GGGGGG
Tuesday, October 23rd, 2018
header

Ilhaan Cumar Oo Beenisay Eedeymo Lagu Sheegay Inay Tahay Yuhuud-Nacayb

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on July 11, 2018 by   ·   No Comments

Ilhaan Cumar oo ah Murashax u taagan Kursiga Kongareeska ee uu banneeyey Xildhibaanka Muslimka ee Keith Ellison waxay gaashaanka u daruurtay eedeymo lagu sheegay inay Twitter-keeda ku qortay sannadkii 2012-kii inay Dowladda Yuhuuda tahay Rejiim Midab-takoor iyo erayo kale oo Yuhuud-nacayb ahaa.

Wareysi ay siisay Telefishinka ABC ee laga leeyahay dalka Maraykanka waxay ku sheegtay in ay eedeyntaasi tahay naqdin ka timid Siyaasiyiinta Muxaafididka ah.

Waxay Wareysigeeda ku sheegtay inaysan Eedeymahaasi lahayn wax qiimo ah, isla markaana waxay ka gaabsatay inay Raalli-gelin ka bixiso ama ay ka laabato Qoraalkii ay Twitter-keeda soo dhigtay bishii November ee sannadkii 2012-kii ee la sheegay inuu ahaa hadalo Yuhuud-nacayb ah.

Waxay kaloo Twitter-keeda ku sheegtay inay Dowladda Yuhuudda tahay Dowlad Midab-takoor oo dhibaato ku ah Caalamka, kuna dhaqanta Camalka Shaydaanka.

Ilhaan Cumar waxay qoraalkaasi soo dhigtay barteeda Twitter-ka 2 maalin kadib, markii ay Ciiddanka Yuhuudda bilaabeen Hawlgal ka dhan ah dadka Reer Falastiin ee ku nool Marinka Qasa.

Yuhuudda waxay xilligaasi sheegeen inay Kooxaha Mukhaawamadda Falastiin ay 100 Hoobiye ku garaaceen deegaano ku yaalla Koonfurta Yuhuudda.

Dhinaca kale, Isbuucyadii la soo dhaafay waxay Ilhaan Cumar heshay Qoraalo Twitter oo iyada lagu naqdinayey, waxayna mar ay u jawaabaysay Qoraal iyada loo soo dirray ku sheegtay inmuujinta inay Dowladda Yuhuudda tahay Dowlad Midab-takar mid ka fog Nacaybka dadka Yuhuudda loo muujiyo.

Si kastaba ha ahaatee, Ilhaan Cumar waxay ka mid tahay Murashixiinta u tartami doona Kursiga Xisbiga Dimuqraadiga ee Xildhibaanka Keith Ellison oo isagu ah Xildhibaankii ugu horreeyey ee loo doorto Aqalka Kongareeska Maraykanka.

Keith Ellison waxa uu u tartami doonaa xilka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Gobalak Minnesota, isagoo aan doonaynin in mar kale loo doorto.

Si kastaba ha ahaatee, Ilhaan Cumar waxaa Kursiga Kongareeska kula tartami doona Murashixiin kale oo ay ku jiraan dhowr Haween Muslim ah.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Shirka maamul goboleedyada oo maanta la filayo in la soo gaba gabeeyo

October, 23, 2018
Magaalada Garowe waxaa ka socda shir maalinkii Saddexaad ...

Hay’adaha ammaanka oo Muqdisho ku qabtay burcad dhac ka geysan jirtay Muqdisho

October, 23, 2018
Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya oo maalmahan dambe ...

Sawirro:-Ciidamo Ka Socda AMISOM Oo Ku Soo Wajahan Soomaaliya

October, 22, 2018
Dhawaan  ayaa la filayaa in Ciidamo ka socda ...

Sawirro:-Mas’uul Matalaya Maamulka G/Banaadir Oo Ka Qeyb Galaya Shirka Golaha Maayarada Caalamka

October, 22, 2018
Guddoomiye Ku-Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir ...

Wasiirka amniga oo furay shir looga hadlayo dardar gelinta hawlaha Hayadda socdaalka.

October, 22, 2018
Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar ...

Daawo:-Telefishinka CNN Oo Soo Bandhigay Muuqaal Video Cusub Ee Kiiska Saxafigii Jamaal Khashoggi

October, 22, 2018
Muuqaal ay Kaamerooyinka Qarsoon duubeen ayaa waxaa si ...

Puntland Oo Si Kulul Uga Hadashay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Sool

October, 22, 2018
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si kulul uga hadlay ...

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Maanta Kormeer Sameeyay

October, 22, 2018
Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan ...

Sawirro:-War Laga Soo Saaray Dagaal Beeleed Ka Dhacay Gobolka Sool

October, 22, 2018
Saakay waaberigii ayaa dagaal beeleed waxa uu ka ...

Dhagayso:Dowlad Goboleedyada Oo Ka Jawaabay Qoraalkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha

October, 22, 2018
Afhayeenka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Cabdullaahi Sheekh Xasan ...

Maqaallo