GGGGGG
Tuesday, September 25th, 2018
header

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay cunaqabateynta saaran Ereteriya

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on July 29, 2018 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo ka hadlay booqashadiisa dalka Ereteriya ayaa waxa uu sheegay booqashadani inay tahay mid labada qaranba taariikhda u gelaysa.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya wada hadalada uu la yeeshay Madaxweyne Esias Afwerki in ay diirada ku saareen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal oo aan keliya taariikh aheyn.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay inuu ku kalsoon yahay in booqashadan taariikhiga ah ay ka dhalan doonto horumar iyo barwaaqo, oo labada qaranba dan u ah.

“Wada hadal mira-dhal ah oo aan la yeeshay mudane Madaxweyne Esias Afwerki, waxaan diiradda saarnay sidii aan u xoojin lahayn xiriirka aannu wadaagno labadayada waddan oo aan keliya taariikhi ahayn, balse lagamamaarmaan u ah mustaqbalka ifaya ee aannu wada dhisi doonno.” Ayuu yiri Farmajo.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Labadayaduba waxa aannu ogsoonnahay in mustaqbalkayagu uu isku xiran yahay, maaddaama aannu nahay labo waddan oo walaalo ah, isku gobolna ah, waxa aannu sidoo kale ku heshiinney inaan xoojinno iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarka gobolka”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ku baaqay in gebi ahaanba cunaqabaynta iyo xannibaadaha dhaqaale laga qaado dadka reer Ereteriya si loo helo isdhexgel dhaqaale oo ka dhaca gobolka, loona gaaro heshiisyo suurtagelinaya ganacsi xor ah, kaasi oo fududeyn doona isu-socodka dadka iyo badeecadaha.

Dawladda Soomaaliya ayaa waxa ay soo dhaweysay heshiiskii nabadeed ee dhawaan dhexmaray Ereteriya iyo Itoobiya, iyada oo hubaal ay tahay in gebi ahaanba Geeska Afrika uu ka faa’idi doono waagan cusub ee ku astaysan nabadda, saaxiibtinnimada iyo wadajirka gobolka.

Readers Comments (0)




Wararkii ugu dambeeyay

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Kulamo La Qaadanaya Madax Ka Socota Caalamka

September, 24, 2018
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ...

Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya Oo Maanta Si Kulul Uga Dooday Dilkii Axmed Dwalo

September, 24, 2018
Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta dood kulul waxa ...

Guddigii Aqalka Sare Usoo Diray Gal-mudug Oo Maanta wareejiyey Xogtii Ay Aruuriyeen

September, 24, 2018
Guddoonka Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ...

Shir Looga Hadlayey la Dagaallanka Arrimaha Xagjirnimada Oo Muqdisho Lagu Qabtay

September, 24, 2018
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ...

Dhageyso:- Xildhibaano Doonaya In La’ sii Daayo dadkii Ka Dambeeyey Dilkii Axmed dawlo

September, 24, 2018
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa ...

Akhriso:- Madaxweyne Gaas Oo Guddoomiye Cusub U Magacaabay Gobolka Nugaal

September, 24, 2018
Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ...

GUDOOMIYIHII GOBALKA NUUGAAL OO XILKII LAGA XAYUUBIYAY

September, 24, 2018
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ...

Shaqo Joojin Lagu Sameeyey Xog-hayihii Joogtada Ahaa Ee Wasaaradda Batroolka XFS Maxay Tahay Sababtu?

September, 24, 2018
Wasiirka Wasaaaradda Batroolka xukuumadda Fidraalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid ...

AKHRISO: Wasiir Maareeye Oo Magacaabay Xoghayaha Joogtada Ah Ee Wasaaradda Ganacsiga

September, 24, 2018
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir ...

Dhageyso:- KGS Oo Sara U Qaaday Adkeynta Amniga Deeganadeeda Inta Ay Ka Dhaceyso Doorashada Madaxtinimo Ee Maamulkaasi

September, 24, 2018
Xilli Bisha November Ee Soo Aadan Lagu Wado ...

Maqaallo

GUDOOMIYIHII GOBALKA NUUGAAL OO XILKII LAGA XAYUUBIYAY

September, 24, 2018
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ...

Dhageyso:- Dhacdo Ugub Ah Oo Ka Dhacday Gaalkacyo

September, 24, 2018
Waa Arrin Aan Fududeyn xal U Helideeda In ...

Xaalado Bini aadanimo oo ka taagan Deegaanka Wasil ee Gobalka Mudug

September, 24, 2018
Maamulka iyo Shacabka Deegaanka Wasil ee Gobolka Mudug ...

KENYA OO CIIDAN KA HORTAGA AL-SHABAB GEYNEYSA IJAARA

September, 24, 2018
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Ciidan ka hortaga ...

Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaaday Qoryoolay

September, 24, 2018
  Dagaal u dhexeeya  Ciidamada xoogga oo garab ka helaya ...

Taliyaha Hoggaanka Caafimaadka NISA oo xabsiga la dhigay

September, 23, 2018
  Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xabsiga la ...

WARAR SHEEGAYA CIIDAMADA SOMALILAND INEEY WEERAREEN DEEGAAN KA TIRSAN G SANAAG

September, 23, 2018
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ...

Ra’iisul Wasaare Khayre oo qaabilay Safiirka Djibouti ee Soomaaliya+Sawirro

September, 23, 2018
Muqdisho - Ra’iisul wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan ...

Mareykanka oo sheegay in duqeyn uu ku dilay 18 ka tirsan argagixisada Alshabaab

September, 23, 2018
Muqdisho –War ka soo baxay Taliska ciidamada Militariga ...

MALADHIHI KARAA WAXUU YAXYE EERSADAY QORAALKAAN(Airportka Dahabka ah ee Barawe.)

September, 22, 2018
Hala yaabin in Airport Dahab ah laga dhisayo ...

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com