GGGGGG
Monday, July 16th, 2018
header

Mareykanka iyo Kenya oo ka wada hadlay dagaalka Shabaab

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on July 12, 2018 by   ·   No Comments

Dowladaha Kenya iyo Mareynkanka ayaa maalintii shalay oo Arbaco ahayd ku baaqay dadaal badan oo lagu doonayo in lagu xasiliyo Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan, iyagoona sheegay in nabad-galyadu ay muhiim u tahay horumarinta dhaqaalaha.

Labadan dowladood ayaa waxa ay si gaar ah u sheegeen iney muhiim tahay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama Soomaaliya.

Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenya iyo Thomas Waldhauser, oo ah taliyaha Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa dib u cusbooneysiiyay dadaalkooda nabadda ee labada dal.

Madaxweyne Kenyatta, oo wada hadal la yeeshay Waldhauser, ayaa sheegay in xasarad siyaasadeed oo ka jirta Koonfurta Suudaan ay ka sii dartay cabsida aan loo baahneyn iyo is aaminaad la’aanta taageerayaasha Madaxweynaha Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar.

“Waxaan siin doonaa wax walba oo aan awoodno, laakiin ma ahan wax sahlan,” ayuu Kenyatta ka yiri Xaaladda Koonfurta Suudaan, sida lagu sheegay bayaan la soo saaray kaddib kullan labada Mas’uul ku dhexmaray magaalada Nairobi.

Hoggaamiyaha Kenya ayaa sheegay in Kenya ay si buuxda uga go’an tahay in la helo nabad ka dhalata Soomaaliya, taasi oo uu ku sheegay ahmiyada Koowaad ee hanaanka taageerida Kenya ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya Mr. Kenyatta ayaa sheegay in Soomaaliya hadda ka soo kabaneyso colaad sokeeye iyo caqabado siyaasadeed oo dalka ka jiray.

Waldhauser wuxuu hoosta ka xariiqay dhankiisa baahida loo qabo in Soomaaliya ay xoojiso dhismayaasha hoggaanka, isaga oo intaa ku daray in xasilooni la’aanta ay qayb ahaan sabab u tahay faragelinta aan tooska ahayn ee ka imaanaya wadamada kale, sida lagu sheegay bayaanka.

“Waxaan diyaar u nahay in aan sii wadno caawinta waddanka, illaa inta xukuumadda federaalku ay diyaar u noqoneyso inay aqbasho taageeradayda,” Ayuu yiri Waldhauser.

Dowladaha Kenya iyo Mareynkanka waxay qeyb ka yihiin dalalka sida aadka ah u daneeya arrimaha Soomaaliya kana taageera la dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish.

Readers Comments (0)




Wararkii ugu dambeeyay

Xog Farshaxan : Wax ka baro abtirka Barack Obama

July, 16, 2018
Waxaa dalka Kenya soo gaaray madaxweynihii hore ee ...

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya oo furay fadhigga 1-aad ee shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Brussels

July, 16, 2018
Brussels–Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad ...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaar kamid ah guddiyada Golaha Shacabka ku wareejiyay Xafiisyadii ay ku shaqeyn lahaayeen+Sawirro

July, 16, 2018
Muqdisho - Kusimaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoonka Golaha ...

Weer lagu dilay dad rayid ah oo ka dhacay Waqooyiga dalka Mali

July, 16, 2018
Mali- Ugu yaraan 12 qof oo rayid ah ...

Agaasimaha Hey`adda NISA oo shaqada ka joojiyay ku xigeenadiisa

July, 16, 2018
Sida ku cad warqad ka soo baxday Xafisska ...

Midowga Yurub Oo Wafdigii Axmed Madoobe Ku Qanciyey Ka Qeybgalka Shirka Brussels

July, 16, 2018
Warar goor dhow ay Goobjoog News, ka heshay ...

Shirka arrimaha Soomaaliya oo ka furmay Brussels ee dalka Belgiumka+Sawirro

July, 16, 2018
Brussels(SONNA);- Magaalada Brussels ee Xarunta dalka Belgium-ka, waxaa ...

Maxaa laga filan karaa Shirka Brussels? (Faallo)

July, 15, 2018
Shirar badan oo looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya ayaa ...

Waraysi:Xayiraad Wali saaran Dagmada Xudur Gobalka Bakol

July, 15, 2018
Xudur, Waa magaalo madaxda gobolka bakool mudo ka ...

Labo Sano kadib Turkey & Afgambigii Dhicisoobay (Warbixin)

July, 15, 2018
Wuxuu ahaa Habeen Taariiqi ah 15 July sanadkii ...

Maqaallo

Xog Farshaxan : Wax ka baro abtirka Barack Obama

July, 16, 2018
Waxaa dalka Kenya soo gaaray madaxweynihii hore ee ...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaar kamid ah guddiyada Golaha Shacabka ku wareejiyay Xafiisyadii ay ku shaqeyn lahaayeen+Sawirro

July, 16, 2018
Muqdisho - Kusimaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoonka Golaha ...

Weer lagu dilay dad rayid ah oo ka dhacay Waqooyiga dalka Mali

July, 16, 2018
Mali- Ugu yaraan 12 qof oo rayid ah ...

Midowga Yurub Oo Wafdigii Axmed Madoobe Ku Qanciyey Ka Qeybgalka Shirka Brussels

July, 16, 2018
Warar goor dhow ay Goobjoog News, ka heshay ...

Shirka arrimaha Soomaaliya oo ka furmay Brussels ee dalka Belgiumka+Sawirro

July, 16, 2018
Brussels(SONNA);- Magaalada Brussels ee Xarunta dalka Belgium-ka, waxaa ...

Maxaa laga filan karaa Shirka Brussels? (Faallo)

July, 15, 2018
Shirar badan oo looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya ayaa ...

Waraysi:Xayiraad Wali saaran Dagmada Xudur Gobalka Bakol

July, 15, 2018
Xudur, Waa magaalo madaxda gobolka bakool mudo ka ...

Labo Sano kadib Turkey & Afgambigii Dhicisoobay (Warbixin)

July, 15, 2018
Wuxuu ahaa Habeen Taariiqi ah 15 July sanadkii ...

Wasiirka amniga oo eedeyn u jeediyay dadka xirnaanshaha wadooyinka dhaliila

July, 15, 2018
Wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya ayaa eedeyn u jeediyay ...

(WARBIXIN) Wafdi Ka Socda Sirdoonka Imaaraadka Carabta Oo La Sheegay Inay Somalia U Yimaadeen Si Ay U Maalgeliyaan Maleeshiyo-Beeleedyo

July, 15, 2018
Xeel-dheere Siyaasadeed oo lagu magacaabo C/llaahi Faarax Mire ...

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com