GGGGGG
Thursday, November 15th, 2018
header

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlay arrinta Jabuuti

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on August 2, 2018 by   ·   No Comments

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka waxa uu ka kaga hadlay arrinta Jabuuti ee la xiriirtay inay walaac ka muujisay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ka sheegay Asmara ee ahaa in cunaqabteynta laga qaado Eritrea.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in aysan marnaba ilaawi karin abaalka wanaagsan ee ay dowladda ka heshay dowladda Jabuuti oo ciidankeeda ay joogaan Soomaaliya.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waa tallaabo dhanka fiican loo qaaday haddii dowladda Soomaaliya ay hagaajineyso cilaaqaadka aan la leennahay dowladaha iyo shucuubta gobolka.

Hase yeeshe, shacabka iyo dowladda reer Jabuuti waxay naga mudan yihiin in aan dhowrno oo aan ugu hiillinno jiritaanka dalkooda iyo dowladnimadooda, suurtagal nagama aha in ay nala sahlanaato dhammaanshaha dhulka reer Jabuuti iyo geesiyaasha wali dagaalka lagu la’yahay, waxay naga mudan yihiin inaan ugu hiillinno sidii ay noogu hiilliyeen oo ay waligood noo garab taagnaayeen oo ay ugu dambeysay ragga iyo gabdhaha Hiil Walaal ee naftooda Soomaaliya u huray, dadnimada iyo damiirkuba waxay noo tilmaamayaan inaan laga abaal dhicin.

Bani’aadamka hadiyad uu bixiyo waxaa ugu qaalisan nafta, Reer Jabuuti xoog iyo xoolo kaliya naguma garab istaagin ee naf iyo dhiig ayey noo hureen.

Madaxdeennu ma isweydiyeen meeqa caruur ah ayaa aabbayaashood ku waayay Soomaaliya, sidoo kale meeqa Marwo ayaa seygii ay jeclaayeen ku waayay Soomaaliya ama meeq Hooyo ayaa wiilashii ay jeclaayeen ku waayay u hiillinta jiritaanka Soomaaliya.

Haddaba, Madaxda dalkeenna waxaan ugu baaqayaa iney dib u eegis dhab ah ku sammeeyaan Mowqifka ay ka qaateen arrimaha u dhaxeeya Jabuuti iyo Ereteriya.

Walaalaha reer Jabuutine waxaan leeyahay:-

“HIIL WALAAL MA HUNGOOBO”

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

War-Dag-Dag-ah-Dagaal Khasaare Gaystay oo ka dhacay Kaxandhaale

November, 14, 2018
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaayo weerar ...

Ku dhawaad 50 qof oo ku dhimatay dabka ka Socda California

November, 14, 2018
Boqolaal ka mid ah shaqaalaha dabdamiska Mareykanka ayaa ...

Dhageyso: Al-shabaab oo shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo is-miidaamiye isku Qarxiyey Hotel Saxafi

November, 14, 2018
Warbaahinta kooxda Al-shabaab ayaa baahisay warbixin ku saabsan ...

Guddigii Dabagalka Qaramada Midoobey ee Somaliya iyo Eritrea oo la kala diray

November, 14, 2018
Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kala diray ...

Maxaa ka cusub Maanta doorashadda Madaxtinimadda Koonfur Galbeed?

November, 14, 2018
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Caasimadda ...

Dowlada Eritrea oo Maanta lagu wado in cunaqabateynta hubka laga qaado.

November, 14, 2018
Golaha amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa Maanta lagu ...

Askar ka tirsan Puntland oo lagu dilay Boosaaso.

November, 14, 2018
Wararka ka imaanaya Magalada Boosaaso ee  Gobolka Bari ...

Wasiiru Dowladaha Arimaha dibada oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobe.

November, 14, 2018
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane ...

Gaadiid badan oo ku xayiran Shabeelaha Hoose.

November, 14, 2018
Ku dhawaad 300 oo gaadiidka Xamuulka ah ayaa ...

Golaha Shacabka oo maanta Cod u qaadaya ku noqoshada Miisaaniyadda

November, 14, 2018
Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta kulan ka ...

Maqaallo