Saraakiisha dhalinyarada ah ee maanta tababar loo furay, ayaa Ciidanka Booliska waxay kusoo biireen dhowaan, waxaana lagu qaatay Heerarkooda Waxbarasho, iyaddoo Tababarkaan lagu barayo sida uu shaqeeyaan Ciidanka Booliska iyo Sharuucda Booliska Aduunka.
Casharada lagu qaadanayo Tababarkaan, ayaa waxaa bixin doona Madaxda Hoggaanada Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana hoggaan walbo uu bixin doonnaa shaqooyinka u gaarka ah ee uu qabto.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” , ayaa Saraakiisha dhalinyarada ah ee Maanta tababarka loo furay kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan Casharada la siinayo, isaggoo xusay in tababarada noocaan oo kale ah la kordhin doono, si sare loogu qaado Aqoonta Ciidanka Booliska.
Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow, ayaa sheegay in tababarkaan muhiim uu yahay saraakiisha dhalinyarada ah, maadaama ay wax badan ka kororsanayaan, waxaana Taliska Ciidanka Booliska uu ku ammaanay dadaalka ay galinayaan sare u qaadista aqoonta Ciidanka
Halkaan Ka Dhagayso Cododka
Wasiirka wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya oo Booqaday Xerada Tababarka Boliiska ee Jen.Kaahiye, w