GGGGGG
Tuesday, December 11th, 2018
header

Faalo Garwaqsiga Dowlada Soomaliya Ee Raas Dumeera

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on August 2, 2018 by   ·   No Comments

Aqoonyahanada soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyey cabashada dowlada Jabuuti ee hadaladii Madaxweyne Farmaajo uu uga dhawaaqey Magaaladda Asmara ee dalka Eretria; xili uu ku  joogey booqasho rasmi ah, isaga oo sheegay in ay codsanayaan in laga qaado xayiraadda caalamiga ah saaran dalka Ereteria tan iyo sanadkii 2009;  taas oo ay dadaal dheer u gashay dowlada Jabuuti in lagu takooro dalkan iyada oo ay caawinayaan diblomaasiyiin Soomaali iyo Itoobiyaan ah, madaxweyne Farmaajo ayaan marnaba soo hadal qaadin khilaafka xuduudeed ee Raas Dumeera[1] ee kala dhexeeya dalka Jabuuti xitaa madaxweynuhu  kumabogaadin labada dal in ay ku dhameeyaan khilaafka qaab nabadeed.

Haddaba  waa Maxay Khilaafka labada dal ee dhinaca xuduuda Raas Dumeera kaas oo sababay khasaaro nafeed iyo hantiyeed,

Khilaafka Raas Dumeera waxa uu soo shaac baxay ka hor xornimadii labada dal xilli uu joogeen gumeystayaashii Ingiriiska , Talyaaniga

iyo faransiiska ee iskaga dambeeyey Maamulka dhulweynahii Soomaaliyeed ee xuduudda la lahaa Dalka Ereteria gaar ahaan aagga Raas Dumeera

Heshiiskii  xudduudda  (Boundary Agreement) oo dhacay1900 ayaa si cad u qeexay in Raas Dumeera ay tahay dhul ka tirsan Somaalida faransiisku Maamulo ee xeebta Jabuuti, oo kaddib xorriyaddii  noqday Jamhuuriyadda Jibuuti January 1935-kii, heshiis ay kala saxiixdeen Dowladaha Italy iyo

France (Frenco-Italian Agreement) ayaa qeyb ka mid ah dhulka Somaalida Faransiisku Maamulo waxa uu ku daray xudduudka dhulalka uu ka taliyo Talyaaniga oo  ay ku jiray dalka Eritrea.

Dowladda  Ereteria ayaa waxa ay April 1996-kii gudaha u gashay qiyaastii  7km xuduuda Ras Doumeira halkaas oo ay iska caabin kala kulantay ciidanka Dalka Jabuuti sidaas oo kale dagaal dhexmaray Jabuuti iyo Erateriya oo socday 10-13 bishii April-2008 ayaa waxa ku dhintay qiyaastii 44 Askari oo Jabuutiyaan ah waxaana ku dhaawacmay khiyaastii 55 Askari, halka dalka Erateria ay uga dhinteen khiyaastii 100 Askari

Dowlada Ereteriya ayaa illaa hadda inkirsan ama diiddan jiritaanka iyo haysashada maxaabiis tiradoodu tahay 19 Jabuutiyaan ah oo shacab iyo iskugu jira Qaraarkii Golaha Amaanka QM ee ee tirsigiisu ahaa 1862 oo soo baxay January 14, 2009 ayaa ugu baaqey labada dal in ay ku dhameeyaan Khilaafkooda hab  nabadeed , sidaas oo kalana waxa uu qaraarkaasi ku waajibiyey dowlada Ereteria in ay ka baxdo dhulalka dalka Jabuuti.

Unug ka tirsan ciidanka Ereteria ee ku sugan dhulka lagu muransan yahay ee Jibuuti iyo Erateriya 23-December 2009, Golaha Amaanka QM ayaa ku soo rogay Erateriya cunaqabateyn kadib markii lagu eedeeyey  3; arrimood oo culus, kuwaas oo kala ahaa kaalmeynta kooxo dhib ka wada soomaaliya

hay’sashada iyo ka bixid la’aanta dhulka Jibuuti fulin iyo u hogaansanaan la’aanta  Qaraarkii Golaha Amaanka QM ee tirsigiisu ahaa 1862

Billowgii bishii June 2010, dowladaha Djibouti iyo Eriteriya ayaa ku heshiiyey in ay aqbalaan dhexdhexaanta dalka Qatar; dhexdhexaadintaas waxa  taageeray Midawga Afrika.

March-2016, Dowlada Ereteria ayaa sii deysay 4 maxbuus oo Jabuutiyaan ah, kuwaas oo ay ku qabsatay dagaalkii 2008.

Kadib Khilaafkii dowladaha Khaliijka ee lagu go’doomiyey dowlwadda Qatar,

waxa ay Qatar ciidamadeedii kala baxday dhulalkii ay ku wareejiyeen labada dal iyada oo aan wax digniin ah siin dalka Jabuuti taas oo keentay in dowlada Eritrea ay si fudud ku qabsato qeybo ka mid ah  aagga dumeera iyo Jaziiirada Dumeera, waxa jirtay digniin iyo fulin isku mar ah oo ay Qatar gaarsiiyey Jibuuti taas oo ka dhignayd in Qatar ka jawaabeyso go’aanka Jibuuti ee ku wajahan khilaafka

waddamada Khiliijka Ciidanka Qatar ee laga saaray dhulka u dhexeeya Ereteriya iyo Jibuuti.

Haddaba hadii dowladda Soomaaliyeed ku guul-dareysato dib u soocelinta dhulka NFD ee Kenya haysato iyo Soomaali galbeed oo Itoobiya haysato waxaa guul-darro kale ah in xeebta Jibuuti oo maanta ah jamhuuriyadda Jibuuti oo haysata taageero caalami ah iyo dood qaanuuni ah oo ay QM qayb ka tahay in ay weyso garabka iyo taageerada Soomaaliya si ay u difaacato dhulweynaha Raas Dumeera iyo JaziiraddaDumeera.

Maxaa la gudboon Hoggaanka Soomaaliya?

Khilaafkii ka dhashay go’aankii ay waddamada khiliijku ku go’doomiyeen Qatar, waxa uu sababay in Jibuuti hoos u dhigto xiriirka ay la leedahay Qatar, sidaas oo kalana ay taageerto go’aanka ka dhanka Qatar, kaddibna Qatar iyada oo ka aargudaneysa Jibuuti waxa ay labaxday ciidankeedii joogay xadka labada dale e Jibuuti iyo Errateriya,

iyada oo aan wax digniin iyo ogeysiis ah siin Jibuuti, taasina waxa ay sababtay in ciidanka Ereteria isaga oo ka faa’iideysanaya tallaabada Qatar uu soo galo oo qabsado dhulkii lagu aaminay Qatar.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed; waxa la gudboonayd in uu qaado

3; tallaabo middood

In uu qaato kaalin nabad raadin ah jeediyana Baaq ku wajahan labada dal oo ku saabsan dhammeynta muranka xudduudda ee u dhexeeya iyada oo la marayo hab wadahadal In uu taageero Qaraarka QM ee cunaqabateynta caalamiga ah saaray Errateriya, qaraarkaas oo faraya in  Errateriya ka baxdo aagga Raas Dumeera In dhulka ka maqan Jibuuti lagu taageero cudud, Af iyo niyad-dhisba Tallaabada uu madaxweyne Farmaajo qaaday ee ku wajahan dhawaaqa  in Ereteria laga qaado cunaqabateynta caalamiga ah waxa ay dabada ku wadataa luminta saaxiibbo muhiimka oo gobolka iyo qaaraddaba ku sugan, waxaana suuragal ah in sababtu tahay la taliyeyaasha madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka qaanuunka, Xiriirka Caalamiga ah iyo siyaasadaha isdiiddan ee ku xeeran Jamhuuriyadda Soomaaliya

Erateriya waxa ay dagaal la gashay inta badan waddamada deriska la ah sida Jibuuti, Itoobiya iyo Yamen iyo Suudaan, taas oo ka dhigan in ay ku sugan tahay xaalad go’doomin ah waxa ay u baahan tahay saaxiib iyo jaal wanaagsan oo ka soo bixiya mashaakilka ka haysta xiriirka dibadda,

Haddaba dowladda Soomaaliyeed waxa ay u baahantay la taliyeyaal waaya-arag iyo aqoon yahan adag ah oo si deggan u wajaha danaha iyo muranada isku dhex miliqsan ee gobolka iyo caalamka si aan hoggaanka Soomaaliyeed ugu hafan mowjadda xiriirka caalamka una lumin dan ama maslaxad Soomaaliyeed oo ay raadinteedu adkaan doonto.

Jibuuti waxa ay soosaartay qoraal welwel badan ka muujiyey hadalka madaxweynaha Soomaaliya ee ku wajahan in cunaqabateynta caalamiga ah laga qaado Erateriya.

Readers Comments (0)




Wararkii ugu dambeeyay

Kulan Xasaasi Ah Oo U Socdo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Iyo Kan Aqalka Sare

December, 11, 2018
War Goordhow soo dhacay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha ...

Xoghaye Buux”Mooshinkii Laga Keenay Farmaajo Wuu Buray

December, 11, 2018
Xoghayaha Golaha Shacabka Cabdi Kariin Buux ayaa xaqiijiyay ...

Duqa Muqdisho oo Xarunta D/Hoose ku qaabilay Safiirka Cusub ee Turkiga (SAWIRRO)

December, 11, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan ...

DEGD EG: Kulan ka socda Xarunta Villa Hargeysa ee Golaha Shacabka

December, 11, 2018
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ...

Dowladda Somaliya oo Shati siinaysa Kalluumaysato Ajnabi ah

December, 11, 2018
Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta ay markii ...

Taliye Indha-Qarshe Oo Shaaca Ka Qaaday Ciidanka Kaliya Ee Qabiilka Ka Maran.

December, 11, 2018
Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Jeneraal Daahir Aadan Cilmi ...

DEG DEG: Mooshinkii xilka qaadista Madaxweyne Farmaajo oo jabay

December, 11, 2018
Mooshinkii Hindisaha Xil ka qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...

Camey oo ka laabtay Dacwad uu kusoo oogay Gaas

December, 11, 2018
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar ...

Siyaasi Salaad Cali Jeelle Oo Shaaciyay Halka Laga Soo Abaabulay Mooshinka Madaxweynaha

December, 11, 2018
Maalin ka hor ayay aheyd markii Xildhibaano ka ...

Dacwad u dhaxeysa Gaas iyo Camey oo Garowe ka furmaysa

December, 11, 2018
Maxkamada sare ee Puntland ayaa maanta qaadaysa dacwad ...

Maqaallo

Kulan Xasaasi Ah Oo U Socdo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Iyo Kan Aqalka Sare

December, 11, 2018
War Goordhow soo dhacay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha ...

Xoghaye Buux”Mooshinkii Laga Keenay Farmaajo Wuu Buray

December, 11, 2018
Xoghayaha Golaha Shacabka Cabdi Kariin Buux ayaa xaqiijiyay ...

Duqa Muqdisho oo Xarunta D/Hoose ku qaabilay Safiirka Cusub ee Turkiga (SAWIRRO)

December, 11, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan ...

DEGD EG: Kulan ka socda Xarunta Villa Hargeysa ee Golaha Shacabka

December, 11, 2018
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ...

Dowladda Somaliya oo Shati siinaysa Kalluumaysato Ajnabi ah

December, 11, 2018
Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta ay markii ...

Taliye Indha-Qarshe Oo Shaaca Ka Qaaday Ciidanka Kaliya Ee Qabiilka Ka Maran.

December, 11, 2018
Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Jeneraal Daahir Aadan Cilmi ...

DEG DEG: Mooshinkii xilka qaadista Madaxweyne Farmaajo oo jabay

December, 11, 2018
Mooshinkii Hindisaha Xil ka qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ...

Camey oo ka laabtay Dacwad uu kusoo oogay Gaas

December, 11, 2018
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar ...

Siyaasi Salaad Cali Jeelle Oo Shaaciyay Halka Laga Soo Abaabulay Mooshinka Madaxweynaha

December, 11, 2018
Maalin ka hor ayay aheyd markii Xildhibaano ka ...

Dacwad u dhaxeysa Gaas iyo Camey oo Garowe ka furmaysa

December, 11, 2018
Maxkamada sare ee Puntland ayaa maanta qaadaysa dacwad ...

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com