GGGGGG
Sunday, February 17th, 2019
header

Duqa Muqdisho “Waxaan rajeynaynaa in Ciidanka Boolisku ay ka soo dhalaalaan Masuuliyadda adag ee ku aaddan Amniga Caasimadda”+Sawirro

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on August 5, 2018 by   ·   No Comments

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb galay munaasabad ku saabsan isku dhafka ciidammada ammaanka Caasimadda, iyadoona cutubyo ka-tirsanaa Ciidanka Sirdoonka Qaranka ee NISA lagu biiriyey Taliska Booliska Soomaaliyeed ee sugaya amniga Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka iyo shacabka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay in ay kaalintooda ka qaataan ilaalinta ammaanka iyo xasilloonida, taas oo horseedday in laga hortago falal arxan darro ah oo ay maleegayeen argagixisadu, gacantana lagu soo dhigo dhagar-qabeyaal khatar ku ahaa nolasha shacabka.

“Booliska Soomaaliyeed waxa ay ku tilmaaman yihiin shaqo hufnaan iyo in ay saaxiib dhow la yihiin bulshada. Waxaan rajeynaynaa in ay ka soo dhalaalaan shaqada adag ee loo igmaday, taas oo ay indhaha ku hayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.”

Eng.Yarisow ayaa kula dardaarmay ciidanka amniga caasimadda in ay mudnaanta siiyaan sidii ay ugu fududeyn lahaayeen bulshada isu-socodka, uguna dulqaadi lahaayeen caqabad kasta oo culeys ku keeni karta nolashooda iyadoona la gudanayo waajibaadka kale ee la xiriira ammaanka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka ayaa ku bogaadiyey Taliska Booliska Soomaaliyeed dadaallada joogta ah ee ay ku xaqiijinayaan amniga bulshada, dib-u-habeynta iyo tayeynta Ciidanka Booliska oo horseedaysa horumar deg deg ah oo laga gaaro ammaanka guud ee dalka.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Amar la dul-dhigay Maareeyayaasha Garoomada Diyaaradaha Hir-Shabeelle

February, 17, 2019
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ...

Xarun waxbarasho lacag la’aan ah oo laga hirgeliyay deegaan waqooyi bari ka xiga Gaalkacyo

February, 17, 2019
Dugsigaan Hoose Dhexe oo ah mid loogu talagalay ...

Dowladda Kenya Oo Sheegtay Inay Soomaaliya Tahay Dal Caddow Ku Ah

February, 17, 2019
Dowladda Kenya waxay sheegtay in dalka Soomaaliya oo ...

Baarlamaanka Puntland Oo Maanta Kulan Yeelanaya

February, 17, 2019
Golaha Wakiilada maamulka Puntland ayaa manta kulan kul ...

Puntland Oo Sheegtay Inay Ka Hortageyn Weeraro Ka Dhan Ah Al-Shabaab

February, 17, 2019
Ciidamada amniga maamulka  Puntland ee PSF ayaa howlgal ...

Maamulka degmada Qoryooley oo faah faahiyay dagaalkii ka dhacay degmadaas

February, 17, 2019
Xalay fiidkii ayay aheyd markii degmada Qoryooley ee ...

Saraakiisha xoogga oo sheegay inay howlgal ku dileen Sarkaal ka tirsan Shabaab

February, 17, 2019
Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay saacadihii la ...

Al-Shabaab oo xalay weeraray degmada Qoryooleey & dagaal ka dhacay

February, 17, 2019
Wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooley ee Gobolka ...

Kenya oo xiriirka Diplamaasi u jartay Soomaaliya

February, 17, 2019
Dowladda Kenya ayaa  ku dhawaaqday in ay xiriirka ...

SONSA OO KU BAAQDAY IN LAGA CAFIYO DEEMAHA LAGU LEEYAHAY DALKA SOOMAALIYA

February, 16, 2019
: Dallada Bulshadda Rayidka ee SONSA oo horay ...

Maqaallo