GGGGGG
Wednesday, November 14th, 2018
header

Madaxweyne Donald Trump ayaa qirtay in wiilkiisa uu la kulmay Ruushka

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on August 6, 2018 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markii ugu horeysay qirey in wiilkiisa Trump Jr uu la kulmay garyaqaan Ruush ah si uu “xog uga helo qof lid ku ah”, balse waxa uu ku adkaysanayaa in kulankaas uu ahaa mid sharci ah.

Waa hadalkii ugu toosnaa ee arrimahan ku saabsan ee laga hayo Trump.

Baaraha gaarka ah Robert Mueller ayaa baaraya warbixin hay’adaha sirdoonka Maraykanka ay heleen oo ku saabsan faragalin Ruushka ay ku sameeyeen doorashadii Maraykanka 2016-kii, taas oo loogu xaglinayay Trump.

Madaxweynaha ayaase beeniyay in ay jireen waxyaabo laga wada shaqeeyay.

Dowladda Ruushka ayaa sidoo kale si is daba joog ah u beenisay in ay faragaliyeen doorashooyinka Maraykanka.

Maalintii axadda ayay warbaahinta kala duwan ee CNN, Washington Post iyo wakaalada wararka ee AP waxa ay baahiyeen in Trump uu ka walwalsanyahay in wiilkiisa laga yaabo in uu galay dhibaato xagga sharciga ah, kadib kulankii uu la yeeshay dad Ruushka ka socda. Warbaahinta ayaa soo xiganayay illo wareedyo kala duwan.

Balse Trump ayaa ku jawaabay “Warbaahinta been abuur ayay baahinayaan, waa wax aan sal iyo raad lahayn, in aan aniga ka walwalsanahay kulanka wiilkeyga qaaliga ah uu ku yeeshay dhismaha Trump Tower, kulanka wuxuu ahaa mid uu xog uga raadinayay qof mucaarad nagu ah, kulankana wuxuu ahaa mid sharciga waafaqsan”.sidaasi waxa sheegay madaxweyne Trump

Trump ayaa intaas ku daray in uusan kaba warhaynin kulanka.

Balse dhibka jira ayaa ah in hadalkan cusub uu burinayo hadaladii hore ee uu sheegay.

Markii wargeyska New York Times uu markii ugu horeysay  tabiyay kulanka, Trump waxa uu sheegay in wiilkiisa iyo garyaqaanka Ruushka ah ay ka wada hadleen arrimo la xiriira barnaamij ay dowladda joojisay oo ku saabsanaa carruur Ruushka u dhashay oo ay korsan jireen dad American ah.

Haddase waxa uu sheegay in kulanka uu ku saabsanaa musharixii la tartamaysay Hillary Clinton.

Waa wax iska caadi ah in siyaasiyiinta Maraykanka ay daraasad ku sameeyaan dadka ay siyaasadda isaga soo horjeedaan.

Balse qubarada sharciga ayaa sheegay in Trump uu ku jiro gef sharciyeed, lagana yaabo in uu ku xad gudbay sharciga mamnuucaya in dowlad shisheeye laga qaato lacag ama wax uun faa’iido u leh ololaha doorashada.

Trump ayaase sheegay in xog wax yeeleyn kartay Clinton aysan uga soo bixin kulanka, waxayna ku adkaysanayaan in kulanka uusan jabinin wax sharci ah.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

(Dhageyso)War Deg Deg ah :Wasiiru Dowlaha Amniga Jubaland oo Iska Casiley Xilkaasi

November, 13, 2018
Maxamed Cabdi Kaliil oo ahaa Labadii Sanno ee ...

Raiisal Wasaare Ku xigeenka dalka oo maanta daah furay Shirka Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka

November, 13, 2018
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) ...

Sawirro:-Wafdi Ka Socda QM Oo Gaaray Baydhabo Lana Kulmay Kusimaha Madaxweynaha KGS

November, 13, 2018
Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta ...

UK oo wali ka walaacsan dilkii Wariye Jamaal Khashoggi

November, 13, 2018
Wasiirka Arrimaha Dibadda UK Jeremy Hunt ayaa sheegay ...

Ciidanka Kenya oo toogtay haweenay Soomaali ah

November, 13, 2018
Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada ...

Khasaare ka dhashay Qarax ka dhacay Spain

November, 13, 2018
Saddex qof ayaa ku geeriyootay, saddex kalena waa ...

SAWIRO: Banaanbax ka socda Gaalkacyo

November, 13, 2018
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ...

Wararkii ugu dambeeyay Shabaab ku dagaalamay Jilib

November, 13, 2018
Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan ...

Howlgal Dad Lagu Qabtay Oo Laga Sameeyay Muqdisho

November, 13, 2018
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xalay ...

Amar lagu rogay Saldhigyadda Booliska Muqdisho

November, 13, 2018
Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo ...

Maqaallo