GGGGGG
Sunday, February 17th, 2019
header

AKHRISO: Maxaa dhaliyay Jahwareerka ka taagan magaalada Jigjiga?

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on August 4, 2018 by   ·   No Comments

Xiisada ka taagan magaalada Jigjiga ayaa salka ku heysa xiriir xumo u dhaxeysa Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo dowladda Federaalka Ethiopia, waxaana ay keentay in ciidamo ka tirsan Meletariga dowladda Ethiopia gudaha u galaan magaalada Jigjiga.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Federaalka Itoobiya oo ku hubeysan gaadiidka gaashaaman ayaa la wareegay xarumaha muhiimka sida xarunta Baarlamaanka iyo Xarunta Telefishinka ESTV.

Dadka ayaa Mudaaharaadyo dhigaya, waxayna Gubeen Calanka Dalka Ethiopia iyo Kaniisad ku taalay magaaladaasi, sida dadka degaanka ay xaqiijiyeen

Qaar kamid ah wasiiradda maamulkaasi iyo Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay inay ka xumaadeen waxa saaka dhacay, waxayna ugu baaqeen shacabka inay difaacaan degaankooda.

Wararka dheeriga ah ee aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa looga yeeray magaalada Addis Ababa, lama oga ilaa iyo hadda halka uu ku sugan yahay, waxaa soo baxaya in la xiray madaxweynaha, walow aan la xaqiijin wali.

Cabsi xoogan ayaa ka taagan magaalada Jigjiga, waxaana la arkayaa ciidamo badan oo ka tirsan Liyuu boolis, kuwaasi oo tababar gaar ah qaba oo magaalada Joogo, waxaana laga baqayaa inay xaaladda is badasho.

Xiisada ka jirta Jigjiga ayaa timid, maalin kaddib markii magaalada Diri-dhaba uu ka dhacay shir ay isugu yimaadeen dhinacyo ka soo horjeeda Maamulka uu hoggaamiyo Cabdi Maxamuud Cumar

Mucaaradka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku baaqay shacabka inay is-dejiyaan islamarkaasna ay ilaaliyaan nabadgelyada.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen hoggaamiye dhaqameedyada ay inay ka shaqeeyaan xasiloonida iyo xallinta dhibaatooyinka soo food saaro shacabka.

Mucaaradka ayaa sidoo kale sheegay inay ku faraxsan yihiin in miltariga ay soo farageliyaan maamulka Soomaalida.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Amar la dul-dhigay Maareeyayaasha Garoomada Diyaaradaha Hir-Shabeelle

February, 17, 2019
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ...

Xarun waxbarasho lacag la’aan ah oo laga hirgeliyay deegaan waqooyi bari ka xiga Gaalkacyo

February, 17, 2019
Dugsigaan Hoose Dhexe oo ah mid loogu talagalay ...

Dowladda Kenya Oo Sheegtay Inay Soomaaliya Tahay Dal Caddow Ku Ah

February, 17, 2019
Dowladda Kenya waxay sheegtay in dalka Soomaaliya oo ...

Baarlamaanka Puntland Oo Maanta Kulan Yeelanaya

February, 17, 2019
Golaha Wakiilada maamulka Puntland ayaa manta kulan kul ...

Puntland Oo Sheegtay Inay Ka Hortageyn Weeraro Ka Dhan Ah Al-Shabaab

February, 17, 2019
Ciidamada amniga maamulka  Puntland ee PSF ayaa howlgal ...

Maamulka degmada Qoryooley oo faah faahiyay dagaalkii ka dhacay degmadaas

February, 17, 2019
Xalay fiidkii ayay aheyd markii degmada Qoryooley ee ...

Saraakiisha xoogga oo sheegay inay howlgal ku dileen Sarkaal ka tirsan Shabaab

February, 17, 2019
Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay saacadihii la ...

Al-Shabaab oo xalay weeraray degmada Qoryooleey & dagaal ka dhacay

February, 17, 2019
Wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooley ee Gobolka ...

Kenya oo xiriirka Diplamaasi u jartay Soomaaliya

February, 17, 2019
Dowladda Kenya ayaa  ku dhawaaqday in ay xiriirka ...

SONSA OO KU BAAQDAY IN LAGA CAFIYO DEEMAHA LAGU LEEYAHAY DALKA SOOMAALIYA

February, 16, 2019
: Dallada Bulshadda Rayidka ee SONSA oo horay ...

Maqaallo