GGGGGG
Tuesday, December 11th, 2018
header

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Goob Joog Ka Noqday Saxiixa Heshiiska Dawladda Iyo Mucaaradka Suudaanta Koonfureed.+Sawirro

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on August 6, 2018 by   ·   No Comments

Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan uga qayb galay munaasabadda lagu saxiixay heshiiska dawladda midnimada qaran ee lagu soo af-jaray colaaddii waqtiga dheer u dhexeysay dhinacyada isku hayay siyaasadda Suudaanta Koonfureed.

Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda kale ee ka socota waddamada IGAD ayaa goob joog ka ahaa saxiixa heshiiska taariikhiga ah ee dhinacyada isku hayay siyaasadda dalka Suudaanta Koonfureed kuwaas oo dhex-dhexaadin waqti dheer qaadatay kadib isku raacay in ay dhistaan dawlad midnimo qaran oo dhinacyada dhan ay ku qanacsanyihiin.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ku ammaanay dhinacyada heshiiska saxiixay tanaasulka iyo biseylka siyaasadeed oo ay muujiyeen si ay u badbaadiyaan mawaadiniinta dalkooda, ugana qayb qaataan horumaka gobalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika, waxa uuna u xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’antahay nabadda, amniga iyo xasilooni siyaasadeed ee Suudaanta Koonfureed.

“Xaaladda murugeysan ee dalkiinna da’da yar ma qeexayso mustaqbalkiinna, waxa aan idiin xaqiininayaa in laga guuleysanayo dhibaatada jirta. Waxyaabaha wanaagsan ee labaddenna dal ay wadaagaan ayaa ah in aan leennahay khayraad dabiici ah oo dahan iyo bulsho ku wanaagsan hal abuurka ganacsi”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

“Sida ku cad war-bixintii dawladaha daciifka ah ee soo baxday 2017, Suudaanta Koonfureed iyo Soomaaliya ayaa ahaa laba dawladood ee ugu daciifsan dunida, casharro adag ayaan ka barannay iyo in ay muhiim tahay in aan u tanaasulno dadkeenna, tanaasulku ma aha astaan muujineya in aan liidanno ee waxa ay muujineyssa awoodenna iyo fahamka mustaqbalka” ayuu Ra’iisul wasaaruhu raaciyay hadalkiisa.

“In aan garannay xalka mushaakilaadkeenna kaliya ma saameyneyso horumarkeenna ee waxa ay saameyn ku leedahay deriskeenna iyo gobalka oo dhan, waana arintaas sababta aan idinkugu dhiirri gelinayno in aadan gadaal fiirina ee aad sawirataan mustaqbalka adinka oo u danaynaya dadkiinna. Sida dib u soo kabashada Soomaaliya oo kale, badbaadinta Suudaanta Koonfureed waxa ay farxad gelineysaa dadaalka qaaradda Afrika. Waxa aan idiin xaqiijinayaa in Soomaaliya ay ka go’antahay in Suudaanta Koonfureed ay hesho nabad, ammaan iyo xasilooni waarta”, ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre ku sheegay khudbadda uu ka jeediyay munaasabadda lagu saxiixayay heshiiska xalka looga gaaray colaadii Suudaanta Koonfureed.

Heshiiska oo dhaqan-gelintiisa ay dusha kala soconeyso IGAD ayaa ogolaanaya in Riek Machar oo ahaa hogaamiyaha mucaaradka uu noqdo madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee dawladda midnimada qaran.

Mudda sedax bilood ah ayaa loo qorsheeyay in dhinacyada saxiixay heshiiska ay kusoo dhistaan dawladda wadaagga ah oo talada dalka hayn doonta muddada sedaxda sano ah ee soo socota

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Kulan Xasaasi Ah Oo U Socdo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Iyo Kan Aqalka Sare

December, 11, 2018
War Goordhow soo dhacay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha ...

Xoghaye Buux”Mooshinkii Laga Keenay Farmaajo Wuu Buray

December, 11, 2018
Xoghayaha Golaha Shacabka Cabdi Kariin Buux ayaa xaqiijiyay ...

Duqa Muqdisho oo Xarunta D/Hoose ku qaabilay Safiirka Cusub ee Turkiga (SAWIRRO)

December, 11, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan ...

DEGD EG: Kulan ka socda Xarunta Villa Hargeysa ee Golaha Shacabka

December, 11, 2018
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ...

Dowladda Somaliya oo Shati siinaysa Kalluumaysato Ajnabi ah

December, 11, 2018
Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta ay markii ...

Taliye Indha-Qarshe Oo Shaaca Ka Qaaday Ciidanka Kaliya Ee Qabiilka Ka Maran.

December, 11, 2018
Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Jeneraal Daahir Aadan Cilmi ...

DEG DEG: Mooshinkii xilka qaadista Madaxweyne Farmaajo oo jabay

December, 11, 2018
Mooshinkii Hindisaha Xil ka qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...

Camey oo ka laabtay Dacwad uu kusoo oogay Gaas

December, 11, 2018
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar ...

Siyaasi Salaad Cali Jeelle Oo Shaaciyay Halka Laga Soo Abaabulay Mooshinka Madaxweynaha

December, 11, 2018
Maalin ka hor ayay aheyd markii Xildhibaano ka ...

Dacwad u dhaxeysa Gaas iyo Camey oo Garowe ka furmaysa

December, 11, 2018
Maxkamada sare ee Puntland ayaa maanta qaadaysa dacwad ...

Maqaallo