GGGGGG
Thursday, January 17th, 2019
header

Maxaa laga filan karaa Shirka Brussels? (Faallo)

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on July 15, 2018 by   ·   No Comments

Shirar badan oo looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya ayaa dhowr mar lagu kala qabtay Waddano badan sida Turkiga, Ingiriiska iyo Belgium, kuwaasi oo si aad ah loogu lafaguray ajendayaal khuseeya Ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha, maalgashiga, horumarunta iyo kuwa kale, waxaana ka qeybgalayay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo Wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Midowga Yurub ayaa mar sii horreysay sheegay inay Soomaaliya ugu yaboohi doonaan dhaqaale gaaraya €89 Million oo Yuuro, oo u dhiganta ku dhowaad $105 Million oo Doollar, sida laga soo xigtay guddida Yurub.

Guddoomiyaha Midowga Yurub, Christos Stylianides ayaa bayaankan ku sheegay inay deeqdan Lacageed ugu tala galeen arrimaha Bini’aaddannimada, sida Dadka Labadii Sana ee ugu dambeeysay ku wax yeelloobay abaaraha, Fatahaadaha, Milaayiintii Qof ee ay Xoolahooda dhaafeen, iyo Dadka ay saameeyeen shaqaaqooyinka ka dhacay Dalka Soomaaliya.
“Waxaan bartilmaameedsan doonnaa Bulshada teeda nugul, waxaanan mudnaanta siin doonnaa Dadka Gacan qabashada dhabta ah, kuwa ay saamaynta ku yeesheen is beddeladii Cimmilada iyo kuwa ku waxyeelloobay shaqaaqooyinkii ka dhacay gudaha Soomaaliya” ayuu bayaankiisa ku sheegay Mr; Stylianides.

Midowga Yurub ayaa sheegay inay Soomaaliya u qoondeeyeen Sanadkii hore gargaar Lacageed oo ka badan kii hore, kaasoo gaaraya 119 Milyan Yuuro, una dhiganta 135 Milyan oo Doollar,kaasoo wax weyn ka tari doona xaaladda soo kabashada dhibaataddii ka dhalatay abaaraha, fatahaadaha iyo colaadaha.

Haddaba si loo sii ambaqaado arrintaasi iyo kuwa kaleba ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo u ambabaxay magaalada Brussels ee dalka Belgium, si uu kaga qeybqaato guddoominta shirka horumarinta Soomaaliya oo ka dhici doona magaalada Brussels 16 -17 bishan Luuliyo. Shirkani ayaa daba socda shirarkii horey uga dhacay London iyo Muqdisho oo lagu falanqeeyey amniga, siyaasadda, doorashooyinka, dhaqaalaha, arrimaha gargaarka iyo horumarinta guud ee dalka, iyadoona Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku soo bandhigi doonto arrimihii ka qabsoomay shaqooyinkii horey loo qorsheeyey iyo dejinta qorshayaasha mustaqbal.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ka warbixiyay safarka wafdiga Madaxweynaha ayaa yiri “Qeybta labaad ee shirkan waxaan kaga hadli doonnaa, wixii ka qabsoomay qorshaha amniga qaranka ee lagaga hadlay shirarkii hore iyo guulaha laga gaaray, bixitaanka ciidamada Amisom ee waqtiyeysan, horumarka laga gaarey dhaqaalaha, haddii ay noqoto deyn-cafiska oo aan horumar ka gaarnay, dakhli-ururintii iyo miisaaniyaddii oo wax badan laga qabtay.

Raiisul-wasaare ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Qeybta saddexaad waxaa lagaga hadli doonaa siyaasadda loo dhan yahay ee ku aaddan heshiiskii kheyraadka dabiiciga ah iyo sida loo qeybsanayo, nidaamka doorashooyinka, dib-u-habeyn lagu sameeyay dastuurkii oo haddana socda, iyadoona shantii cutub ee u horreeyay Golaha Wasiirrada lagu soo bandhigay Khamiistii la soo dhaafay, xeerkii doorashooyinka iyo nidaamkii doorashooyinka oo la isla qaatay, sidoo kale waxaa horumar laga gaaray shuruucdii doorashooyinka 2020-ka, xoojinta dadaallada wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha iyo fatahaadaha. Qodobbadaasi ayaa ugu muhiimsan ajandeyaasha lagu soo bandhigi doono shirka Brussels”.

Inta uu socdo shirkan Brussels waxaa sidoo kale jiri doona seddex shir-doceed oo lagaga hadli doono maalgashiga, Barakacayaasha iyo kaalinta haweenku ay ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka, iyadoona ay ka soo qeyb-gali doonaan dhammaan dhinacyada ka shaqeeya hawlahan sida ganacsatada Soomaaliyeed, maalgashato caalami ah, hey’ado iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Brussels ee Dalka Belgium, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey, waxaana halkasi ku soo dhaweeyey danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo mas’uuliyiin kale, waxaa kaloo shirkaasi ka qeybgali doonaa Maamul-goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir oo si khaas ah loogu casuumay shirkaasi.

Shirarakaani oo badnaa ayaa kan ugu dambeeyay waxa uu ka dhacay 2- bishii May ee sanadkan Magaalada London ee Cariga boqortooyada Ingiriiska, waxaana shir-guddoomiyay Raiisulwasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre, waxaana looga hadlay ammaanka Soomaaliya, tayeynta Ciidanka Soomaaliyeed iyo hanaanka ugu haboon ee ciidanka Soomaaliyeed ay ammaanka dalka ugala wareegi karaan Ciidanka AMISOM.

Haddaba maxaa laga filan karaa Shirkaan berri lagu wado inuu ka bilowdo Magaalada Brussels ee Dalka Belgium-ka?, su’aashaasi ayaan hordhigna Aqoonyahanno ku xeel dheer arrimaha Soomaaliya, kuwaasi oo arigtidooda ka dhiibtay, waxayna sheegeen in wax weyn laga filan karo waaro ayay yiraahdeen, Dowladda Soomaaliya way ka soo baxday inta badan ballamadii ay la gashay Ururada iyo Dowladaha u dhuundaloola arrimaga Soomaaliya, iyagoo tilmaamay in Soomaalida hadda wax looga qaban karo, iyana ay wax qabsan karto.

W.D: C/laahi Ruush

Readers Comments (0)




Wararkii ugu dambeeyay

Sawirro:-Dowlada Qatar Oo Soomaaliya Ugu Deeqday 68 Gawaarida Gaashaaman Ah

January, 17, 2019
Dowladda Soomlaiya ayaa Maanta dowladda Qatar kala wareegtay ...

Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Isku Raacay Iskaashi Dhinaca Amniga

January, 17, 2019
Wafddi uu hoggaaminayo wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya mudane ...

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Dil Ah Riday

January, 17, 2019
Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim  ayaa loo ...

Al-Shabaab Oo Soo Bandhigay Sababtii Ay U Weerareen Hotel Ku Yaalla Nairobi

January, 17, 2019
War ka soo baxay Xarakadda Alshabaab ayaa waxaa ...

In Ka Badan 30 Qof Oo Lagu Dilay Dalka Maali

January, 17, 2019
Dabley hubeysan oo watay mootooyin ayaa la sheegay ...

Sawirro:-Wasiir Cawad Oo Booqday Xarunta QM Ee Muqdisho15 Maalmood Kadib Weerarkii Hoobiyeyaasha

January, 17, 2019
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire ...

Golaha ammaanka oo war kasoo saaray weerarkii Nairobi

January, 17, 2019
Xubnaha golaha ammaanka QM ayaa si xooggan u ...

Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Nairobi oo kordhay

January, 17, 2019
Dowladda Kenya ayaa xaqiijiysay in ay kordheen dadka ...

Theresa May oo heshiiskeedii Brexit la diiday iyo Mooshin kalsoonida oo laga keenay

January, 16, 2019
R Raysalwasaaraha UK, Theresa May ayaa xalay guuldaro siyaasadeed ...

Daawo Sida Madaxweyne Farmaajo Loogu Soo Dhaweeyay Baydhabo

January, 16, 2019
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu ...

Maqaallo

Sawirro:-Dowlada Qatar Oo Soomaaliya Ugu Deeqday 68 Gawaarida Gaashaaman Ah

January, 17, 2019
Dowladda Soomlaiya ayaa Maanta dowladda Qatar kala wareegtay ...

Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Isku Raacay Iskaashi Dhinaca Amniga

January, 17, 2019
Wafddi uu hoggaaminayo wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya mudane ...

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Dil Ah Riday

January, 17, 2019
Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim  ayaa loo ...

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Dagaal Beeleedyada Ka Jira Gobolada Dalka

January, 17, 2019
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ...

Al-Shabaab Oo Soo Bandhigay Sababtii Ay U Weerareen Hotel Ku Yaalla Nairobi

January, 17, 2019
War ka soo baxay Xarakadda Alshabaab ayaa waxaa ...

In Ka Badan 30 Qof Oo Lagu Dilay Dalka Maali

January, 17, 2019
Dabley hubeysan oo watay mootooyin ayaa la sheegay ...

Sawirro:-Wasiir Cawad Oo Booqday Xarunta QM Ee Muqdisho15 Maalmood Kadib Weerarkii Hoobiyeyaasha

January, 17, 2019
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire ...

Golaha ammaanka oo war kasoo saaray weerarkii Nairobi

January, 17, 2019
Xubnaha golaha ammaanka QM ayaa si xooggan u ...

Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Nairobi oo kordhay

January, 17, 2019
Dowladda Kenya ayaa xaqiijiysay in ay kordheen dadka ...

Theresa May oo heshiiskeedii Brexit la diiday iyo Mooshin kalsoonida oo laga keenay

January, 16, 2019
R Raysalwasaaraha UK, Theresa May ayaa xalay guuldaro siyaasadeed ...

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com