GGGGGG
Wednesday, March 20th, 2019
header

Farmaajo “DF iyo shacabka Soomaaliyeed maanta waxa ay taagan yihiin…”+SAWIRRO

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on July 30, 2018 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray goobo ay Dowladda Ereteriya ka fulisay mashaariic horumarineed ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ay maanta taagan yihiin xilligii ay la jaanqaadi lahaayeen horumarka ka socda waddamada Geeska Afrika.

Madaxweynaha iyo Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee qeybta ka ah wafdigiisa ayaa booqday goobo laga hirgeliyey warshado, biyo-xireenno, beero iyo xarumaha tamarta ileyska cadceedda ee dhaliya korontada.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in kormeerka uu Madaxweynuhu ku tagay goobaha laga fuliyey mashaariicdaas ay ka tarjumayo muhiimadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay siinayso dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga iyo wax-soo-saarka dalka.

“Ujeedka ugu weyn ee aan u kormeernay mashaariicdan ayaa ah inaan wax kala baranno oo aan eegno meelaha aan iskaashiga ka yeelan karno iyo dhinacyada ay ganacsatada labada dal maalgashi ku sameyn karaan sida wax soosaarka beeraha, ka faa’iideysiga ilaha kala duwan ee tamarta iyo warshadaha.”

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan dalkan, waxa uuna ka wareystay xaaladdooda nololeed, isagoona la wadaagay qaar ka mid ah qodobada miradhalka ah ee ka soo baxay wadahadallada u socda labada dal, kuwaasi oo ay ka mid tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay safaarad ka furan doonto dalka Ereteriya, taasi oo u adeegi doonta jaaliyadda.

Socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa dalkan Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ay ku tageen degmooyin ka baxsan magaalada Asmara waxaa ku weheliyey Wasiirro ka kala tirsan labada dowladood.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Jubbaland oo ka hortimid Go’aan kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya

March, 20, 2019
Dhawaan Wasaaradda Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya waxa ay ku ...

Dowladda oo eedeysay Ciidamada kasoo baxay furimaha dagaalka

March, 20, 2019
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya Maxamed ...

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo loogu baaqay in uu is casilo

March, 20, 2019
Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah ...

SAWIRO:-Madaxweynaha Puntland oo dhagax-dhigay Xarunta kaydka xogta Deegaanka

March, 20, 2019
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ...

Dowladda oo sheegtay in la soo qabtay madaxii maxkamadda Shabaab ee Bariire

March, 20, 2019
Sida lagu sheegay war lagu daabacay Wakaalada Wararka ...

Mid ka mid ah raggii ugu caansanaa Burcad Badeeda Soomaalida oo la dilay

March, 20, 2019
Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa waxaa ay ...

Macalin Dugsi Qur’aan oo lagu dilay Magalada Muqdisho

March, 20, 2019
Kooxo hubeysan ayaa Xaafada Buundooyinka ee degmada Waaberi ...

Mareykanka oo faah faahiyey duqeyn uu ka fuliyey Shabeellaha Hoose

March, 20, 2019
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamada ...

Dowlada Somalia oo sheegtay inay waqtigeeda ku dhaceyso doorashada Galmudug

March, 20, 2019
Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed ...

Xil Wareejin ka dhacday Madaxtooyadda Puntland

March, 20, 2019
Agaaasimaha cusub ee Madaxtooyada Puntland Mudane Maxamed Cabdiladiif ...

Maqaallo