeed (SATG) asagoo intaa ku daray in uu haa beeraleey 43 sano, wuxuu sheegay in qoyskiisa oo ka kooban 15 ruux ay maanta ku tiirsantahay noolashooda dalagga ka soo baxa laba jibaal oo uu beerto oo qaar ay iibsadaan qaarna ay cunaan.

Maryan Abuukar Iidow, ayaa iyana sheegtay in nolasha qayskeeda ay ku tiirsan tahay 4 jibaal oo dhul-beeraad ah oo ay tabcato kadib markii ay qaadatay tababarkeedi ugu horreeyey oo ku saabsan hormarinta beeraha sanadkii 2014, waxayna sheegtay in waagii hore beerta ay ka heli jirtay sanandkii 1 loor oo galleey ah balse hadda ay hesho 4 loor, waxayna intaa ku daratay in ay ka dhisatay guri ay hadda ku noolyihiin ayado iyo qoyskeeda, Mayryan ayaa tilmaantay in hadda ay marayaan abuurkii 4 afaraad oo waraab ah.

Khadiijo Axmed Abuukar waa madaxa maamulka hay’adda aqoonyahannadda beeraha soomaaliyeed, waxay Warbaahinta u sheegtay in markii ay arkeen baarintaan ay sameeyeen kadib in beeralleyda ay u qabteen tababar ay ku baryeen Diyaarinta dhulka ee tiknoolajiyadda cusub, meelaha dhirta lagu abuuro, qaabka waraab qaadashad beeraha, dooyinka cayayaanka, cabirka dawooyinka loo isticaamaalo beeraha iyo qaabka loo adeegsado.

Khadiijo ayaa tiri “mashruucaan waxaa wajigiisa koobaad ka faa’ideystay beeralley ku nool 16 tuulo oo hoos tagta degmada Afgooye, 7 tuulo oo hoostagta Aw-dheegle iyo 6 tuulo oo hoostagata degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe”.

Wasaaradda Beeraha ayaa kol hore ku sheegtay inay Qalad tahay In Hey’adaha Samafalka Raashiin keenaan Xilliga uu Dalaga Dalka soo Go’o, iyadoo dibadda laga soo waarido dalagyo ka baxa Dalka.

Dhinaca kale msuul ka tirsan Wasaaradda Beeraha ayaa sheegay in mararka qaar ay jirtay caqabado badan oo ay la kulmi jireen Beeraleyda Shabellaha Hoose, taasi oo ah in markii ay wax soo saartaan beeraleyda Isbaaro ay la kulmi jireen, balse hadda la xaliyay, iyadoo ay Qaar ka mid ah beeraleyda Soomaaliyeed ay cabasho ka muujiyay markii uu dalagooda soo go’o in hey’ado samafal ay keenaan dalka raashiin la mid ah dalagii ay beerteen.

“Hay’adahaasi waan ka hadalnay, wadankaan waxaan rabnaa inaan gaarsiino 80% inaan dalka ku cunno wixii aan soo saaranno, hey’adaha markii qofkaan beeraleyda ah wax soo saaro in ay keenaan raahsiin waa qalad, wasaaradda beeraha uma dul qaadan doonto taasi, anaga oo u baahan in hey’adihii ay wax na taraan ayaa hadana waxaan u baahan nahay inay innagu naga iibsadaan, hey’adihiina waan ka dhaadhicinay arrintaasi”, ayuu yiri Masuul ka tirsan Wasaaradda Beeeraha Soomaalia.

Masuulkaasi oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Beeraleyda waxaan rabnaa inaan u abuurno mar walba inay helaan lacag Kaash ah, waxay hadda dhoofiyaan Moos, Liin, Sisin iyo waxyaabo kale, waxaan rabnaa in aan sare u qaadno muwaadinka waxa uu soo saarayo, laakiin nafaqada marka hore muwaadinka ayaa helaya, ka dib ayaa caalamka loo gudbin doonaa”.

Haddaba arrintaasi waa laga jiba keenay oo waatii shalay Xaflad lagu qabtay Xaruunta Wasaaradda Beeraha oo uu ka qeybgalay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuummadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), waxaana looga hadlayay iskaashiga dib u soo nooleynta wax soo saarka beeraha ayaa sheegay in qorshaha lagu kordhinayo tacabka beeraha iyo wax soo saarka uu dardar gelinayo kobaca dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaara ku-xigeenka dalka ayaa sheegay in hadii iskaashi xoog leh laga sameeyo kordhinta dalagga beeraha Soomaaliya, Beeraleydu ay ku dhiiraneyso tacabka, dhaq-dhaqaaq ganacsi oo xoog leh uu bilaabanayo, Dhaqaaluhu kobcayo, shaqa abuurkuna badanayo.

Munaasabadda uu ku-simaha Ra’iisul Wasaaruhu ka qayb galay oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirka beeraha iyo Waraabka XFS, Siciid Xuseen Ciid, wasiir ku-xigeenka, wasiirka qorshaynta, Guddoomiyaha gobalka Banaadir, mas’uuliyiinta hey’adda cunnada aduunka (WFP) ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, iskaashatada beeraha iyo ganacsato ayaa ka dhacday Bakhaarrada WFP ee dekadda Muqdisho halkaas oo lagu keydiyay Galey laga iibiyay beeraleyda Soomaaliyeed oo gaareysa 2,500 metric ton.

Hey’adda Cunnada aduunyada (WFP) oo qeyb ka ah qorshaha iskaashiga kordhinta iyo soo nooleynta wax-soo saarka beeraha Soomaaliya ayaa oggolaatay in ay iibsato Galeyda dalka kadib baaritaan lagu ogaaday in ay tahay nuuca ugu wanaagsan Galayda Bariga iyo Bartamaha Afrika arintaas oo Soomaaliya u oggolaatay in ay ku biirto wadamada WFP Galeyda ay ka iibsato.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in heshiiska WFP ay ku oggolaatay in dalkeenna ka iibsato Galeyda uu horseedayo in dhaqaale badan uu soo galo beeraleyda kadibna ay soo iibsadaan qalab casri ah oo sare u qaadaya wax soo saarka beeraha dalka iyo warshado waaweyn oo Galeyda u bedela cunnooyin kale oo bulshadu u baahantahay, waxa uuna beeraleyda ku dhiirri geliyay in ay kordhiyaan tacabka beeraha.

Arrintani waxa ay dhiirigalinayesaa Beerleyda Soomaaliyeed oo wel wel badan ku heysay in marka ay u soo go’aan Dalagoodu ay Heydaha samafalka sida WFP ay Dalka keenaan Galey, taasi oo si mucaawino ah u keenta, ayna keentay in qiimo dhac uu ku yimaado Dalagoodii ay dhibta badan ka soo mareen, balse ilaah mahadiis hadda ayay Dowladda Federaalka Soomaaliya xalisay arrintaasi, waxaya dhiirigalin u noqoneysaa Beeraleyda Soomaaliyeed, islmarkaana ay hadda ku dhiiridaan inay beeraan Dalag intii hore ka badan.

Qalinka: C/laahi Ruush

Readers Comments (0)




Wararkii ugu dambeeyay

Shirka maamul goboleedyada oo maanta la filayo in la soo gaba gabeeyo

October, 23, 2018
Magaalada Garowe waxaa ka socda shir maalinkii Saddexaad ...

Hay’adaha ammaanka oo Muqdisho ku qabtay burcad dhac ka geysan jirtay Muqdisho

October, 23, 2018
Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya oo maalmahan dambe ...

Sawirro:-Ciidamo Ka Socda AMISOM Oo Ku Soo Wajahan Soomaaliya

October, 22, 2018
Dhawaan  ayaa la filayaa in Ciidamo ka socda ...

Sawirro:-Mas’uul Matalaya Maamulka G/Banaadir Oo Ka Qeyb Galaya Shirka Golaha Maayarada Caalamka

October, 22, 2018
Guddoomiye Ku-Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir ...

Wasiirka amniga oo furay shir looga hadlayo dardar gelinta hawlaha Hayadda socdaalka.

October, 22, 2018
Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar ...

Daawo:-Telefishinka CNN Oo Soo Bandhigay Muuqaal Video Cusub Ee Kiiska Saxafigii Jamaal Khashoggi

October, 22, 2018
Muuqaal ay Kaamerooyinka Qarsoon duubeen ayaa waxaa si ...

Puntland Oo Si Kulul Uga Hadashay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Sool

October, 22, 2018
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si kulul uga hadlay ...

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Maanta Kormeer Sameeyay

October, 22, 2018
Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan ...

Sawirro:-War Laga Soo Saaray Dagaal Beeleed Ka Dhacay Gobolka Sool

October, 22, 2018
Saakay waaberigii ayaa dagaal beeleed waxa uu ka ...

Dhagayso:Dowlad Goboleedyada Oo Ka Jawaabay Qoraalkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha

October, 22, 2018
Afhayeenka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Cabdullaahi Sheekh Xasan ...

Maqaallo

Shirka maamul goboleedyada oo maanta la filayo in la soo gaba gabeeyo

October, 23, 2018
Magaalada Garowe waxaa ka socda shir maalinkii Saddexaad ...

Hay’adaha ammaanka oo Muqdisho ku qabtay burcad dhac ka geysan jirtay Muqdisho

October, 23, 2018
Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya oo maalmahan dambe ...

Sawirro:-Ciidamo Ka Socda AMISOM Oo Ku Soo Wajahan Soomaaliya

October, 22, 2018
Dhawaan  ayaa la filayaa in Ciidamo ka socda ...

Sawirro:-Mas’uul Matalaya Maamulka G/Banaadir Oo Ka Qeyb Galaya Shirka Golaha Maayarada Caalamka

October, 22, 2018
Guddoomiye Ku-Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir ...

Wasiirka amniga oo furay shir looga hadlayo dardar gelinta hawlaha Hayadda socdaalka.

October, 22, 2018
Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar ...

Daawo:-Telefishinka CNN Oo Soo Bandhigay Muuqaal Video Cusub Ee Kiiska Saxafigii Jamaal Khashoggi

October, 22, 2018
Muuqaal ay Kaamerooyinka Qarsoon duubeen ayaa waxaa si ...

Puntland Oo Si Kulul Uga Hadashay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Sool

October, 22, 2018
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si kulul uga hadlay ...

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Maanta Kormeer Sameeyay

October, 22, 2018
Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan ...

Sawirro:-War Laga Soo Saaray Dagaal Beeleed Ka Dhacay Gobolka Sool

October, 22, 2018
Saakay waaberigii ayaa dagaal beeleed waxa uu ka ...

Dhagayso:Dowlad Goboleedyada Oo Ka Jawaabay Qoraalkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha

October, 22, 2018
Afhayeenka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Cabdullaahi Sheekh Xasan ...

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com