GGGGGG
Wednesday, January 16th, 2019
header

Farmaajo “Culumadu waa in ay bulshada u iftiimisaa dhagarta Shabaab” (SAWIRRO)

Nagala soo Xeriir:- info@allsaaxo.com

Published on June 13, 2018 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay la kulmay dalladaha ay ku midaysanyihiin culumada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay culumada diinta in ay dardar geliyaan kaalintooda kaga aaddan dagaalka ka dhanka ah afkaaraha xagjirnimada ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wadajirka iyo wada-shaqeynta culamadu ay asaas u tahay qorsheyaasha cirib-tirka argagixisada iyo dabar-gooynta fikradaha dib u dhigay dowladnimadeenna, oo ay ka mid yihiin qabyaaladda, musuqmaasuqa iyo caddaalad darrada.

Madaxweynaha ayaa yiri “Argagixisadu waxa ay ka macaashaan khilaafka ka dhex jira bulshada, gaar ahaan wada shaqeyn la’aanta culumada diinta iyo hormuudka bulshada. Sidaas darteed, waa in idinka oo mideysan mar kasta aad u iftiimisaan bulshada in dagaalka aan kula jirno argagixisada uu yahay jihaad waajib nagu wada ah.”

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay hibo u leeyihiin dhaqan sharaf leh oo waafaqsan diinteena suubban ee Islaamka, balse waxaa ku soo duulay kuwo ujeedkoodu yahay in ay tirtiraan cid kasta oo ku abtirsata magaceenna. Culumadu waa in ay bulshada u iftiimisaa dhagarta Al Shabaab iyo afkaarahooda gurracan.”

Dhanka kale, Culumada oo la wadaagay Madaxweynaha aragtidooda iyo talooyinkooda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, ayaa bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Culumada ayaa sheegay in ay kalsooni ku qabaan dadaallada ay dowladdu ku bixineyso dib-u-habeynta garsoorka, ilaalinta madax-bannaanida dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo dib u soo-celinta boqolaalka dhallinyarada ah ee ku dhibaateysan xabsiyada shisheeye.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahad celiyey culamadii ka soo qayb gashay kulankan sida ay u ajiibeen marti qaadkan, isagoona tilmaamay sooyaalka ay culumada Soomaaliyeed ku leeyihiin gobonnimo doonkii dalka iyo dadaallada ay haatan ku bixiyaan wacyigelinta, faafinta cilmiga, xoojinta amniga iyo toosinta dhaqanka bulshada.

Readers Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay

Ciidammada Kenya oo weli wada howlgal lagu soo afjarayo weerrarkii Nairobi

January, 16, 2019
Ciidammada ammaanka ee Kenya ayaa weli iskudayaya inay ...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la caleema saarayo

January, 16, 2019
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in ...

Dowladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Weerarkii Magalada Nairobi

January, 16, 2019
War-saxaafadeed ka Soo soo Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda ...

Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Kenya Joseph Boinett oo Faahfaahiyay Weerarkii Galabtay Nairobi ka dhacay

January, 15, 2019
Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Kenya Joseph Boinett ...

Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray Magaalada Dhoobley

January, 15, 2019
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ...

Madaxweyne Xaaf Oo Ka Badbaaday Weerar Qaraxyo Ku Bilowday Oo Ka Socda Nairobi

January, 15, 2019
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa wax ...

Akhriso:-Xisbiga Cadaaladda Iyo Horumarka”Waa In Lala Socdaa Hab Dhaqanka Guracan Ee Dowladda Farmaajo & Kheyre”

January, 15, 2019
Xisbiga Cadaalada iyo Horumarka oo ka mid ah ...

Sawirro:-Wafdi Gaaray Magalada Baydhabo

January, 15, 2019
Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta ...

Sawirro:-Rag Hubeysan Oo Weli Ka Dhex Dagaalamayo Hotelka Dusit Ee Magaalada Nairobi Iyo Ciiddan Oo Loo Daad-Gureeyey

January, 15, 2019
Ciiddan ka tirsan kuwa GSU ee dalka Kenya ...

Shabaab oo sheegtay Mas’uuliyada weerarka Nairobi CaalamkaWararka Shabaab oo sheegtay Mas’uuliyada weerarka Nairobi

January, 15, 2019
Ugu yaraan laba qarax oo waaweyn ayaa lagu ...

Maqaallo