GGGGGG
Sunday, April 21st, 2019
header

Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in colaada Tukaraq lagu bedelo xasilooni

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on July 30, 2018 by   ·   No Comments

 Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Garowe ee xarunta dawlad gobaleedka Puntland ayaa hoolka Jaamacadda Bariga Afrika kula hadlay bulshada qeybaheeda kala duwan, waxa uuna ku baaqay in Colaadda ka taagan deegaanka Tukaraq lagu bedelo Xasilooni, horumar iyo midnimo.

“Aafada cusub ee dagaalka Tukaraq ee nahor taallaa waa in lagu bedelaa xasilooni, waa in lagu bedelaa horumar waa in lagu bedelaa midnimo, Midnimada Ummadda Soomaaliyeed waa Muqaddas, dadka Soomaaliyeedd meel kala aadimaayaan hadii ay wax kala tabanayaan waa in ay isu yimaadaan, hadii aad tahay Dhalinyaro Haween iyo Culimo, qof waliba oo Soomaaliyeed waa in uu aqbalaa dhib waxaa noogu filan 30-kii sano ee lasoo dhaafay”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre.

Dhalinyada Soomaaaliyeed ayuu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre in ay yihiin Raasumalka, hogaamiyaashii Mustaqbalka, Maskaxda, indhaha, gacmaha, dhegaha iyo xoogga dalka sidaa darteed looga baahanyahay in ay noqdaaan Tabiliiqa cusub ee nabadeynta, dawladnimada iyo hogaanka dib-u-heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed si loo nooleeyo midnimada.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka aqoon badanyihiin, ka hanti badanyihiin, ka fursad fiican yihiin dhalinyaradii xornimada dhalisay ee SYL, sidaa darteed looga baahan yahay in ay taariikhda dalka baal dahab ah ka galaan oo ay dalkooda u shaqeeyaan.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa khubadiisa ku soo hadal qaaday horumarka la gaaray sanadkii iyo barkii xukuummadu jirtay isaga oo hoosta ka xariiqay in dhaqaalaha dalku kobcay, wax soo saarka guduhu (GDP) horumar sameeyay, awoodda wax iibsigu ay sare u kacay, dawladdu ay ku guuleysatay bixinta mushaarka, sicir bararku hoos u dhacay iyo in xaddiga faqrigu hoos u dhacay.

Waxa uu Ra’iisul Wasaare Khayre khudbadiisa ku sheegay inay muhiim tahay in la helo Ciidan Soomaaliyeed oo Sharafta iyo karaamaha ummadda soo celiya, ka qayb qaata la dagaalanka musuq maasuqa iyo in la helo nidaam cadaladeed dhamaystiran, lagu kalsoonaan karo, bulshadana kala haga.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Wararkii u dambeeyey Dab ka kacay Bakhaar lagu keydiyo hubka Ciidamada Galmudug

April, 21, 2019
Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya dab khasaaro ...

SAWIRO:- In ka badan 100 ruux oo ku dhintay qaraxyo ka dhacay dalka Sri Lanka

April, 21, 2019
Qaraxyadaas oo gaaraya ilaa Lix ayaa ahaa kuwo ...

Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Sheegay In Dowladda Aysan Adeegsan Wax Awood Ah

April, 21, 2019
Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ...

DEG DEG:-Dab ka kacay Bakhaar hubka lagu keydiyo oo ku yaalla gobolka Mudug

April, 21, 2019
Wararka lag helayo deegaanka Docol ee Gobolka Mudug ...

Askar ku geeriyootay qaraxyo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

April, 21, 2019
Waxaa faah faahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan ...

Dowladda oo shaacisay Jadwalka Imtixaanka Maadooyinka dugsiga Sare

April, 21, 2019
Wasaaradda waxbarashadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay Jadwalka maadooyinka ...

Mareykanka oo duqeyn cusub ka fuliyey deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Hoose

April, 21, 2019
Taliska Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in Maraykanku uu ...

Aqalka Sare oo soo farageliyey khilaafka Wasaaradda Waxbarshada Somalia iyo Puntland

April, 21, 2019
Xubno ka tirsan aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ...

Dowladda oo sheegtay in si deg deg ah loo dhameysytirayo Dastuurka dalka

April, 20, 2019
Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ...

Wararkii ugu dambeeyay Kulamo Nairobi uga socda Madaxda maamul goboleedyadda

April, 20, 2019
Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya waxaa ka ...

Maqaallo