GGGGGG
Wednesday, January 16th, 2019
header

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda 

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on June 14, 2018 by   ·   No Comments

Xafiiska xeer illaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku soo eedeeyay 15-shaqsi oo ka mid ah ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka mid ah Ciidamadii horey u taba-bareen Imaaraadka in ay abaabuleen dhac loo gaysto keydka dugsiga oo ay ku jireen agabka ciidamada.

Eedeysanayaasha ayaa ahaa saraakiil xigeenada dugsiga iyo bare ka mid ahaa saraakiisha ciidamada ay dowladda Imaaraadka ugu tala gashay in uu barro xirfadda Ciidamada ay ku taba-bari jireen dugsiga Jen, Gordan.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda hor keenay markhaatiyaal ka mid ah ciidamada & saraakiisha kale ee ku jiray dugsiga, sidoo kale Maxkamadda ayaa dhageysatay eedeysanayaasha oo iyaga laftooda la weydiiyay dambiyada ay galeen jiritaankooda.

Qareenada u doodayay eedeysanayaasha ayaa ku dooday in raggan kaliya aan loo ciqaabin dambiyada ay soo jeediyeen xafiiska xeer ilaalinta, waxa ayna sheegeen in abaabulka dambiyada loo heysto ay ka weyn-tahay eedeysanayaasha, sidaas darteed ayay ka codsadeen garsoorayaasha Maxkamadda in loo naxariisto isla markaana la siiyo xurriyadooda.

Maxkamadda oo tix gelineysa cadeymihii horey looga qoray Eedeysanayaasha, Markhaatiyaasha iyo Gal-dacwadeedka la horkeenay Maxkamadda ayaa go’aan ku gaaratay xukunnada kala ah ;-

“Seddax Alifle Xoogga dalka Yaasiin Ibraahim Aadan hal-sano oo xabsi Ciidan ah

Maxammed Cabdi Sabriye oo shacab ah hal-sano oo xabsi Ciidan ah.

Halka 5-ta kale oo iyagana isku daraja ah lagu wada xukumay 6-bil oo Xabsi Ciidan ah.

Maqanayaal kale oo uu ku jiro Macalimkii dugsiga lagu wada xukumay 5-sano oo xabsi ciidan ah.

Waxa ayna kala yihiin;-

Seddax Alifle Xoogga dalka Ismaaciil Abuukar Muudey, Cali Maxammed Xasan, Qaaasim Ibraahim Aadan, Xuseen Maxammed Cusmaan, Maxamuud Muuse Yuusuf.

Sida uu xaqiijiyay Col Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow oo kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Maxkamadda ayaa sii deysay Cabdullaahi Xasan Diiriye oo ahaa shacab da’diisu ay yartahay.

Col Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow ayaa sidoo kale sheegay in ciddii aan ku qanacsaneen xukunka ay u furantahay Racfaan.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Kenya Joseph Boinett oo Faahfaahiyay Weerarkii Galabtay Nairobi ka dhacay

January, 15, 2019
Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Kenya Joseph Boinett ...

Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray Magaalada Dhoobley

January, 15, 2019
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ...

Madaxweyne Xaaf Oo Ka Badbaaday Weerar Qaraxyo Ku Bilowday Oo Ka Socda Nairobi

January, 15, 2019
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa wax ...

Akhriso:-Xisbiga Cadaaladda Iyo Horumarka”Waa In Lala Socdaa Hab Dhaqanka Guracan Ee Dowladda Farmaajo & Kheyre”

January, 15, 2019
Xisbiga Cadaalada iyo Horumarka oo ka mid ah ...

Sawirro:-Wafdi Gaaray Magalada Baydhabo

January, 15, 2019
Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta ...

Sawirro:-Rag Hubeysan Oo Weli Ka Dhex Dagaalamayo Hotelka Dusit Ee Magaalada Nairobi Iyo Ciiddan Oo Loo Daad-Gureeyey

January, 15, 2019
Ciiddan ka tirsan kuwa GSU ee dalka Kenya ...

Shabaab oo sheegtay Mas’uuliyada weerarka Nairobi CaalamkaWararka Shabaab oo sheegtay Mas’uuliyada weerarka Nairobi

January, 15, 2019
Ugu yaraan laba qarax oo waaweyn ayaa lagu ...

Weerar Qaraxyo ku bilawday oo ka dhacay Magaalada Nairobi

January, 15, 2019
Wararka Allsaaxo ay ka heleyo magaalada Nairobi ee ...

SAWIRO: Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Magaalada Boosaaso

January, 15, 2019
Wararka Allsaaxo ay ka heleyso Magaalada Boosaaso ee ...

SAWIRO: Madaxweyne Deni oo qaabilay Wafdi ka socda Shiinaha

January, 15, 2019
Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ...

Maqaallo