Faah faahin:- Duqeyn ka dhacday J/Dhexe
Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com
Published on July 12, 2018 by mahad hassan · No Comments
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya gobolka Jubbada Dhexe, Diyaarado dagaal ayaa duqeyn la beegsaday saldhig ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin Tuulada Xasan Kuusow oo ka tirsan gobolkaasi.
Tuulada Xasan Kuusow oo Duqeyntan ay si gaar ah uga dhacday ayaa waxa ay u dhaxeysaa Degaanada Jawaari iyo Raaxoole oo Jubbada Dhexe ka tirsan.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya duqeyntan oo dhacday xalay 03:00 habeenimo in lala beegsaday saldhig Shabaab ay ku tababaraan caruurta yaryar.
Dadka degaanka ayaa waxa ay allsaaxo u sheegeen Duqeyntan inay fuliyeen Diyaaradaha dagaalka Kenya, waxayna tilmaameen inay maqleen ilaa 9 Gantaal oo lala eegtay xerada Shabaab.
Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen in Duqeyntan lagu dilay ilaa Sideed dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab, sidoo kalena looga gubay laba gaari oo midi uu ahaa gaadiid dagaal.
Shabaab oo duqeyntan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay sheegeen inaanay jirin khasaare ka dhashay Duqeyntan oo dhankooda ama shacab soo gaaray.
Related
February, 16, 2019
Al Shabaab ayaa sheegtay weerarkii Madaafiicda ee ay ...
February, 16, 2019
Xukuumada cusub ee maamulka puntland oo uu dhawaan ...
February, 16, 2019
Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa ah kuwa ...
February, 16, 2019
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda ...
February, 16, 2019
Askari ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ...
February, 16, 2019
Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Dhaxe Soomaaliya ayaa maanta magaalada ...
February, 16, 2019
Ugu yaraan 56 Qof ayaa Saddexdii Bil ee ...
February, 15, 2019
Wiil dhallinyaro Soomali ah ayaa lasoo warinayaa in ...
February, 15, 2019
Ka hor inta aan la qaban doorashada dalka ...
February, 15, 2019
Wararka ay allsaaxo ka heleyso gobolka Shabeellaha Hoose ...